Sign in to follow this  
ceelayohoyoo

Jamac Donyale:(AUN) Weligeed Rag waa go’i Jirey Kanise Waa Gaar e

Recommended Posts

Rag badan ayaa ku hoobtay dagaalkii dhowaan ka dhacay Bosaso nawaaxigeeda. Inkasta oo Somalidu caada xun leedahay oo qoloba u ducayso intii dhinaceeda ka galbatay, waxaan leeyahay, illaahay ha u wada naxariisto. Intii dhimatay iyo kuwii dhaawacmay, mid walba sabab u gaara ayaa goobta keentay. Qaar dalkooda ayey u arkayeen in lagu dulaan yahay oo difaacayeen, kuwana quruskoodii ayaa askarinimo galay oo dagaalku shaqodoodu ahaa. Somalidu waxay ku maahmaahdaa, dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta. Markay labada will oo is dilayaa walaala yihiinna, nina ma guuleesto oo Guul iyo guuldarro faraq uma dhexeeyo. Waxa laga hayaa Duke Wellington oo hogaaminayey ciidamadii dagaalkii Waterloo ku jebiyey Napoleaon inuu yidhi, ” guul dagaal wax la sheegi karo kama murugo yara guuldarro.

 

 

Inkastoo raggii go’ay oo dhan go’oodu ahaa nasiib xumo, haddana dilkii Jamac Donyale ayaa meel gaara i xunuujiyey. Marxuumku qabiil ahaan iigama xigo raggii labada dhinacba ka dhintay, ee sida la soo wariyey in dillkiisu u dhacay ayaa muruga baaxadweyn ah.

 

Madaxweynaha puntland ayaa addunnkoo dhan u sheegay in Jaamac la qabtay. Dabadeedna, Waxa la soo wariyey in Jamac isagoo dhaawac ah, dhakhtarkana yaal, askarta PIS loo yaqaan dhakhtarka kala baxeen, dabadeedna xeradooda la tageen. Xeradooda markay geeyeen waxa la yidhi way jidh dileen, dabadeedna intaa kuma joogine way ceejiyeen oo aakhiritaankii wajiga ka toogteen!

 

Sida loo dilay marxuum Jamac Donyale waxay ka baxsan tahay xeerka kasta oo Somaliyi ku dhaqanto iyo axdi kasta oo adduunka u yaal. Waa waajib saaran Madaxweyne Faroole in la baadho oo laga gungaadho siday arrintani u dhacday. Waayo, nabadgelyada iyo mustabaqbalka puntland midna dani uguma jirto in NSStii

dib uga dhalato bosaso. Haddaaney nimanka PIS u shaqeeyaa ixtiraamin xeerka maamulka, banidaadamka,

iyo ummadaba, waxay khatar ku yihiin jiritaanka maamulka. Haddaanu jirin nadaam xeeriya falalkooda, ciidanka PIS, tan hadda dhacday iyo mid ka darran ayey ku kici doonaan. Haddaan la baadhin, oon ama la caddayn in wararka la sheegayaa inaaney run ahayn ama aan abaalkiisa la marin qofkii falkan nacasnimada ah ku kacay, puntland aargoosasho iyo sharci darro ayey jideysey.

 

Puntland waxa loo unkay in laga gudbo beelo iyo qabiil, lana dhiso nidaam u dhexeeya dadka oo inta badan danta guud ilaaliya. Haddii maamulku ka soo bixi waayo xilkii loo igmay, waxay keeneysaa in dowladdii lagu kala dhaqaaqo oo beelnimadii lagu noqdo.

 

Sideedaba, dowlad marka la sameeyo waa marxalad horumarineed. Waxa laga gudbey marxaladdii qof waliba ama qabiil waliba sidey la ahaato an awooddiisu tahay wax uga qabto arrimaha soo foodsaara.Dowladdu waxay samaysaa nidaam sida askar, maxkamado iyo kuwa kaloo fuliya hawlaha qaranka. Markii dowlad la sameeyo, bulshadu waxay samaysay dad gaara oo umadda uga aargooya qofkii dil, dhac, tuugo iyo denbi kaleba bulshada ka gala.

 

Maamulka puntland wuxu leeyahay laamihii dowlad laga filayey oo dhan,inkastoo dowladdu aaney wax u qaban sidii dadku ka filayey, inta badanna dowladdu aaney dadkaba u shaqayn. Xagga ammaanka waxa jira askar, maxkamado la yidhi way kala sarreeyaan iyo xeer ilaaliyayaal. Laakiin xafiisyadan dowladda caddaalad lagu fuliyaa way yartahay. Qofkii nasiib darro ku habsato oo dembi lagu soo oogo, haddaanu meel ku tiirsanayn, xeer ilaaliyuhu wuxu maxkamadda ka codsado ayaa xaakimku oofiyaa. Iska daa qof noole, hadduu xeer ilaaliyuhu dembi ku soo oogo tulud geela, waxay u badan thay in garssoruhu xadhiguu xeer ilaaliyuhu codsaday oofin lahaa.

 

Shaki kuma jiro in marxuum Doonyaale liddi ku ahaa dowladda puntland, waayo dagaal ayuu la galay. Dawladda puntlandna daw ayey u leedahay inay difaacdo daneheeda, dadkeeda iyo dhulkeeda. Dowladdu boqol sharci ayey ansaxin kartaa si loola xaalo dadka ay u argato iney khatar gelinayaan dalka. Laakiin, waxay dowladdu samayn lahaydba waxa ka soo hormaray nimankii loo dharshay inay sharciga dalka ilaaliyaan oo bulshada u dhexeeyaan. Nimankii Jaamac dhakhtarka kala baxay waxay sugi waayeen inta la hirgelinayo sharcigay dharka gaarka u gashadeen iney sugaan, oo waxay dowladda ay musharada ka qaataan ka door bideen dowlad la’aantii qof waliba gacantiisa ku aarsan jirey. Ninkii ama nimankii Jaamac diley waxay noqdeen askarigii wax xidhay, xaakinkii sharciga goyey iyo kii amarka xaakinka fuliyey.

 

Haddii reer puntland isku afgarto in sharciga waddanka la dhinac maro oo lays ugaadhsado, waa arrin u taal reer puntland. Haddiise weli meesha sharci ka jiro waa in nimankii dhacdadan ka danbeeyey wax laga qabtaa. Sidaan hore u soo sheegay, marka hore waa in baadhis dad cadaalad lagu ogyahay oo dhexdhexaad ah ay hagayaan la sameeyaa. Haddii wararka la sheegayaa ay been noqdaan, dadkii la eedeeyey waa in la raalli geliyaa. Haddayse run noqdaan wararka la soo tebiyey, waa iney dowladdu tallaabo adag qaadda. Siyaasad ahaan aad bay ugu adag tahay maamulka hadda jira inuu wax ka qabto ciidanka PIS. Hadda waxayba ku doodayaan iney yihiin kuwa keliya ee ayaantii dhoweyd bosaso badbaadiyey. Haddii maamulku ka caga jiido in arrinta wax laga qabto, dowladdu waxay ansixisay in qof walbi/qabiil walbi caddaalad gacantiisa ku guto. Jidkaasina ma aha mid in la raaco ay cidina dani ugu jirto.

 

http://galgalanews.com/index/?p=3400

Share this post


Link to post
Share on other sites

The BurcadBadeedland has its own coffin to lay in. Targetting and fabricating stories without consequence will be their demise.

 

We will see how this unfolds with reer Maakhir in the coming months as this has certainly ignited a wild fire.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this