General Duke Posted August 20, 2009 Dhismaha golaha deegaanka Galkacyo oo la soo gabagabeeyey, loona gudbiyey guddiga ansixinta. Galkacyo, Aug 20 - Nabadoonada gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u soo dhammaystiray soo xulashada xildhibaanada ka mid noqon doona golaha deegaanka ee magaalada Galkacyo oo muddo todobaad ah ay ku howllanaayeen. Wasiirka aniga Puntland ahna guddoomiyaha guddiga ansixinta xildhibaanada golaha deegaanka C/laahi Siciid Samatar, ayaa shir jaraa’id oo uu maantay ku qabtay magaalada Galkacyo kaga warbixiyey halka ay marayaan dadaalladii odayaasha dhaqanku ay ku soo xulanayeen mudanayaasha ka mid noqon doona golaha shacabka ee magaalada Galkacyo. Wasiir Samatar, waxaa uu sheegay dhammaan odayaasha dhaqanka ee beelaha deggan gobolku in ay soo dhammaystireen soo xulashada xildhibaanada uga mid noqon doona golaha deegaanka, hadda kadibna guddigu ay guda gali doonaan shaqooyinkii loo xilsaartay ee ahaa hubinta cidda buuxin-karta shuruudaha looga baaahan-yahay xildhibaanka. Md. Samatar, wuxuu intaasi ku daray hadda in uu xirmay liiskii soo gudbinta xildhibaanada, isla markaan maalinta Sabtida ah ay si rasmi ah u bilaaban doonto kala xulashada xildhibaanada la soo gudbiyey, iyadoo la raacayo shuruucda u yaalla golahayaasha deegaanka iyo waliba shuruudaha looga baahan-yahay qof xildhibaanka noqonaya. Golaha cusub ee hadda loo dhisayo magaalada Galkacyo ayaa ah kuwo in badan ka duwan kuwii hore marka loo eego habka xulashada iyo shuruudaha mudanaha lagu qaadan doono, oo ay ka mid yihiin aqoonta, hantida uu haysto, waaya-aragnimadiisa shaqada loo dhiibayo, sumcadda uu bulshada ku dhaxleeyahay iyo waliba habka dhaqankiisa iyo akhlaaqda uu shaqlisigu leeyahay. C/fitaax Cumar Geeddi’ Idaacadda Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites