Paragon Posted January 11, 2007 Muqdisho: Qarax caawa lala beegsaday Hotel Ambassador oo xubno dowladda ka tirsan ay degan yihiin Khamiis, January 11, 2007 - APL -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho(AllPuntland)- Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidnimadii qarax xoogan la beegsaday Hotelka Ambassador oo ku yaala agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa waxaa riday kooxo aan la garaneyn iyadoo ay kasoo tuureen gaadiid nooca lagu raaxeesto ah xili uu iridka hotelka marayey, waxaana markaasi kadib ciidamadii ilaalada Hotelka iyo kuwa geystay qaraxa ay is weydaarsadeen rasaas xoogan oo mudo 20 daqiiqo socotay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladii Hotelka inta laga war qabo. Hotelka Ambassador ayaa lagu soo waramayaa in xiligaasi uu ku sugnaa Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cali Madoobe iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan oo halkaasi deganaa. Qaraxan ayaa waxaa uu daba socdaa qaraxyadii habeenadan ka dhacayey Muqdisho xili aad loo adkeeyay amaanka goobahaasi. Kooxahan geysanaya falalka argagixisonimada ayaa waxay bartilmaameedsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin madaxda dowladda iyo ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka, iyadoo howlgalo ay ciidamad dowladda fuliyeen kusoo qabqabteen hub iyo gaadiidkii habeen hore qaraxa ka geystay agagaarka wakaaladdii hore ee hargaha. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho -------------------------------------------------------------------------------- AllPuntland http://allpuntland.com/ Powered by AllPuntland.com ©AllPuntland.com webmaster©AllPuntland.com -------------------------------------------------------------------------------- Dayniile: Wararkii ugu dambeyey Qaraxii ka dhacay caawa agagaarka KLM4 iyadoona halkaasi uu ku dhintay hal qof oo waardiyo ka ahaa hoteelka ,caawa ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay ilaa iyo 3 qof kuwaas oo lagu dilay meelo kala gadisan oo ka tirsan koonfurta Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted January 11, 2007 Too bad they didn't get any of them. The noose is tightening, ma istidhi? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted January 11, 2007 ^^ The more they attsck the more specialist they become. The noose is indeed tightening. Quote Share this post Link to post Share on other sites