Sign in to follow this  
ceelayohoyoo

SSDF aka Pirate leader- Beerihiina iyo Guryihiina ka guura Reer Galgaloow Faroole ay

Recommended Posts

Beerihiina iyo Guryihiina ka guura Reer Galgaloow "Faroole aya sidaa yiri

 

Dadka "sheeganaya" Galgala waa in ay ka guuraan Guryahooda iyo Beerahooda sidaa waxa yiri Madaxweynaha Puntland isaga oo ka hadlayey magaalada garoowe oo ay Beeshiisu degto.

 

 

Khudbada Madaxweynahu jeedinayey ayaa waxay ku socotay beesha uu ka dhashay,iyada oo khudbadu ahayd mid uu dadka ku kicinaayey kuna abuurayey abaabul dagaal waxana ka mid ahaa hadaladiisa uu ka bartay Madaxda reer galbeedka marka ay rabaan in ay dadka kiciyaan "raga buurta ku jira xaasaskay idin ka kaxaysanayaan,dhiigiina iyo maalkiina waa xalaalsanayaan sida ka dhacday Afgaanistaan." sidaa waxa yiri Faroole oo ka hadlaayey degaano ka mid ah kuwa Beeshiisu degto.

 

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in uu samynayo Telefoon ah hotline oo la soo wacayo hadii baqdin la dareemo kaas oo xaruntiisu tahay magaalada Garoowe waa mashruuc kale oo argagixis la dirirka ah oo lacag loogu raadinayo magaalada ay degto Beeshiisu.

 

 

Telefoonka Garoowe laga soo wacayo sida uu wax uga qaban karo nabad xumada ka jirta Boosaso iyo degaanka hareereya ayaa la garanayn

 

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in aan laga fursanayn dagaal uu ku dilo Wiil markiisii horeba laga cunaqabateeyey waxbarashadii iyo caafimaadkii ka jiray Gobolada Karkaar iyo Nugaal sidoo kale Faroole waa nin aad u jecel wiilashiisa kuwaas oo ay ilaaliyaan 20 askari si aan loo waxyeelayn caafimaadkana uga taga Maraykan iyo Austaraaliya lacagaha aduunku ugu deeqo Puntland,hase ahaatee wuxuu xiisaynayaa in uu dilo kuwo ay dhaleen aabayaal aan ahayn kuwo u soo haajiray dhaqan xumadan

 

 

Madaxweynaha Puntland maaha mid tegay Degaanada Maakhir mana ah mid ka fuliyey hal mashruuc degaanadaas waana madaxweynaha u magcaabay Puntland wasiirada ugu tirada badan oo ay isku beesha yihiin wasiirka maaliyada ,wasiirka waxbarashada,wasiirka amniga.,wasiirka caafimaadka iyo inta badan wasiiro ku xigeenada ,agasimaayasha , taliyaasha ciidamada, agaasimaha Bangiyada, agaasimayaasha Dekada garoonka diyaaradaha , kaantaroolada canshuuraha lagu ururiyo,Madax la dirirka argagixisada,Madaxa la dirirka budhcad badeeda,Madaxa sirdioonkla PIS ayaa maanta wuxuu ka sheegay Masaajidka Garoowe in puntland ayna ahayn beelo hase ahaatee yihiin reer Puntland.

 

 

Cabdiraxmaan Faroole waa qabiilayste, fal kasta uu sameeyano wuxuu u samaynayaa Beeshiisa mashruucan Galgala oo la doonayo in lagu dilo caruurta halkaa joogta waa mid la rabo in lacag looga qaato reer Galbeedka kaas oo lagu horumariyo degaanadiisa sidii horay u dhacaday kii ahaa Budhcad badeeda iyo mid kasta oo caalamku ugu deeqo Puntland

 

 

Ugu danbayntii hadalkii madaxweyne faroole ee Maanta oo ahaa ka guura Guryihiina Beerihiina(u guura Sanaag ujeedadu waa sidaas ) waa istiraajiyada xaq jirka jar iska xoornimad ah oo qaar ka mid ah jabahadii SSDF doonayaan hase ahaatee ku danbayn doonta cawaqib xumo

 

 

Allsanaag.com khaalid1970@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this