Maaddeey Posted May 31, 2010 Sheekh Bashiir Warsame Maxamed “Bashiir Caato” oo ay xidheen ciidamada Booliska ee Magaalada Boosaaso Ciidanka Booliska ee Magaalada Bosaaso ayaa galabnimadii Maanta Abaaro 5 iyo qadar daqiiqado ah waxa ay Hotelka Safaari ka ka xeysteen Maamulaha Mac’hadka Diraasaadka Shareecada Islaamka ee Ibnu Xajar Al Casqalaani Sheekh Bashiir Maxamed Warsamed “Bashiir Caato. Ciidanka ayay Ila wareed Somalimirror u waramayi sheegeen in ay ugu tageen Qol ka mid ah Qolalka uu ka kooban yahay Hotel-ka Safaari . Askarta Sheekh Bashiir wadatay ayaa la sheegay in ay wateen 3 gaadhi sidoo kalena uu heliyay Taliyaha Qeybta booliska ee Bosaaso, waxayna wararku intaa ku dareen in ciidankaasi ay Sheekh Bashiir la aadeen dhanka Xabsiga dekadda ilaa intii makhribkii ahaydna uu halkaa ku sugnaa. Sheekh Bashiir ayaa ah Maamulaha Mac’hadka Ibnu Xajar Al Casqalaani ee Raacasan Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika , Sheekh Bashiir waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Kuliyadda Shareecada iyo Diraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Bariga Afrika . Sheekh Bashiir waxa uu Mastar dhanka Tarbiyadda ah ku soo diyaariyay Dalka Sudan wuxuuna xiligan ku howlanaa diyaarinta Risaaladiisa Digtooraada ama PHD hadba sidii loo yaqaano. Si cad looma oga ilaa iyo hadda waxa ka dambeeya xidhitaanka Sheekh Bashiir oo ku can ahaa “Bashiir Caato” sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Booliska ilaa iyo hadda . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted May 31, 2010 wadaad lama xiri karo miyaa? what is the big deal Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 1, 2010 Maadey just wants bombs and blood shed in Bossaso, he has a deep clan envy as seen by his constant wish for violence and division amongs the peace loving Somali's of puntland state. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted June 1, 2010 Ducaysane, I hope in mid aad jeceshahay ama Adigaba lagu xiro, markaas baad ogaaneysaa whats the big deal!!. General Duke, maxaa ku daaray, warkan waan soo guuriyey uun, maxaase ka quseeya 'bombs & bloodshed'? cajaa'ib!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 1, 2010 ^^ Your behaviour and wish for violence on the people of Puntland in the support of the monsters in Mohadishu has been noted. We await your future responses. Quote Share this post Link to post Share on other sites