Sign in to follow this  
SOO MAAL

nama khuseeyaan waraaqaha aqoonsi ee aad gaysay Baydhabo

Recommended Posts

SOO MAAL   

Sheeko: Saddex nafood (guji-riix)

Somali News

 

 

M/weyne Rayaale "nama khuseeyaan waraaqaha aqoonsi ee aad gaysay Baydhabo, marka dambe ee aad soo noqoto waa in aad soo qaadataa wxii aynu ku wada shaqayn lahayn"

 

Somaliweyn -Hargeysa- 13/03/06

 

M/weynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta kulan aan rasmi ahayn kula yeeshay xafiiskiisa wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobay Mr Erick La roche oo booqasho laba maalmood ah ku yimi magaalada Hargaysa.

 

Wakiilka oo ka soo kicitmay magaalada Baydhabo waxa halkaasi oo waraaqaha aqoonsiga uu ku gudoonsiiyay C/Laahi Yuusuf Axmed.

waxa kulankaasi oo la sheegay in uu M/weyne Rayaale aad uga cadhooday waraaqaaha uu geeyay Baydhabo iyo isaga oo aan wax aqoonsiya u keenin Somaliland.

 

Kulankaasi war uu ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale waxa uu u qornaa sidan;

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan aan rasmi ahayn maanta la yeeshay ergayga Qaramada Midoobay ayaa u sheegay inaanay Somaliland khuseyn waraaqaha aqoonsiga ee uu ku wareejiyey C/lahi Yuusuf, Somaliladna aanay ahayn qeyb ka mid ah Somaliya .

 

Mr. Erick La Roche waxa uu Madaxweynaha u sheegay inuu u yimi isbarid iyo inuu wax la qaban doono Somaliland, Madaxweynaha oo ay dareen cadho leh wejigiisa ay ka muuqatay waxa uu wakiilka ku yidhi “layaab ayey igu noqotay in waraaqaha aqoonsiga ee aad u gudbisay Xukuumad meel ay xukuntaa aanay jirin, anigoo ah Madaxweyne la soo doortay, dalkiisana ay u dhan yihiin shuruudihii qaranimo, oo aanay jirin wax muujinaya sinaan anaga iyo Somaliya sidaa awgeed arintaasi shirqool ayaanu u qaadanaynaaye ee marka danbe ee aad soo noqoto waxad la imanaysaa wixii aynu ku wada shaqeyn lahaynâ€.

 

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray inaanay waxba ka qabin wixii loo qabanayo Somaliya laakiin aanay Somaliland ahayn qeyb ka mid ah Somaliya, shacbigana ilaa ka ugu danbeeya uu difaacayo qaranimadiisa, kalsooniyada fulinteeda uu hayaana ay sidaas tahay.

 

Waxa uu Madaxweyne Rayaale ku baarujiyey wakiilka taakhriidii Somaliland sababtii la midawga Somaliya, dib ula soo noqoshadii Madaxbanaanida iyo wixii dalkan iyadoon beesha Caalamka ka helin caawimo u qabsoomay, waxa kale oo uu Madaxweynuhu uu sheegay inaanay Qaramada Midoobay cid ictiraafin, balse Somaliland ka sugayso kaalmada ay xaqa u leedahay mid horumarineed, Cadaalad & Sinaan aad oo ay Somaliland kula macaamilaan.

 

Wakiilku waxa uu balanqaaday fariintaasi siday tahay inuu u qaadi doono una gudbin doono madaxdiisa, kulankaa waxa y Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirada Arrimada Debada & Qorsheynta.

 

Wakiilka xog-hayaha Guud oo intii aanu ka dhoofin magaalada Hargaysa oo aan kula kulmay garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International ayaa ka gaabsaday in uu waxa wara bixiyo isaga oo yidhi marka aan Nairobi tago ayaan sheegi doonaa wixii aan ku soo arkay deegaanadii aan booqday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Qaramada Midoobay oo u Muujiyey Cabdilaahi Yuusuf Madaxweynaha Somaliland iyo Somalia

Hargeysa (Jam) – Wafti uu hogaaminayo Eric Laroch oo ah xidhiidhiyaha cusub ee hawlaha gar gaar ee Somalia oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira hay’adaha Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, ayaa Shalay galinkii dambe soo gaadhay magaalada Hargeysa.

 

Waftiga oo ka soo kiciitimay isla shalay galinkii dambe magaalada Baydhaba ee xarunta u ah dawladda Cabdilaahi Yuusuf ee lagu soo dhisay dalka Kiiniya, halkaas oo ay kulamo ay albaabadu u xidhan yihiin kula soo yeesheen Cabdilaahi Yuusuf, Cali Maxamed Geedi iyo Shariif Xasan, isla markaana uu madaxa waftiga Mr. Eric Laroch waraaqihiisa aqoosniga ku gudoonsiiyey Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Eric Laroch oo xilka kala wareegay Maxwel Geylard, waxa uu noqday masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan qaramada midoobay ee waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiya masuul sheeganaya in uu madax ka yahay Somalia (Somaliland, Somalia), tan iyo intii ka dambeysay xukuumaddii Siyaad Bare.

 

Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi waxa ujeedada waftigu lagu timaamay in ay salka ku haysaa arrimo ku saabsan dastuurka Somalia iyo sidii la isula meel dhigi lahaa deeqaha Somalia loogaga yaboohi doono shir dhawaan ka dhici doona magaalada Birisalis ee xarunta u ah Midawga Yurub, waxa kale oo ay ilahaasi tibaaxeen in ay waftigu u gogol xaadhayaan heshiis dhexmara dawladda Somalia iyo Midawga Yurub.

 

Hadaba, iyada oo ujeedada safarka waftigu ay tahay mid sidaa u cad ayaan ilaa iyo hadda la garan karin ujeedada dhabta ah ee uu ku qotomo socdaalkan waftigani ku yimi Magaalada Hargeysa.

 

Booqashadan wefdiga oo ku soo beegantay xili ay dalka ka jiraan tuhuno laga qabo Hayada Qaramada Midoobay , kuwaas oo sheegayey inay ku hawlan yihiin fikrado lagu midaynayo Somaliland iyo Somalia, iyaga oo u soo maraya Ururada Bulshada.

 

Sidaas Darteed, waxay arrintani noqon doontaa mid ka mid ah siyaasadaha la sheegay in ay ku curyaaminayaa (hay’adaha qaramada midoobay) qarannimada Somaliland, isla markaana ay mugdi ku gelinayaan Madaxbanaanida Somaliland.

 

Hadaba, maadaama ay sidaas tahay waxa xukuumadda Somaliland la gudboon inay talaabo cad ka qaadto Mr Eric iyo wefdigiisaba, haddii aanay sidaas yeelin waxay noqon doontaa taageero labaad oo Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu ku garab galayaan shirqoolada lagu duminyo madaxbanaanida Somaliland.

 

Maadaama ay jireen tuhuno hore oo ka dhashay waraysi uu wasiirka qorshayntu siiyay idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho, kaas oo wasiirku ku yidhi, “waanu garawsannahay in Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi ay yihiin Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Somaliaâ€.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa Maanta la eegi doona talaabada uu ka qaato arintan Madaxweyne Rayaale.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this