Sign in to follow this  
Sabriye amp co.

Mogadishu: President of Galmudug State Celebrates Comprehensive Win: PICTURES

Recommended Posts

M/weyne Axmed Shariif oo taagero balaran ka helay kulan maanta Muqdisho ka dhacay..

 

HobyoNet Update News 20-11-2009.

 

Xaflad qado sharaf ah oo maanta isgu yimaaden waxgaradka, siyasiyiin, haween, iyo dhalinyarada beesha reer Ayanle Sacad oo Muqdisho ka dhacay ayaa lagu taageeray Axmed Shariif Cali Hiloowle inuu yahay madaxweynaha maamulka Galmudug.

(Sawiro)

 

Abdi Risaaq Yaasiin

HobyoNet Mog:Som

 

 

 

Qado shatraftan oo si heer sare ah lo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gabdhaha beshaasi ku abtirsada, iyadoo ay ka soo qeybgaleen cuqaasha iyo dhamaan waxgaradkii oo uu ku jiro Dr.Axmed Shariif Cali Hiloowle, sidoo kale waxa goobta joogay masuuliyiin ka socotay garabka uu hogaamiyo Col Caalin oo ay ka mid yihiin Bashiir Warsame C/qaadir Sope iyo Caydiid Max’ed Coloow.

 

 

 

 

Xaflada oo lagu qabtay hoy aad u weyn ayaa waxa ay ku bilaabtay jawi aad u degan waxaana mar marka qaar dhaceysay in dad aan mudo is arkin ay xabadka xabadka isku saarayeen, hadalo kaftan oo farxad ku dheehan tahay ayaa fadhiga loogu talagalay martida hareeyay ka hor inta aan la keenin qadada.

 

 

 

Raga laga xusi karo ka qeybgalayasha ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha beesha reer Ayanle Axmed Cismaan (Axmed Minestaro), Jen: Max’ed Warsame Dhooleey iyo nabadoon C/llaahi Max’ed Cilmi (Kawle) sidoo kale waxaa joogay Xasan Mahdi, Max’ed C/lle Bacadle iyo Cali Wadaad Cadde (Cali Cadde) waxaan meesha ka marneyn haweenka oo manta ay ka muuqatay qiiro gaar ah.

 

 

 

 

Markii la qadeeyay ayaa hoolka weyn loo soo degay si loo bilaabo howsha la isgu yimid, Cumar Cali Weheliya oo loo xilsaray inuu xiririyo xafllada ayaa hadalkiisa ku bilabay in alle laga cabsado loona guntada cibaadada 10ka maalin ee bishan Dil xaj ugu horesa, isagoo markaas ka dibna sheegay in hadalka uu ku warejinayo gudoomiyaha besha Axmed Minestaro.

 

qado1.JPG

 

Gudoomiyaha Axmed Cismaan ayaa ka soo sheekeeyay qadiyadan ka dhex taagan ragawalalaha ah ee isku haya talada maamulka Galmudug “hadhow ayaa la oran doonaa Axmed baa sidaas yiro iyo hadalo hunu hunu ahaa warkeyga si fican u dhageysta” ayuu isagoo kaftamaya nabadoonku yiri.

 

 

 

 

Waxuu carabka ku dhuftay si kastaba ay ahaato in beshu diyaar u tahay sidii loo kala saari lahaa walaalaha mid kasta uu sheeganayo xilka, “waxaan weydiisanay labada wiil ee aan adeerada u nahay iney noo qoor dhiibtaan si xal loo gaaro weyna naga aqbaleen inkasta oo markii danbe uu Max’ed Axmed Caalin dib ula labtay warqadii uu ku cadeynayay inuu tolka ka danbeeyo” ayuu hadalkiisa daba dhigay, hada waxaan hayna qoralkii Axmed Shariif jeebkeyga ayay ku jirtaa oo waan idin tusi kara ayuu gudoomiyuhu raaciyay.

qado5.JPG

 

 

Axmed Minestaro oo hadalkiisa soo afjarayay ayaa warku ku wareejiyay Jen: Dhooleey si uu u dhameystiro waxii haray, Dhooleey ayaa ku nuuxnuuxsaday kulamadii ay beeshu la yeelatay Sacad iyo masuuliyiinta dowlada iyo gudiyo ay sameyeen oo aaqirkii keenay in labada madaxweyne la weydiisto waxii tolku gaaro mid kasta inuu ku gowracan yahay, “ markaan ka saxiixnay labadooda ayaan waxaa 20 daqiiqo ka dib noo yimid Ina Axmed Caalin oo nagu yiri warqadeyda I siiya muran ka dib waan siinay” ayuu Jeneraalku tibaaxay.

