Sign in to follow this  
Cowke

Kulan Ku Saabsan Dhiirigelinta Maalgashiga oo Ka Furmay Boosaaso (Sawiro)

Recommended Posts

Cowke   

Kulan Ku Saabsan Dhiirigelinta Maalgashiga oo Ka Furmay Boosaaso (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC) Rugta ganacsiga iyo warshadaha dowlada Puntland ayaa maanta furtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ay ka qeybgalayaa ganacsatada Puntland.

 

Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sida masuuliyiinta rugtu ay sheegeen waxa looga gol leeyahay dhiirigelinta maalgashiga iyo kor u qaadida ganacsiga xorta ah.

 

Waxaa kulankan ka qeybgalaya xubnaha ganacsatada ee gacanta ku haya ilaha ganacsi ee waaweyn ee ka hawlgala degaanada Puntland kuwaasi oo sidoo kale ka qeybqaadanaya fikradaha la isku dhaafsanayo mudada uu socdo kulankan.

 

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamud Xayir Ibraahim oo ka hadlay furitaankii kulanka maanta ayaa sheegay in rugta ganacsigu ay dadaal badan u gashay sidii sare loogu qaadi lahaa loona dhiirigelin lahaa maalgashiga oo ah arin dhiseysa dhaqaalaha dalka, isagoo tilmaamay in kulankan uu qeyb ka yahay dadaaladaasi.

 

Gudoomiyuhu wuxuu ugu baaqay guud ahaan ganacsatada inay ku dhiiradaan maalgashiga dalka si loo helo ilo dhaqaale oo ballaaran ayna ka faa’ideysan karaan bulshada, isagoo xusay in ganacsiga xorta ah uu yahay waxa ugu horeeya ee dhisa mustaqbalka dadka.

 

Kulankan waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa doodo ku saabsan ahmiyada ganacsiga uu leeyahay marka loo eego shaqooyinka kale, dhaqaalaha Islaamiga, kaalinta maalgashigu ku leeyahay horumarka iyo sidoo kale ganacsiga xorta ah ee ku dhisan tartanka furan.

 

Waxaana kulanka muxaadaro ka jeedinaya Dr. Yuusuf Maxamud Ciise oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay maalgashiga caalamiga kana soo shaqeeyey bangiga horumarinta Islaamka.

 

Qaar ka mid ah ganacsatada ka qeybgaleysa ayaa soo dhoweeyey kulankan ay soo qabanqaabisay rugta ganacsiga waxayna tilmameen in rajo weyn laga qabo waxyaabaha ka soo baxa kulankan inay wax ku kordhin doonaan fikradaa ganacsatada Soomaalida gaar ahaan kuwa shirkadaha waaweyn ee Puntland ka hawlgala oo kulanka hadda ka qeybgalaya.

 

Waxaana uu kulankan noqonayaa midkii ugu horeeyey ee loo qabto ganacsato loogana hadlo maalgashiga iyo dhaqaalaha Islaamiga oo dalka lagu qabto.

 

Wuxuuna shirku ku soo beegmayaa iyadoo masuuliyiinta rugta ganacsiga Puntland ay safaro badan bilihii u dambeeyey ku soo mareen wadamo dibada ah taasoo qeyb ka ahayd kor u qaadida ganacsiga Puntland.

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

 

Dr-Yuusuf1-300x225.jpg

 

masuuliyiinta-300x225.jpg

 

ka-qeybgalayaal.jpg

 

ganacsatada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Gudoomiyaha.jpg

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo Ganacstada Ugu Baaqay inay Dalka Hantidooda Geliyaan (Sawiro)

 

Gudoomiyaha Rugta Puntland

 

Boosaaso (RBC) Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamud Xayir Ibraahim ayaa ganacsatada ugu baaqay inay hantidooda geliyaan dalka si ay taasi dhiirigelin ugu noqoto maalgashadayaasha ajnabiga ah.

 

Maxamud Xayir oo wareysi gaar ah siiyey RBC Radio ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka dalka ay ku jirto dhiirigelinta ganacsiga xorta ah iyo in dadka muwaadiniinta ah ay iyaga dalkooda ka shaqeystaan hantidoodana ku aaminaan.

 

“Waa sax ganacsiga iyo wax soo saarka gudaha waa in la dhiirigeliyaa, anaguna hadaanu nahay masuuliyiinta rugta ganacsiga waxaa na saaran masuuliyad, dowlada lafteeda dadaal badan ayey ka geysatey, haddana sidaas oo ay tahay waxaa loo baahan yahay in dhamaad ganacsatada ay dalka maalgashadaan”, ayuu yiri gudoomiyaha.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga wuxuu ka waramay kulan aqoon isweydaarsi ah oo haatan ka socda xarunta rugta ganacsiga kaasoo looga hadlayo dhiirigelinta maalgashiga iyo ganacsiga xorta ah, wuxuuna sheegay inay dhowaan qaban doonaan kulamo kale.

 

“Ujeedada kulamadan waxay tahay in sare loo qaado lana dhiirigeliyo fahamka ganacsatadeenu u leeyihiin maalgashiga taasina waxaan fileynaa in gabagabada shirkan ay miro fiican ka soo baxaan”, ayuu yiri Mudane Xayir oo intaa ku daray mahadcelin uu u soo jeediyey ganacsatada oo uu sheegay inay dadaal badan iyo wadaniyad muujiyeen.

 

 

Mar aan gudoomiyaha wax ka weydiinay sida loo kala maareyn karo waxyaabaha dibada laga keeno ee dalka soo gala iyo wax soo saarka gudaha dalka lagu sameeyo ayuu sheegay in rugtu ay kaalin ka geysan karto kaliya marka la helo cid damaanad qaada in waxyaabaha dadku u baahan yihiin uu si waafi ah u gaarsiin karo suuqyada.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo RBC uga warbixiyey shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ee looga hadlay arimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi ay kasoo bexeen miro la taaban karo guulna u ah Soomaalida dhamaanteed. Wuxuuna xusay in taasi laga dareemi karo wufuuda tirada badan ee lagu martiqaaday shirkaasi oo ay dhinaca Puntland uga qeybgaleen wafdi uu hogaaminayey madaxweyne C/raxmaan Faroole uuna ka mid ahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga.

 

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale si weyn u soo dhoweeyey isbedelkii xagga canshuurta ee lagu sameeyey xoolaha ka dhoofa dekeda Boosaaso taasoo uu sheegay inay sare u qaadeyso dhoofka xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliyeed ee waqtigan jira.

 

-Wareysigan oo cod ah waxaan soo gudbin doonaa goor dhow.

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Now my suggestion to the puntland chamber of commerce is to set up an insurance company to guarantee the safety of local businessmen assets in cases of damage and thus this will give more businessmen peace of mind when investing into the state.

 

Domestic and Foreign Investment into Puntland is crucial to development of the state and we need to safeguard it by not only giving our verbal assurance but providing insurance to businessmen and their assets.

 

I hope this meeting will provide results to the people of puntland and it's very important issue that needs to be addressed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Kulan Aqoon Isweydaarsi ah oo Ka Socday Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland oo La Soo Afmeeray (Sawiro)

 

 

 

Boosaaso (RBC) Kulan aqoon isweydaarsi ah oo mudo afar maalmood ah u socday ganacsatada Puntland ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey xarunta rugta ganacsiga ee magaalada Boosaaso.

 

Munaasabad lagu soo xiray kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo maanta ka dhcaday hoolka shirarka ee xarunta rugta ganacsiga ayaa waxaa ka qeybgaly masuuliyiinta dowlada, ganacsatada, culimada iyo waxgarad kale.

 

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo ka hadlay gabagabada shirka ayaa halkaasi ka sheegay in kulankan uu diirada saaray qodob muhimad gaar ah u leh ganacsiga xorta iyadoo ujeedadu ahayd in la dhiirigaliyo maalgashiga.

 

Gudoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in kulankanku uu qeyb ka ahaa dadaalo lagu horumarinayo ganacsiga dalka oo ay rugtu soo qabanqaabisay, isagoo xusay inay jiri doonaan kulamo kale oo midkan oo dhowaan qabsoomi doona.

 

Dr Yuusuf Maxamud Ciise oo ah aqoonyahan ku xeeldheer dhaqaalaha Islaamka isla markaana duruusta bixinayey mudadii uu socday aqoon isweydaarsiga ayaa isaguna sheegay inuu rajeynayo in wax badan ay iska bedeli doonaan aragtida iyo siyaasada ganacsatada ee ku wajahan maalgashiga.

 

Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ah culimada reer Boosaaso ayaa isaguna si gaar ah ganacsatada ugu dhiirgaliyey in ganacsigooda ay ku saleeyaan Alle ka cabsi kana fogaadaan wixii u keeni kara xaaraam inay gasho.

 

Munaasabadan waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage, wasiir ku xigeenka maaliyada, gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga, duqa magaalada Boosaaso iyo masuuliyiin kale.

 

Waxaa gabagabada maanta shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ka qeybgalayaasha aqoon isweydaarsigan oo ay gacan ka geysatey hay’ada Al Manhal.

 

Intii uu socday kulankan waxaa diirada la saaray qodobo dhowr ah oo muhim u ah ganacsiga xorta ah iyadoo si aad ah looga dooday dhaqaalaha Islaamka.

 

Qaar ka mid ah ganacsatadii ka qeybgashay mudadii uu socday kulanka ayaa RBC u sheegay in waxyaabaha laga faa’iday ay ka mid tahay iyagoo faham buuxa ka qaatay faa’iidada ay leedahay maalgalinta dhaqaalaha dalka, sare u qaadida ganacsiga iyo tartanka ganacsiga ee waqtigan ka jira caalamka.

 

Waxaa kulankan uu ahaa midkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu qabto gudaha dalka loogana hado maalgalinta iyo ganacsiga xorta, waxaana la rajeynayaa in kulankan uu daahfur u noqdo kulamo kale oo la mid ah.

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

 

aqoonisweydaarsi1.jpg

 

aqoon6-copy.jpg

 

aqoon3.jpg

 

masuuliyiin1.jpg

 

aqoon5.jpg

 

Sheekh-Axmed.jpg

 

kulanka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this