Sign in to follow this  
Cowke

NW Somalia: Dararweyne People Dying From Diseases

Recommended Posts

Cowke   

Shuban ka dillaacay Deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag oo sababay dhimasho

 

October 7th, 2009

 

Hargeysa (Somaliland,Org)- Inta la ogyahay laba qof ayaa dhintay, ilaa soddomeeyo kalena way u jiifaan Cudur Shuban ah oo la sheegay in uu ka dillaacay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

 

Sida uu sheegay Cabdilaahi Jaamac Xagar oo ah Madaxa rugta Caafimaadka ee Degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag oo u waramay Idaacadda Horyaal, ilaa laba qof ayaa dhintay ilaa soddomeeyo kalena way u jiifaan Cudur Shuban ah oo ka dillaacay Deegaankaas iyo kuwa ku xeeran. “Shubankaasi wuu ka jiraa Deegaanka oo wuu socdaa. Waxaan ilaa hadda u dhintay 2 qof, halka uu ka haleelay dad tiradoodu gaadhayso 30 Qof oo labadii maalmood ee la soo dhaafay u soo dhacay.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Jaamac.

 

Mar Cabdilaahi la waydiiyay sababta uu filayo inuu ka dillaacay Xanuunkani, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Magaalada Roob ma helin, weelkuna wuu ka mdhan yahay. Laakiin, Biyaha Dooxadan magaalada maray waxa yaala Bakhtigii Xoolaha oo jiifa, sida caadiga ahna reer Miyigu wuu ka cabbaa. Sidaa darteed, waxaanu u saaraynaa in Cudurkan ay keeneen Abaaraha ba’an ee soo food-saaray deegaankan iyo Biyahaa wasakhaysan ee ay Xooluhu galeen.”

 

Sidoo kale, mar la waydiiyay in ay jiraan wax caawimooyin Dawo iyo gargaar Caafimaad ah oo ay heleen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Wey jiraan Hay’ado heer Gobol ah na soo gaadhay oo Dawooyin noo keenay, haddana waanu la tacaalaynaa oo waanu dawaynaynaa dadkii uu soo ritay. Balse, ma jirto wax taageero ah oo aanu ka helnay Hay’adaha Caalamiga ah.”

 

Cabdilaahi Jaamac Xagar waxa kale oo la waydiiyay in Degaankaasi leeyahay Cusbatal wayn oo dadka Xannuunkani heleelo la jiifiyo iyo halka ay ku daweeyaan. Waxaanu sheegay in aanu jirin Cusbatal wayn oo ay jiifiyaan, hase ahaatee, ay qof walba halkiisa ku daweeyaan. “Cusbatal wayn ma jiro, balse Dadka waxa lagu dawaynayaa goob Caafimaad oo ay magaaladu leedahay..Balse, dadkan waxaanu ku dawaynaynaa goobahooda oo waxa hawshan ugu taaganahay oo aanu kaga shaqaynaynay ilaa dhawr iyo toban qof.” Ayuu yidhi Madaxa Rugta Caafimaadka ee Degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Goobaha Miyiga deegaankan wuu ka jiraa Cudurkani. Dadka uu asiibay Xanuunkanina waxay gaadhayaan ilaa 60-dameeyo.”

 

Somaliland.Org

 

Hargeisa News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this