Sign in to follow this  
General Duke

Gen Abdi Qaybdeed on the Bakara security situation

Recommended Posts

Qaybdiid oo ka hadley Bakaraha

22 Jul 22, 2007 - 6:04:45 AM

 

Taliyaha ciidamada Booliska DFKMG ah Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay saldhiga ciidamada Booliska ee Howl-wadaag ayaa sheegay in howlgalka suuqa Bakaaraha uu ku yimid shirar iyo kulamo ay yeesheen mas’uuliyiinta sare ee dowladda, Madaxda amniga qaranka iyo guddiga midowga ganacsatada.

 

“In maslaxad iyo wada hadal la isugu yimaado waa lagu wada shaqeysan karaa taasoo maanta la arkay in isfaham iyo isu soo dhawaansho uu ku bilowday dhaqdhaqaaqa suuqa ganacsiga ee Bakaaraha” ayuu yiri Taliyaha oo sheegay in wixii iminka ka danbeeya ay ciidamada Booliska ay xoojin doonaan amaanka suuqa Bakaaraha iyagoo balan qaad buuxa ka helay golaha midowga ganacsatada iyo kuw suuqa Bakaaraha.

 

“Amni darada ka jirtay suuqa Bakaaraha ciidanka ma laheyn ee dadka dowlad, nabad iyo nidaam diidka ah ayaa waday” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo ku eedeeyay dhibaatadii ka dhacday suuqa Bakaaraha kooxo uu sheegay in ay yihiin dowlad diid.

 

Gabagabadii Qaybdiid ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan shacbiga ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay ciidamada gacan ku siiyaan sugida amanka taasoo uu sheegay in hadii la helo uu suuqa Bakaraha ku soo laaban karo sidiisii hore iyadoon waxba eeda la saareyn ciidamada dowladda oo kaliya isla markaana aan sharaftooda meel looga dhaceyn, wixii khaladaad ah ee ay la kulmaana ay la soo socodsiiyaan madaxda ciidamada iyo guddiga ganacsatada oo si KMG ah ugu sii howlgeli doona saldhiga ciidamada Booliska Howlwadaag.

 

Cali Muaxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma'uuliyiin kale oo ka hadley arrimaha Suuqa Bakaaraha

 

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay suuqa Bakaaraha ka taagnaayeen rabshado ka dhashey kadib markii ay ciiidamda DFKMG ah ay howlo amaanka lagu sugayo ka bilaaben ayaa waxa markii ugu horaysay ka hadlay arrinta suqa Bakaraha mas'uliyiinta ugu saraysa dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana jira dadaalo lagu doonayo in lagu soo gaba gabeeyo xiisada Suuqa Bakaaraha.

 

Taliyaha Ciidamada howl galada kawada Suuqa Bakaaraha Yuusuf Xasan Dhuumaal ayaa shaaca ka qaaday in maanta la soo afmeeri doono gebi ahaanba howl galadii ay Ciidamadu ka wadeen Suuqa Bakaaraha.

 

Dhuumal ayaa intaa ku daray inay si wada jira arrintan uga shaqeyeen gudiga amaanka Qaranka iyo hay'ada Nabad sugida.

 

War murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Taliyaha Nabad sugida Maxamad Warsame Darwiish iyo Dhuumaal ayay ku caddeeyeen ajandaha ay ku wajahayaan suuqa Bakaaraha.

 

Sidoo kale, Ra'iisulul-Wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia Cali Maxamad Geedi ayaa isna ka hadlay arrinta Suuqa Bakaaraha waxa uuna sheegay in aan loo dul qaadan doonin sii socoshada rabshadaha Suqa Bakaaraha oo ay ku tiirsan yihiin noosha boolaal qoys oo dan yar ah.

 

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Geedi ayaa lagu sheegey sida dowladiisu uga xuntahay qasaaraha soo gaaray hantida ganacsatada Somalia ee hakadku ku yimid taana ay mas'uul ka yihiin kooxo qas wadayaala oo bambanooyin ku tuura Ciidamada DF waa sida uu hadlka u dhigaye.

 

 

Afhayenka xafiiska Ra'isal wasaraha Cabdulahi Codka oo war Saxaafaddeedka soo garsiiyay Saxaafada ayaa intaa ku daray in ay jiraan wada hadlo lala leeyahay Ganacasatada qaar.

 

Horay ayuu gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamad Cumar Xabeeb "Maxamd Dheere" u sheegay in aan ciidamada laga qaadi doonin gudaha suuqa Bakaaraha tan iyo inta laga taqalusayo kooxaha Argagaxisada ah sida uu hadalka u dhigaya waxaana muuqanayso in ay hada soo fara geliyeen mas'uuliyiinta ugu saraysa dowlada oo cadaadis kala kulmay shacabka iyo ganacsatada Muqdisho

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jeneral Cabdi Qeybdiid:- “Waxaa lagu heshiiyey in Saldhig Bolis laga dhex furo Suuqa Bakaaraha la furo, isla markaana laga wada shaqeeyo Ammaanka Suuqa”

Muqdisho, Axad, July 22, 2007 SMC

 

Taliyaha Ciiddamadda Boliska Somalia, Jeneral Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”, ayaa maanta faahfaahin ka bixiyey Heshiis-hoosaad ay maanta wada gaareen Taliska Ciiddanka Boliska, Guddiga Ammaanka Qaranka, Maamulka Gobalka Banaadir iyo Guddiga Ganacsatadda Suuqa Bakaaraha, oo lagu soo gunaanadayo xiisadaha iyo colaadaha ka aloosanaa Suuqa Bakaaraha.

 

Jeneral Cabdi Qeydiid, oo Suxufiyiinta kula hadlay Saldhigga Boliska ee Degmadda H/wadaag, ayaa sheegay inay labada dhinac isku waafaqeen dhowr qoddob, oo ay ugu muhiimsan yihiin:-

 

· In si wadajir ah looga wada shaqeeyo Ammaanka Guud ee Suuqa.

 

· In Saldhig Bolis laga dhex furo Suuqa Bakaaraha

 

· In la wada furo Waddooyinka Suuqa

 

· Inay Ciiddamadda Ammaanka sugaan ammaanka Suuqa.

 

· Inay labada dhinac joojiyaan Eedeymaha iyo caddowtooyadda.

Dhinaca kale, Guddiga Ganacsatadda ee Suuqa Bakaaraha, ayaa si deggan u soo dhaweeyey Heshiiskaasi, inkastoo ay weli ka biyo-diidsan yihiin in Saldhig Bolis laga dhex furo gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

Xaalladda Suuqa Bakaaraha, ayaa gelinkii maanta aad u degganayd, marka loo eego 19-kii maalmood ee ugu dambeeyey oo ay joogto ka noqdeen Qaraxyo bambo, Israsaasayn iyo qax la soo gudboonaaday dadkii ku ganacsanayey iyo kuwii deegaan ahaanta ugu noolaa Suuqa Bakaaraha.

 

Markaynu isku soo duubno, waxaa aad u adkaan doonta sidii uu Suuqa Bakaaraha ugu soo noqon lahaa jawigii uu ahaa saddex Toddobaad ka hor, waxaana isweydiin mudan yaa xakamayn doono carruurta yaryar iyo kooxaha bam-gacmeedyadda la dhex meereysanayo gudaha iyo daafaha Suuqa Bakaaraha?

 

Waa su'aal madaxa jawaabteeda u noqonaysa ilaha ka dambeeya qaraxyadda abaabulan ee aan la ogeyn halka ay ka soo shidaal-qaataan.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this