Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Chamber of commerce signs deal with Xadramud Yemeni counterpart: pics

Recommended Posts

yem2.jpg

Rugta Ganacsiga PL oo Heshees la gashay Rugta Ganacsiga Xadramud Yemen

 

 

Rugta Ganacsiga Puntland ayaa 17/11/2009 waxay heshiis saaxiibtinimo kula gashay Magaalada Mukula Caasimada Gobolka Xadramuut ee Dalka Yemen Rugta Ganacsiga ee Xadramuut oo kamid ah rugaha ugu cimriga dheer bariga dhexe. Shirkaan oo ka dhacay oo xarunta Rugta Ganacsiga ee Mukula ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo aay weheliyeen Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xadramuut Abshir Xasan Faarax iyo Madaxa xiriirka guud Axmed Mataan. Rugta Ganacsiga Xadramuut ayaa waxaa matalayay Gudoomiyaga Rugta Ganacsiga Hadramuut Cumar C/raxmaan Baajarshi iyo Agaasiimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Xadramuut Alfaqiih Shirkaas ayaa labada masuul waxay iskula soo qaadeen sidii loo horumarin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee kadhaxeeya labada mandiqo ee Puntland iyo Xadramuut iyadoo si faahfaahsan loo tilmaamay sooyaalka taariikheed ee xiriirkaasi leeyahay iyo ahmiyada dhaqaale iyo ganacsi ee uu ugu fadhiyo labada shacab ee Walaalaha eek u dhaqan labada gobol.

 

Wafdiga Soomaaliyeed ayaa hor dhigay masuulkaas caqabadaha ganacsi iyo cabashooyinka aay qabaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo in Chamber-ka Xadramuut aay gacan ka geysato sidii loo xalin lahaa arintaas oo si buuxda aay u balan qaadeen inay si degdeg ah wax uga qabanayaan iyagoo la kaashanaya cid walba oo aay khuseeyso.

 

Waxaa sidoo kale lagu balamay in xiriirka labada Rugood la xoojiyo oo khibradaha iyo booqashooyinkaba la is dhaafsado. Munaasabadaas ayaa Rugta Ganacsiga Xadramuut waxay guddoonsiisey Siciid Xusen Ciid qoraalo ku saabsan Chamber-ka Xadramuut iyo wasqabadkeeda.

 

Al-Faqiih ayaa carabka ku adkeeyay sida aay u danaynayaan inay xiriirkii taariikhiga ahaa ee ganacsi ee soomaaliya aay la lahaayeen sidiisii hore lagu soo celiyo isagoo muujiyey qiimaha uu ku fadhiyo xiriirkaasu iyo sida aay u danaynayaan.

 

Wafdiga ayaa sidoo kale waxay la kulmeen madax dhowr ah oo aay ka mid yihiin Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ee Gobolka,Wakiilka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha,iyo Ganacsato u dhalatay gobolka kuwaas oo dhamaan lagala hadlay horumarinta ganacsiga Yemen iyo Soomaaliya iyo qaadida caqabadaha horyaala ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Gobolka Xadramuut guud ahaan gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Mukula ayaa waxay tahay magaalo taariikh weyn oo ganacsi welina socda la leh Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Gobolada iyo xeebaha Puntland iyadoo dhaqaalaha Gobolkaan si weyn uu ugu tiirsan yahay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dhinaca Puntland iyadoo guud ahaan gobolka Xadramuut uu yahay gobol ku can ah ganacsiga aayna kasoo jeedaan ganacsatada ugu waawayn dalka Yemen iyo wadamo badan oo dunida ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Maalgashiga ee Cadan

 

Rugta Ganacsiga & Warshadaha Puntland ayaa kaqayb gashay shir ka dhacay asbuucaan magaalada Cadan ee dalka Yemen kaas oo aay martigalisey dowlada Yemen shirkaas oo looga gol lahaa in aay kusoo jiidato maalgalin caalami ah looguna magac daray “Cadan Albaabka dunida” “Aden The Gateway to the World” Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay wafuud kakala socota dalal badan gaar ahaan dalalka khaliijka,bariga Africa iyo Heyado iyo ururo daneeya maalgashiga.

 

Dalka Soomaaliya waxaa ka yimid oo shirka yimid Rugta Ganacsiga Puntland iyadoo shirka uu kasoo qayb galay Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xusen Ciid iyadoo aay sidoo kale iyaguna yimaadeen Wafdi kasocda Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Yemen oo uu hogaaminayo Ambassador Maxamed Xasan Dawaara iyo Qunsulka Caamka ah ee Cadan u Fadhiya Soomaaliya Counsel General Xuseen Xaaji Axmed iyo masuuliyiin kale oo kasocday Safaarada.

 

Shirka oo socda 11-12 ayaa waxaa si weyn loogu lafagurey arimaha maalgashiga,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,horumarinta dekadaha iyo fududeynta lagu diyaariyey Suuqa xorta ah ee Cadmeed “Adan Free Zone”.. waxaa sidoo kale laga hadlay burcad badeedka iyo saamaynteeda isku gooshka badmaaxida.

