Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Somaliland part of Ethiopia....argument against..

Recommended Posts

Somaliland iyo puntland oo Noqday labo mamul oo ka tiirsan ETHIOPIA kiliil 6 iyo kiliil 7

 

Warkii 11-Oct-2006 iyo Qormadii: Abdirizak A.Kaneec

 

Shaki kuma jiro in Riyaale Kaahin iyo Cadde Muuse ku mashquulsan yihiin qaabkii ay uga hortagi lahaayeen doonitaanka xalaasha ah ee ay ka hortaagan yihiin walaalaha waqooyi iyo bari ku nool oo doonaya inay la midoobaan Dadka ay isku jinsiga, Diinta iyo Dhaqanka yihiin ee ku abtirsan jirey

 

 

MAXA LAGUDBON SHACABKA WALAALAH EE LA KALA DIILAY

 

Gudaha maamul goboleedyada kabo qaadka u ah addis-ababa waxaa ka socda olole baaxad weyn kaasoo si sharaf leh isaga fiiqaya diir iyo maqaar beena oo 16sano ku abtirsanayey "haddii aan nahay reer Somaliland ama reer Puntland" balse dhinaca kale muwaadiniintii Soomaaliyeed ee qadiyadda qabiil lagu soo ooday meel cidla ah soo istaajiyey una dheer tahay in dakhligii iyo wixii raasamaal ay lahaayeen lagu biilo tigreega cudurka iyo cadaawadda dalka u soo dhoofiyey.

 

Afgambi lagu suubiyo Riyaale Kaahin iyo Cadde Muuse waa mid ka macno dhigaya in la hirgaliyo 2 qodob oo muhiim ah:

 

1. IN LAGA BAXO DULIGA + DAXALKA ITOOBIYAANKA OO FARO KULUL

 

 

 

KU HAYA GUUD AHAAN SOOMAALI BALSE SI GAAR AHAANEED KA DUULA HARGEYSA IYO BOOSAASO/GAROOWE OO U AH XARUMAHA AY KU UGAADHSADAAN JINSIGA SOOMAALI. TUSAALE AHAAN CAJALADDII JIR DILKA EE XABSIYADA HARGEYSA LAGA SOO DUUBAY IYO kuwii laga qabtay boosaso ,galkacayo ee tiigreega lagu qancinayeye WALIBA KUWO KA DARAN OO AAN WALI SOO BIXIN BAA KA MARKHAATI KACAYA

 

 

 

2. QODOBKA KALE EE UGU MUHIIMSAN SABABNA U NOQONAYA IN LA AFGAMBIYO KABO QAADKA TIGREEGA WAA TIIRKA LA XIRIIRA IN XIRIIR GANACSI IYO MID DHAQAALE OO DHINAC WALBA LEH DHEX MARI DOONO MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED EE WAQOOYI IYO BARI KU NOOL. WAXAA AY KA BIXI DOONAAN CUNAQABATEYNTA LAGU SOO ROGAY EE KU SOO KOOBTAY DEGAANO GO'DOON AH OO AAN MACAAMIL LA LAHAYN SOOMAALIDDA KALE. WAXAA NAGU FILAN XAYIRAADDA XAGGA DHULKA IYO CIRKA EE KA DHANKA AH DADWEYNAHA SOOMAALIYEED EE KU NOOL KILILKA RIYAALE IYO CADDE INAAN KU QUUS QAADANNO

 

 

 

Sheekh Max'ed Ismaciil oo ku xiran xabsiyada mamulka la magic baxay ee Somaliland ayaa sida ku cad cajalad laga soo duubay Sheekha waxaa loo geeystay jirdil ka baxsan bani'aadnimada,

 

Gabar uu dhalay wadaadka la yiraahdo Seekh Max'ed Ismaciil ayaa ka deyrisay xaaladda aabaheed oo ay

xabsiga ku jir dileen booliska Somaliland, iyadoo xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo ka soo Wadaad ka ayaa dadka bari jiray diinta Islaamka iyo sunada Nabigeenii udgoonaa, ayaa waxaa jir dib fool xun loogu geystay xabsiga Hargeysa.

 

 

 

Sida laga daawaday cajalad sir ah oo laga soo duubay xili wadaadka ay qoolal iyo biro ku garaacayeen niman ka tirsan maamulka Hargeysa ee qabqable Daahir Riyaale waxaa ciqaab aan yareyn loogeystay Sheekhan.

 

 

 

Sheekh Max'ed Ismaaciil ayaa wuxuu Daahir Riyaale ku soo eedeeyey inuu wax ka sheegay dowlada Itoobiya oo uu maamulka Daahir Riyaale aaminsan yahay inay saaxiibo aad isugu dhaw yihiin.

 

Maamulka Daahir Riyaale ee Hargeysa ayaa wuxuu ku caan baxay ku xadgudubka xuquuqda aadamiga iyadoo adeegsata tabo ciqaabeed oo ka mamnuuc ah dunida caalamka maanta.

 

Cajaladan sirta ah ayaa muujineysa xadgudubyada uu ku kaco maamulka Daahir Riyaale isagoo wadaadada dadka bara diinta Alle uu bartilmaameedsanayo si uu u raaligaliyo taliska Addis Ababa.

 

Arinta wadaad gaadka iyo Sheekh u gaarsiga ah ayaa horaan waxaa eedey qabqablayaashi Koonfurta Soomaaliya iyadoo abaalkeedi aduunka loogu keenay tii aaqirana ay u dhiman tahay.

arintan markay soo baxday aaya waxaa mamulka labaxay Somaliland ka codsaday dad aad looga ixtiraamo hargaisa in ay soo daayaan Sheekhaasi.

 

 

Amaal Sheekh Max'ed Ismaciil maxay ka tiri xariga aabaheed

 

 

 

 

Amaal Sheekh Max'ed Ismaciil oo ah gabar uu dhalay wadaadka u xiran maamulka Daahir Riyaale ayaa waxa ay walaac ka muujisay xaaladda Aaabaheed oo website yada laga daawaday filim laga duubay jirdil booliska

Somaliland ay u geysanayaan isagoo ku jirta xabsi ku yaala magaalada Hargeysa.

 

Amaal Sheekh Max'ed Ismaciil oo Muqdisho ku nool waxa ay sheegtay in ka sokoow aaminsanaantiisa

kitaabka quraanka oo baheed tafsiir uu ka jeedin jirey goobo ku yaala magaalada hargeysa iyo wacdiyo in

loo xirey in ay jirto awood sheegasho aan ka marneyn habka xarigiisa ay sheegtay in jirdilka lagula kacay ay muujineyso.

 

Jirdilka lagula kacay iyadoo murugo ka muujineysa maqalka su'aalaha aabaheed ee booliska Somaliland

weydiinayaan ay ku jirto waxyaabaha uu ka aaminsan yahay Ethiopia iyo Mareykanka ayaa Amaal waxa

ay ku ooysay in loo baahan yahay in la sii daayo aabaheed oo xaqdarro ugu xiran maamulka Somaliland.

 

Amaal waxa ay sheegtay in ay ka cabsi qabto in aabaheed uu waayo xukun cadaalad ah, iyadoo sheegtay in aabaheed loo xirey alle ka cabsigiisa, iyadoo ka codsaday ururada bulshada iyo xuquuqda

aadanaha in ay arkaan tacadiga maamulka Riyaale uu u geysanayo culuma udiinka.

 

Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay hadii aabaheed Maxkamad la soo taagayo in la helo qareeno madax banaan oo arinkiisa ay arkaan.

 

Xildhibaan Cabdalle Xaaji Cali oo ka soo jeeda beelaha W/galbeed Somalia kana mid ah Baarlamanka

Somalia ayaa waxa uu ka hadlay xarigga iyo jirdilka lagu hayo Sheekh max'ed oo uu sheegay in ay tahay

mid aan laga hari doonin hab dhaqanka maamulkaasi uu ku hayo culuma udiinka, isagoo sheegay in taasi

uu ku doonayo aqoonsi iyo saaxiibtinimo uu ka helo dalalka reer galbeedka ee qabo saska

argagagixisada.

 

Xidlhibaanka ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay dib u dhaca doorashooyinka dowladaha

hoose iyo dastuurka maamulka Somaliland in lagu soo daray mamnuucista xisbiyo diimeed in laga furo

dhulka Somaliland.

 

 

 

UGU DANBAYINTII OGAYSIIS

 

Waxanu dadweynah ku nool labada mamul ee Somaliland iyo puntland

 

warkan kor ku qoran fakarkiinana ku soo diira si aanu u so bandhiigno

 

FADLAN CAYDA IYO AFLAGADADU WAY REEBANTAHY KU SO HAKAAJI

 

WWW.AFNUGAAL@GMAIL.COM

 

WWW.INFO@AFNUGAAL.COM

 

WWW.CALIYARE75@HOTMAIL.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland HUB, MADAAFIIC IYO CIIDAMO ayaa wax lagaga qaadi waayay ,,,, and u think in wax la qoro wax lagaga qaadayo ??? ,,,,,,,,,,,,,,

 

 

VIVA SOMALILAND

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Horta Viva intaad ku heysiin sida iney duco fiican tahay oo kale, maxaad fursadaan qaaliga ah ee bisha ramadaan uga faa'iideysan weysay inaad u duceysid Qabiil-Land?

 

Ilaahow caqliga ha naga qaadin, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taas anigay ii taallaa waana wax aniga iyo Ilaahay SW naga dhexeeya ,,,, and is not necessary inaan SOL dhexdeeda ugu duceeyo like it is the MASJID ,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this