Member-sol- Posted August 23, 2008 Kumanaan dadwayne reer Kismaayo ah oo kasoo qayb galay Muxaadaro qiimo badan oo beerta Xoriyadda uu ka jeediyay Sheekh Abu Mansuur Sabti 22 Shacbaan 1429 =23/08/2008 -------------------------------------------------------------------------------- Muxaadarada oo dhinacyo badan taabanasay ugu horayn sheekhu wuxuu ugu mahad celiyay dhammaan dadwaynaha reer Kismaayo oo si wayn uga qayb qaatay dagaaladii looga saaray magaalada Ashahaado la dirirkii uu hogaaminayay Barre Hiiraale. Sheekha ayaa sidoo kale reer kismaayo u caddeeyay in Mujaahidiinta Al-shabaab aanay beel gaara la daalamin isla markaana aanu jirin qabiil ka horyimid Mujaahidiinta, waxa ay la dagaalameena ay ahaayeen rag daalimiin ah oo is hortaagay dhaqan galinta shareecada Islaamka. Abuu Mansuur wuxuu sheegay in hadafka Mujaahidiinta Al-shabaab aanu ahayn in magaalada ay maamul dibadda uga keenaan, laakiin laga rabo reer Kismaayo in ay iyagu samaystaan maamul shareecadana ay isku xukumaan. Muxaadarada sheekha ayaa aad usoo jiidatay dadwaynihii dhagaysanayay Muxaadarada, waxaanay aad u danaynaynayeen dadwaynuhu inay ogaadaan Hadafka iyo ujeedada rasmiga ah ee Mujaahidiinta, waxana goobta ay ka tageen iyagoo aad u faraxsan. Quote Share this post Link to post Share on other sites