General Duke Posted January 16, 2005 Jen. Moorgan oo dhowaan si nabad ah uga degaya Magaalada Kismaayo kadib heshiis qarsoodi ah oo lagu gaaray Magaalada Nairobi Axad, January 16, 2005 (HOL) @15:00GMT: Warar aynu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Jen. Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) uu ka degi doono Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ka hor inta aaney dhamaan bishan, waxayna taasi ka dambeysay kadib heshiis hoose oo la sheegay in lagu gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaano ku abtirsada Wasiirka Dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Jen. Moorgan ay wada hadallo is dabajoog ah ku lahaayeen Magaaladda Nairobi, kuwaasoo uu aad uga soo shaqeeyay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maslax Maxamed Siyaad. Jen. Moorgan ayaa isugu ka gaabsaday inuu arrintaasi wax faah-faahin ah ka bixiyo mar uu wargeyska Sanca Press wax ka weydiiyay, halka uu jiritaanka arrintaasina gebi ahaanba beeniyay Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar oo dhismaha dowladda cusub ka hor ku xigeen u ahaa Col. Barre Hiiraale. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted January 16, 2005 halka uu jiritaanka arrintaasina gebi ahaanba beeniyay Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar So I guess it isn't a deal between Morgan and the "JVA" then It's an alleged deal between Morgan and one side of the JVA. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 16, 2005 lets wait and see I have only seen this in Hiiraan.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites