General Duke Posted September 22, 2007 Ciyaar K/Koleyga oo lagu Maamuusayay Maalinta Nabadda Adduunka 21-Sep-2007 Oo Ka Dhacay Garoon Lugino Mogadishu, Jimco , September 21 2007 SMC Mas’uuliyiin ka tirsan Dalladda Horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN , Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Koleyga Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u fara badan, ayaa ka qeyb galay Tartan Ciyaareed lagu maamusayo Maalinta Nabadda Addunka oo ku beeganta 21-September Garoonka K/Koleyga 1-da Luulyo Ex- Lugino ee Magaalada Muqdishu ayaa lagu qabtan ciyaar lagu weynaynayo munaasabadan maalinta Nabadda iyadoo munaasabadanna ay soo qaban qaabisay Dalladda Dhallinyarada SOYDEN. Madaxda Dalladda SOYDEN , Hay`adda UNICEF,UNFPA iyo Xiriirka K/Koleyga , guddoomiye ku xigeenka XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) , xoghayaha guud XSKK Cali Amiin Xaaji , Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) , C/qaadir Salaad Cabdi oo ka socda SOYDEN , Maxamed Maxamuud Caadle (UNICEF) iyo Istarliin Sheekh C/llaahi oo ah UNFPA ayaa ka wada hadlay Munaasabadan weyn ee lagu weynaynayo maalinta Nabadda Adduunka ( Internatinal Paace Day 21-Sep-07 ) iyagoo dhamaantood ku nuuxnuuxsaday in Nabaddu tahay nolasha la`aanteedna nololi jiri Karin , waxayna inta ciyaarta ka soo qeybgashay kula dardaarmeen in ay kawada shaqeeyaan Nabadda. Munaasabadan oo ka mid ah munsaabadaha ay Daladda SOYDEN ugu talagashay Maalinta Nabadda iyadoo sidoo lagu wado tartamo kale oo ciyaareed in loo qabto ciyaarta loogu talagalay in lagu maamuuso Nabadd 21-ka September 2007 ayaa waxay u dhacday jawi wanaagsan. Ciyaar K/Koleyga oo ay isaga horyimaadeen wiilasha Jaaliyadda Yemen iyo Al-Shabaab ayaa waxay ku soo idlaatay 46-40 oo ay guusha ku raacday kooxda Da`yarta ee Al-Shabaab iyadoo dadkii daawanayay ay aad ula dhaceen ciyaarta ay soo bandhigeen wiilasha Al-Shabaab oo u badan ciyaaryahano da`yar halka kuwa Jaaliyadda ay ka muuqdeen kuwo waayo arag u ah ciyaarta K/Koleyga koobkii Munaasabadaasi ayaa waxaa Madaxda SOYDEN ka socotay Cusmaan Daallo uu gacanta u geliyay Captan-ka Kooxda Al-Shabaab C/Fitaax Buukaale. Guud ahaan ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen xiriirada kala duwan ee hoos yimaada G.O.S , Guddoomiyaha Jaaliyadda Yemen Cabdalla Maxamed Cabuud iyo taageerayaal xiiseeya ciyaarta Kubadda Koleyga Soomaaliya. Yours Truly Said Ibrahim Hussain " BUUNA " Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites