Sign in to follow this  
General Duke

Have Morgan and the JVA come to a deal??

Recommended Posts

Jen. Moorgan oo dhowaan si nabad ah uga degaya Magaalada Kismaayo kadib heshiis qarsoodi ah oo lagu gaaray Magaalada Nairobi

 

Axad, January 16, 2005 (HOL) @15:00GMT: Warar aynu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Jen. Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) uu ka degi doono Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ka hor inta aaney dhamaan bishan, waxayna taasi ka dambeysay kadib heshiis hoose oo la sheegay in lagu gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

 

Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaano ku abtirsada Wasiirka Dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Jen. Moorgan ay wada hadallo is dabajoog ah ku lahaayeen Magaaladda Nairobi, kuwaasoo uu aad uga soo shaqeeyay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maslax Maxamed Siyaad.

 

Jen. Moorgan ayaa isugu ka gaabsaday inuu arrintaasi wax faah-faahin ah ka bixiyo mar uu wargeyska Sanca Press wax ka weydiiyay, halka uu jiritaanka arrintaasina gebi ahaanba beeniyay Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar oo dhismaha dowladda cusub ka hor ku xigeen u ahaa Col. Barre Hiiraale.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

halka uu jiritaanka arrintaasina gebi ahaanba beeniyay Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar

So I guess it isn't a deal between Morgan and the "JVA" then :D It's an alleged deal between Morgan and one side of the JVA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this