 

Waxaa shirka furey Raiisal Wasaaraha Dalka Yemen Dr.Ali Mujawar iyadoo maalmihii uu socdayna aay daadihinayeen koox Wasiiro ah Sida wasiirka Ganacsiga,Qorsheynta iyo Dalxiiska iyo sidoo kale madaxa Heyada Maalgashiga Yemen iyo Masuuliyiin kale oo kala duwan.

 

Shirka Waxaa barbar socday kulamo gaar gaar ah oo aay yeelanayeen wafuudii shirka kasoo qayb gashay oo la isku dhaafsanayay waxyaalaha lakala faaiidi karo.

 

Waftiga Soomaaliga ayaa fariinta aay shirka geeyeen waxay ahayd in aay aad u soo dhawaynayaan horumarka Cadan iyagoo sheegay in Soomaliya iyo Cadan uu ka dhexeeyo xiriir Ganacsi oo guun ah dhinaca kalena waxay iftiimiyeen dhibaatooyinka gaar ka ah ee haysta ama hortaagin xiriirka ganacsi ee Yemen iyo Somalia.

 

Masuuliyiin kala duwan oo shirka goobjoog ka ahayd ayaa lagala sheekaystay sidii loo horumarin lahaa xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Yemen iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashi ganacsi iyo horumarineed oo dhex mara labada dal ee Walaalaha ah.

 

Qunsulka Soomaaliyeed ee Cadan oo ka qayb galay dood ku saabsanayd Burcad badeeda ayaa iftiinshey in xalka mushkiladaasu uu ku jiro oo kaliya iyadoo la xoojiyo Dowlada Soomaaliyeed iyo Maamulada ka taliya meelaha aay ka howlagalaan burcadu isagoo muujiyay in ciimada badeeda baaxada leh ee dowladaha aduunku kusoo daabulayaan Soomaaliya aaysan u joogin ladagaalanka Burcada ee aay u joogaan ujjeedooyin kale oo waqtigu sheegi doono.

 

Guud ahaan shirka ayaa waxuu ahaa fursad wanaagsan oo aay isku barteen wufuudii kala duwaneed islamarkaana la isku dhaafsadey warbixino iyo dodo dhaxalgal ah oo ku saabsan ajendayaashii lagu lafagurey labadii maalmood ee uu socday.

 

Waxaa sidoo kale waxaa shirka dhinac socday bandhig carweed oo lagu soo bandhigey adeegyo kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdi ka socda Rugta Ganacsiga Puntland oo ku sugan dalka Yemen(Sawiro).

 

November 19, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (1)

 

News Desk.

 

Gudoomiye Ku Xigeenka Rugta ganacsiga Puntland Siciid Cismaan Ciid oo iminka booqasho ku jooga dalka Yemen ee deriska la ah Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay ganacsatada kala duwan ee ku dhaqan dalkaas.

 

Hadaba wefdiga ka socda Rugta Ganacsiga Puntland ayaa waxaa ay kulamo la qaateen 17.11.2009 ganacsato u dhashay dalkaas Yemen kuwaas oo ku sugan magaalada xeebta ah ee Mukalla ee xarunta u ah gobolka Hadraamuut,waxaana u ahaa mid looga wada hadlaayay sidii wada shaqayn dhanka ganacsiga ah u dhexmari lahaa Rugta ganacsiga ee Puntland iyo ganacsatada gobolka Hadraamoot.

 

Kulankaas ayaa waxaa ka qaybgalay sidoo kale Gudoomiyaha gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Mukalla Abshir Yuusuf Xassan,waxaana dhanka ganacsatada Yemen horkacaayay Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee Hadramuut Cumar,Madaxa xirrirka guud ee Carabta Axmed Mataan iyo weliba ganacsatada halkaas ku dhaqan.

 

Gudoomiye Kuxigeenka Rugta ganacsiga ayaa sheegay in kulankaas u ahaa mid la isku soo hadal qaaday sidoo kale xirrirka Taariikhiga ah ee u dhaxeeya ganacsatada Magaalada Mukalla iyo kuwa Puntland.

 

”Waxaan yeelanay kulan ku sabsan isbarasho,waxaana ku heshiinay sidii wadashaqayn xoogan u samayn lahayn isla mar ahaanta aan isdhaafsano booqashooyin kala duwan”,ayuu yiri.

 

Wuxuuna tibaaxay in ay soo dhoweyn balaaran kala kulmeen ganacsatada ku dhaqan Mukalla ayna balanqaadeen in ay xoojin doonaan xirrirka ganacsi ee u dhaxeeya iyaga iyo ganacsatada Reer Puntland.

 

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Rugta ganacsiga ee gobolka Hadraamoot ee ku taala magaalada Mukalla,waxaana sidoo kale wefdiga Rugta ganacsiga Puntland ka codsaday ganacsatada Yemen in ay wax ka qabtaan cabashada ka soo yeeraysa ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan Mukalla.

 

Ugu dambeynti waxaa lagu wada in u dhowaan soo gaba gaboobo booqashada ay dalkaas Yemen ay ku joogaan wefdiga ka socda Rugta ganacsiga ee Puntland oo u horkacaayo Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Siciid Cismaan Ciid.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this