Paragon Posted November 9, 2007 8 ruux oo isku qoys ah oo ku geeriyootay maanta madfac ku soo dhacay, iyadoo qoysaskaasi ay ka hartay gabar yar oo 9 jir ah Mogadishu 09, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Madaafiic xoogan oo Maanta ciidamada Ethiopia ay ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen in ay ku geeriyoodaan 9 ruux oo isku qoys ah marka laga reebo gabar yar oo 9 jir ah oo iyadu ka soo hartay qoyskaasi, haatana ay gacanta ku hayaan dad kale oo xaafadahooda geeyay. Gabadha yar ee ka soo hartay qoyskaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Sucaado Cali, waxaana gacanta ku haya Faadumo Xasan oo soo qaaday iyada wax yar ka dib markii ay dhinteen 8 ruux oo qoysaskeeda uu ka koobnaa oo kala ahaa Aabaheed, hooyadeed iyo 6 caruur ah oo la dhalatay. Gabartaan oo lagu hayo haatan xaafad ku taala Madiina oo Shabelle u warantay ayaa waxa ay sheegtay in qoyskeeda ay iyada ka soo hartay, waxaana ka muuqday walwal. Qoyskaan ayaa waxaa ku soo dhacay madfaca loo yaqaano Kaaraha oo ku soo dhacay gurigooda oo ku yaala xaafadda Albaraka ee duleedka suuqa Bakaaraha. Faadumo Xasan oo gacanta ku heysa gabartaan ayaa waxa ay Shabelle u sheegtay in meydadka qoyskaan la qaadi waayay rasaas culus iyo madaafiic wali ku socotey halkaasi oo ay soo galeen ciidamada Ethiopia. In ka badan 40 madfac ayaa maanta ku soo dhacday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi ay sababeen qasaarooyin kala duwan oo wali isi soo taraya. 12 ruux oo 6 isku qoys ay yihiin ayaa ku dhaawacmay madfac ku soo dhacay xaafadda Barwaaqo ee degmada Deyniile halka madfac kale oo ku soo dhacay suuqa Dawada ee Bakaaraha uu sababay dhaawaca labo kale, iyadoo sidoo kale tiro kale oo madaafiic ah ay ku soo dhaceen xaafadaha suuqa xoolaha, Black Sea iyo wadada 30 ka, lamana oga wali qasaaraha ay geysteen. Dadka magaalada Muqdisho ku geriyooday shalay iyo maanta ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 70 ruux oo 43 ka mid ah ay yihiin dad si bareer ah ay u toogteen ciidamada Ethiopia, kuwaasi oo meydadkooda laga helay xaafadaha X/jadiid iyo Suuqa xoolaha. source Quote Share this post Link to post Share on other sites
umu zakaria Posted November 9, 2007 Laa Illaaha Illallaah. I dont what to say may Allah keep her safe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted November 9, 2007 ^^Amin. Allaha u gargaaro maskiinta hal mar agoomoowdey, rajowdey ee walaal beeshay! Allow u gargaar. Allow Amxaaro jebi oo jahanama geli. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Seekknowledge Posted November 9, 2007 Inalillah wa inailayhi raji'uun. May Allah bring peace to Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 10, 2007 Bisinka iyo murdaha. Samir iyo iimaan, gabadhaas. Maskiin. Naxariisdaradaan magaalo madaxdeena ka socoto maalin ayaa dad ka jawaabi doono, ha ahaato ifkaan mise aakhiraba midee doonto ha ahaatee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted November 10, 2007 Allah saved for her for reason; she definitely should be handed the seef to cut off the heads of all tfg morans. i am sure she will be happy to do that! Quote Share this post Link to post Share on other sites
BiLaaL Posted November 10, 2007 Inaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted November 11, 2007 Samir iyo Iimaan Quote Share this post Link to post Share on other sites