 

 

Waxaa isna xaflada ka hadlay oo dadkii joogay ay aad ugu riyaaqeen C/laahi Max’ed Cilmi (Kawle) oo si cad u sheegay in markii ay arkeen waxyaabo badan ay beeshu isku racday in la taageero madaxweyne Axmed Shariif, “maanta waxa isla joga dadkii shalay dhibaatadu kala gaartay maxaa inagaan u leenahay kani waa Ahlu Sunna iyo kaas ayaa Itaaxaad ah, waan is racnaya waxaana dooranay madaxweyne AxmedShariif” ayuu Kowle oo gacamaha sare u taagaya yiri kuna sii daray in lagu taageero soo jedintiisa.

 

 

 

Ka qeybgalayaashii xaflada ayaa mar qura ku ayiday cod aan kala har lahayn, iyadoo dumarkuna ay mashxarad iyo hesho raciyeen, markaas ka dib ayaa hadalka loo dhiibay Cibaado Warsame oo afka gabdhaha ku hadashay waxayna dulmartay sideey u jeclaayeen in gabdho ahaan ay iyagu xaliyaan qilaafka balse ay u noqon weyday markeey garab ka wayeen dhinac ay howsha quseysay “weli wan u taaganahay kamana quusaneyno” ayay raacisay cibaado oo qiiro aad weyn wajigeeda laga aqrisan karay.

 

qado11.JPG

 

Intaas ka dib ayaa mikrofoonka waxa lagu warejiyay madaxweyne Axmed Shariif si uu ereyo kooban uga yiraahdo, waxuuna ku bilaabay mahadceli uu gabdhihii qado sharaftan dhigay u gudbiyay

qado8.JPG

 

 

Axmed Shariif ayaa hadal dheer jeediyay isagoo ka warbixiyay taariikhdi uu magaalada Gaalkacyo tagey iyo waxyaabihii horumarka lahaa ee uu qabtay, isagoo marqaati u qabsaday mid ka mid ah dhalinyarada goobta fadhisay inuu ka mid ahaa 46 arday oo uu isga qarashka ka bixinayay si ay wax u bartan, sidoo kale waxuu soo qaatay in madaxweynihii hore ee Galmudug Danjre Kiimiko uu ka codsaday inuu wasiir noqdo waan ka diiday ayuu yiri waloow markii danbe aan aqbalay cadaadis iga yimid rag aan saxiib nahay ayuu madaxweynu yiri.

 

 

 

 

“Waxaan rabaa tageradiina si aan madaxweyne ugu noqdo Galmudug, intaas kaliya ma ahan doonisteyda ee waxaa qorshaha iigu jira inaan Vila Soomaaliya fadhiisto” ayuu isagoo dhoola cadeynaya sheegay, markaas oo ka qeybgalayashii ay sacab iyo sawaxan isku dareen, wuu sii hadalay oo yiri inaan howl qabto oo dadkeyga u faa’ideeyo ayaan rabaa ee ha la igu tageero manta wa maaliteydiiye.

 

 

 

Waxuu cadeeyay in isga mar waliba u diyaar u yahay xal radinta ay wadaan waxgaradka beesha uuna xili kasta u qoor dhibanayo, mar uu ka hadlayay dhaqaalaha uga baxay horumarinta Galmudug ayuu xusay in hanti badana uu galiyay walina diyaar uu yahay afar jibaar intas ka badan inuu bixiyo.

 

 

 

 

Marki uu dhameyay qudbadiisi ayaa qaar ka tirsan ragii dhageysanayay waxa ay kor u qaaden madaxweyne Axmed Sharif oo in cabar ah cagahiisa dhulka loo diiday, waxana iyagana caleemo iyo ubax ku dul daadiyay gabdhihii halkaas joogay taasoo taageero hiil iyo hooba leh u ahayd, intaad ka dibna waxa soo af jarmay xafladii waxana madaxweynaha hotelkiisa u sii galbiyay gawaari fara badan.

qado7.JPG

 

 

Tageerada iyo kulanka maanta ay beesha reer Ayaanle qabteen ayaa waxaa ka maqnaa madaxweyne Caalin oo isgana la sheegay in lagu casuumay, waloow xubnihii mateleyay ee xaflada yimidna ay ka caroodeen intii qudbadaha aysan bilaaban markaas oo dibada uga baxeen, isku soo duuboo xaajadu waxay weli tagan tahay (Faanoole fari kama qodna) oo waxaa dhiman in guud ahaan beesha Sacad iyo dowladaba laga gado tageeradan.

 

 

 

 

E-mail xhobyo@gmail.com

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this