xiinfaniin Posted August 12, 2009 Maleeshiyo Sufiyo ah oo wadaado Tabliiq ah ku laayey Koonfurta magaalada Gaalkacyo Posted to the Web Aug 12, 09:00 Gaalkacyo:-Waxaa xalay lagu laayey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug gaar ahaan dhankeeda koonfureed wadaado Tabliiq ah ee ku caan baxay Fidinta Diinta Alle iyo dacwada . Wadaada Tabliiqa ayaa waxaa ay ka soo jeedaan dalka Pakistaan waxaana lagu dilay Masjidka Towfiig oo in yar u jira Iskuulka Hoose /Dhexe ee Umada ee Magaalada Gaalkacyo. Kooxaha geystay falkan ayaa waxaa la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxo qaab qabiil ay u hubeyso Itoobiya lana baxay ahlusuna . Wadaada Dhintay xalay waxaa lagu sheegay ilaa 5 waxaana dhaawac kale la geeyey Isbitaalka Galkayo Medical Centre waxaana la soo sheegayaa in xaalkoodu uu liito. Ilaa haatan lama garanayo ujeedada ka danbeysa dilkan balse wuxuu ahaa mid abaabulan oo la rabo in fitno la dhex dhigo umada Islaamka. M_M Deeq Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites