Sign in to follow this  
General Duke

Sacred words to cover Lies.....clan courts.

Recommended Posts

Isburinta Maxaakiinta iyo Hadal aan Run Ahayn oo Magaca Allaah Lagu Bilaabo

 

Maxkamaduhu waxay sheegi jireen inaysan weerareyn Baydhabo, Puntland iyo Somaliland. Waxaa taa ka horyimid maalinkii ciiddii Sh. Xasan Turki oo ka tirsan golaha shuurada ee maxaakiimta, oo shaaciyey inay weerari doonaan Baydhabo, Puntland iyo Somaliland. Oktober 27, 2006, dooddii Jimcaha ee BBC da mar laweydiiyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed hadalkaa Sh. Xasan Turki oo hadaladoodii hore ka hor imaanaayey, wuuxuu sheikh Shariif ku jawaabey in Xasan Turki uu fikirkiisa uun ka hadlay ee uusan ka hadlin nidaamka u deggan midowga maxkamadaha.

 

Isla maalinkaas Sheekh Shafiir waxa uu sheegay inaanu jirin heshiis ay lageli karaan dawladda inuusan jirin ee shirarku ay yihiin fusad ay ku wacdiyayaan wakiillada dawladda. rofessor Caddowna waxaa uu ku nuuxnuuxsadaa oo uusan ka daalin in ay heshiis doonayaan oo ay diyaar u yihiin markasta. Waa isweydiine labadan mas’uul keebaa nidaamka maxkamadaha ka boodsan?

 

Oktober 31, 2006, mar uu Macalin Xaashi Axmed ugu warramayey wakaaladda

wararka ee REUTORS isaga oo jooga Buur Hakaba, wuxuu sheegay inay ku gudajiran siday u weerari lahaayeen Baydhabo kaddibna ay ugu sii gudbi lahaayeen Puntland iyo Somaliland haday midowga maxkamadaha yihiin, waxa uu intaa ku daray inaysan marna dib u soo noqonayn. Waa isweydiine Sh. Shariif iyo Macalin Xaashi keebaa ka boodsan nidaamka maxaakiimta, ninna inuu ciidan kuwado Baydhabo yuu sheegayaa, ninka kalena inaysan weerar u socon yuu sheegayaaye?

 

November 1, 2006, Professor Caddow wuxuu idaacadda BBCda u sheegay in maxkaduhu kataliyaan waddanka Somaliya 80%. Waxaan ognahay waddanku inuu yahay 18 gobol; intee gobol bay kataliyaan maxaakiimtu waa isweydiine? Professor Caddow wuxuu kaloo sheegay in labo malyuun iyo bar ilaa saddex malyuun oo qof ay ku nooshahay Muqdishow. Taariikhda Muqdisho ay ugu dad badnayd waa 1989, markii dadku nolol raadis ugu soo uruuray, gobolda woqooyina dadkii joogey colaaddii ku soo qaxisay Muqdishow, waxaana waagaa lagu qiyaasay dadkii ku noolaa Muqdishow 850 kun oo qof. See ku dhicikartaa hadda oo qax looga maqanyahay Muqdishow oo dadku aanu is dhexgelikarin inay ku nooshahay labo iyo bar ilaa saddex malyuun oo qof? Ma Muqdishow baa magaalooyinkan le’eg? Omdurman: 2,956,894 qof, Madrid: 2,915,961 qof, Chicago: 2,871,499, qof, Havana: 2,836,294 2 qof, Nairobi: 765,657 qof, Taipei: 2,620,368qof, Dar es Salaam: 2,612,422 qof iyo Roma: 2,503,056 qof.

 

November 1, 2006, Sheek Indhacadde wuxuu warbahinta u sheegay in ciidamo Ethiopian ah oo dharkii ciidanka Kenya loogeliyey iyo baabuur tarigadii Kenya leh wata la soo dhoobay xuduudda u dhaxaysa Kenya iyo Somalia. Haddii Kenya iyo Ethiopia heshiis ku yihiin in ciidan Ethiopian la dhigo xuduudda u dhaxaysa Kenya iyo Somalia dhar iyo gaadiid la bedelaa muxuu faaiideyn waa layaabe? Berrina waxaan sugeynaa Sheekh indhacadde oo leh ciidamo Ethiopian oo maqaar cad loogeliyey yaa Somalia lasoogeliyey!

 

Madaxda maxaakiimtu hadalada noocaan ah markay jeedinayaan waxay ku bilaabaan BISMILLAAH, ALXAMDU LILLAAH IYO SALLIGA NABIGA ! Waxay uga jeedaan is weydiin malaha, waa in la khaldo ummadda. Waxaa hubaal ah in diinta islaamku xarrimtay beenta, khamriga iyo sinadaba. Waxaa falkooda ka dembi weyn in kan samaynaya magaca Allaah ku bilaabo, maxaa yeelay wuxuu ihaaneynayaa magaca Allaah.

 

Nin muslim ahaa ya Axaadiista Nabiga (Sallallaahu caleyhi wasallam) uruurin jirey, markaa yaa maalin maalmaha kamida waxaa loosheegay nin Axaadiis badan xafidsan oo ku nool meel aad uga fog. Ninkii Axxadiista ururinjirey wuxuu go’aansaday inuu aado ninkaas si’ uu ugasoo faaiidaysto Axaadiista uu xafidsan yahay, wuxuuna u siisocdey meesha ninkaasu deganaa saddex bilood, ninkii Axaadiista doonayey meeshii ninka xaafidka ahi deganaa yuu gaarey saddex bilood kadib. Markuu u tegey ninkii cilmi doonka ahaa yaa arkay xaafidkii oo isku deyaya inuu faras qabto, faraskuna waa ka cararayey, markaasuu xaafidkii wuxuu soo qaaday weel maran si uu u mihiyo faraska, kadibna faraskii yaa moodey in xaafidku cunto siinayo wuuna u soonoqday, xaafidkii markaa yuu faraskii qabtay. Nankii cilmi doonka ahaa wa fajacay wuxuuna go’aansaday inuusan wax Axaadiis ah kaqaadan ninkaas faraskiisa khayaaneeyey oo beenta u sheegayey, wuxuuna yiri ninkan faraskiisa beenta u sheegaya oo khaaimay faraskiisa run iigaga sheegimaayo Axaadiistii Nabiga waana ka tegey. Hadaba nimanka hadalada aan kor ku xusay ku celcelinaya, kuna bilaabaya magaca Eebbe maxaad ku aaminaysaan ummadey? Ma kitaab bay run idiinka sheegayaan?

 

By Eng. Jama A Yacub

San Diego, CA

jyacub@sbcglobal.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this