Sign in to follow this  
Paragon

Muqdisho: Qarax caawa lala beegsaday Hotel Ambassador

Recommended Posts

Paragon   

Muqdisho: Qarax caawa lala beegsaday Hotel Ambassador oo xubno dowladda ka tirsan ay degan yihiin

Khamiis, January 11, 2007 - APL

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidnimadii qarax xoogan la beegsaday Hotelka Ambassador oo ku yaala agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan ayaa waxaa riday kooxo aan la garaneyn iyadoo ay kasoo tuureen gaadiid nooca lagu raaxeesto ah xili uu iridka hotelka marayey, waxaana markaasi kadib ciidamadii ilaalada Hotelka iyo kuwa geystay qaraxa ay is weydaarsadeen rasaas xoogan oo mudo 20 daqiiqo socotay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladii Hotelka inta laga war qabo.

 

Hotelka Ambassador ayaa lagu soo waramayaa in xiligaasi uu ku sugnaa Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cali Madoobe iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan oo halkaasi deganaa.

 

Qaraxan ayaa waxaa uu daba socdaa qaraxyadii habeenadan ka dhacayey Muqdisho xili aad loo adkeeyay amaanka goobahaasi.

 

Kooxahan geysanaya falalka argagixisonimada ayaa waxay bartilmaameedsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin madaxda dowladda iyo ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka, iyadoo howlgalo ay ciidamad dowladda fuliyeen kusoo qabqabteen hub iyo gaadiidkii habeen hore qaraxa ka geystay agagaarka wakaaladdii hore ee hargaha.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

AllPuntland

http://allpuntland.com/

 

Powered by AllPuntland.com

 

©AllPuntland.com

webmaster©AllPuntland.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Dayniile:

 

Wararkii ugu dambeyey Qaraxii ka dhacay caawa agagaarka KLM4 iyadoona halkaasi uu ku dhintay hal qof oo waardiyo ka ahaa hoteelka ,caawa ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay ilaa iyo 3 qof kuwaas oo lagu dilay meelo kala gadisan oo ka tirsan koonfurta Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this