Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu Mortar attacks

Recommended Posts

Qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya qaybo ka tirsan Muqdisho

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 19/02/07

 

Qaraxyada madaafiicda ayaa waxay ka dhacayaan gudaha Magalaada Muqdisho, waxaana intooda badan ay ka dhacayaan degmad Hodan ee Muqdisho.

 

Qaraxyadaan ayaa waxaa la sheegay inay yimaadeen kaddib markii kooxo aan la garanayn ay hoobiyeyaal ku weerareen saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada Dowladda goobo ku yaalla Degmada Hodan.

 

 

 

 

Khasaarooyinka ay geysnayaan madaafiicda ayaan la garaanyn, balse warar ayaa ka soo bixi doona, innagoo idinkula socod siin doonna wixii soo kordha wararkeenna dambe.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

 

xuurshe114@hotmail.com

 

Muqdisho-Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG-DEG AH: Madaafiic lagu garaacayo Magaalada Muqdisho iyo Qarax baasuuke oo dhawaan dhacay

Posted to the Web Feb 19, 18:14

 

Muqdisho (PP) – Madaafiic waaweyn ayaa laga maqlayaa qaraxyadooda Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan, agagaarka Warshadda Caanaha ayay ku dhacayaan madaafiicda oo ka imaanaya dhanka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah ee ku sugan Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga.

Warar aanu helay ayaa waxay sheegayaan in kooxo aan la garanayn ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku weerareen Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga, iyadoo la sheegay inay ka soo jawaabeen ciidammada halkaas ku sugan oo isugu jira kuwa Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Lama garan karo khasaarooyinka ay geysteen madaafiicda la is dhaafdhaafsanayo, waxaana madaafiicdu ay ku dhacayaan goobaha bulshada rayidka ah ay ku nool yihiin, taasoo dhalin karta inay khasaarooyin xoog badan ka dhashaan Madaafiicda la is weydaarsanayo.

 

Ciidammada Dowladda ayaa waxay ugu jawaabaan madaafiic halkii madaafiic looga soo tuuro, waxaana tani ay walwal weyn ku dhalisaa markii ay billowdaan madaafiicda shacabka Muqdisho oo iyagu aad uga calool xun madaafiicda korkooda la isku weydaarsanayo.

 

Dhanka kale; waxaa qori baasuuke ah uu ka dhacay Muqdisho, gaar ahana agagaarka Baar Ubax, balse lama garanyo wax khasaare ah oo u geystay iyo saabta u u dhacay baasukahaas.

 

Wixii warar ah ee ka soo baxa qaraxyada Madaafiiceed ee ka dhaca Muqdisho kala soco aqriste www.puntlandpost.com haddii RABBI ogolaado.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadisho

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this