Liibaan Posted July 15, 2010 Haatuf News: Khilaaf Ka Dhex Aloosmay Masuuliyiinta Sar-Sare Ee Kulmiye Iyo Madaxweynaha La Doortay Oo Mar Kale Cirka Isku Shareeray Hargeysa, July 14, 2010 (Haatuf)- Khilaaf xoogan oo ku saleysan xilalka wasiirnimo ee xukuumadda cusub ee madaxweynaha la doortay soo dhisayo ayaa ka dhex aloosmay masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo. Khilaafkan oo in dhowaydba soo taagnaa ayaa shalay mar kale cirka isku shareeray kaddib markii guddoomiye madaxda sarsare ee xisbiga Kulmiye ee ay ka mid yihiin, guddoomiye ku xigeenka koowaad, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xigeenka labaad, C/raxmaan C/qaadir, guddoomiye ku xigeenka saddexaad,C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo xoghayaha guud, Keyse Xasan Cige, la sheegay inay madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay u soo jeediyeen in aanu xilal wasiirnimo magacaabi karin ilaa uu iyaga ka talo galiyo,hase ahaatee madaxweynaha la doortay ayaa arrintaa gaashaanka ku dhuftay. Xubnahan ayaa doonayay inay wasiiro ka noqdaan xukuumadda la soo dhisayo,taasoo ay cadaadis ku saareen madaxweynaha la doortay inuu ku daro liiska wasiiradiisa hase yeeshee uu arrintaasi ka diiday Axmed Siilaanyo oo ku dooday maadaama qaar ka mid ah xubnahan xilal doonka ah oo ku jiray guddidii ku soo talo bixisay in la soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh, waxana wararku intaa ku dareen in madaxweynaha la doortay uu xubnahan ka dalbaday inay faro gelinta ka daayaan hawshiisa. Maalintii doraad ayay shir gaar ah wada galeen madaxweynaha la doortay iyo xubnahan wasiiro doonka ah,iyadoo wararka shirkaasi ku dhow dhowaa Haatuf u sheegeen in kaddib markii madaxweynaa la doortay ka diiday inuu xubnahan ku soo daro golaha wasiirada uu soo dhisayo, ay soo hor dhigeen caqabad hor leh oo sheegaysa in aanu madaxweynaha la doortay si madax banaan u soo magacaabi karin wasiiradiisa ilaa uu iyaga kala tashado, taasoo madaxweynaha la doortay ganafka ku dhuftay dalabkoodii, isla markaana kulankaasi ku soo dhamaaday is af garanwaa. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu xubnahan ku yidhi, “waxan ahay madaxweyne la soo doortay ee iila dhaqma siddii madaxweyne loola dhaqmi jiray”,hase ahaatee hadalkaasi ayaa la sheegay inuu u cuntami xubnahan xilal doonka ah oo weli u arkaya inuu Axmed Siilaanyo yahay guddoomiyhii xisbiga Kulmiye. Masuuliyiintan Kulmiye ayaa sidoo kale la sheegay inay shalay madaxweynaha la doortay u gudbiyeen cabasho la xidhiidha hadal habeen hore uu madaxweyne ku xigeenka cusub, C/raxmaan Saylici, uu ku sheegay inay khaati ka taagan yihiin rag wasiirnimo raadinaya oo leh xisbigaanu u soo dhimanay, waxana hadalkiisa ka mid ahaa “xildoonkii ayaaba aad u badan oo waxaba na wareeriyay anaga oon kursigii ku fadhiisan kii wasiirnimo doonayay ilaa biya tooni doonayay”. Isla maalintii shalay waxay furteen xubnahaasi qolkii xafiiskii madaxweynaha la doortay ee xarunta kulmiye, waxana la sheegay inuu kursigii Axmed Siilaanyo ku fadhistay guddoomiye ku xigeenka koowaad, Muuse Biixi Cabdi oo haatan noqday gudoomiyaha xisbiga Kulmiye sida uu dhigayo heshiis arrintaas uu kulmiye ku gaadhay shirkii xisbiga ee Burco ka dhacay sanadkii 2008 bishii August. Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige ayaa wareysi uu siiyay doraad wargeyska Ogaal Mar la waydiiyay sababta keentay in laga doodo arrintan ay macnaheedu tahay in masuuliyiinta u sarraysa Xisbiga KULMIYE ay dhammaantood qabaan damac siyaasadeed oo la xidhiidha inay ka mid noqdaan Xukuumadda cusub ee la dhisayo, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dabcan, bani’aadamku kollayba way leeyihiin aragtidiisa, damaciisa iyo hiigsigiisa, waana wax qof walba u gaar ah. waxase iyana jirta arrintii guud ee Xisbinimadii, taladii guud iyo hoggaankii guud ayaa jira. Markaa in laga wada hadlo sidee ayaa wax loo maarayn karaa, meeshay ku jirtaa. Laakiin, qof kastaa damac waa leeyahay.”Sidoo kale, mar la weydiiyay in ay jiraan kulamo ay arrintan ka yeesheen doraad iyo waxyaabaha gaar ahaan lagaga hadlay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, siyaasadda KULMIYE lagu yaqaanaa waxa weeye in uu wax dhegaysto oo qof waliba wuxuu doono odhan karo, waxyaabaha aanu Xisbiyada kale kaga duwanahayna waxa weeye in lays dhegaysto oo xor la yahay. Sidaa daraadeed, ilaa hadda waxaanu aaminsanahay in uu dhegaysigii meesha ku jiro, waanaga u bandhignay Umadda nooca dawladdu noqonayso iyo 100-ka maalmood ee u horreeya waxa la qabanayo. Tan lafteeda Madaxweynuhu wuxuu yidhi, waxa wanaagsan in aynu meel walba wax ka eegno oo aynu Aqoonta iyo Bulshadaba eegno, maadaama aynu ballan-qaadyo samaynay oo ay Barnaamijkeenii ku jirtay inaynu isbedel samayno, maaha in wax walba lagu degdego ee waa in dhinac walba laga eego oo marka u dambaysa wax nadiif ahi yimaadaan” ayuu yidhi xoghayaha guud ee Kulmiye, Mr.Keyse Xasan Cige. Si kastaba ha ahaatee Wararka khilaafkan oo aad u soo if baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha la doortay uu ku adkeystay go’aanka uu ku soo xulanayo xukumadiisa isla markaana uu doonayo inuu ku kala saaro arrimaha xisbiga iyo kuwa dawlada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 15, 2010 Khilaafka Masuuliyiinta Sar-Sare Ee Kulmiye Oo Cirka Isku Shereray. Khilaaf Ka Dhex Aloosmay Masuuliyiinta Sar-Sare Ee Kulmiye Iyo Madaxweynaha La Doortay Oo Mar Kale Cirka Isku Shareeray Hargeysa (TVSLE)- Khilaaf xoogan oo ku saleysan xilalka wasiirnimo ee xukuumadda cusub ee madaxweynaha la doortay soo dhisayo ayaa ka dhex aloosmay masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo. Khilaafkan oo in dhowaydba soo taagnaa ayaa shalay mar kale cirka isku shareeray kaddib markii guddoomiye madaxda sarsare ee xisbiga Kulmiye ee ay ka mid yihiin, guddoomiye ku xigeenka koowaad, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xigeenka labaad, C/raxmaan C/qaadir, guddoomiye ku xigeenka saddexaad,C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo xoghayaha guud, Keyse Xasan Cige, la sheegay inay madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay u soo jeediyeen in aanu xilal wasiirnimo magacaabi karin ilaa uu iyaga ka talo galiyo,isla maraakan siyaasiyinta qaran aan lagu soo darin xukumda Cusub ee iyaga loo oofiyo balntii in tartanka xisbiyada loo furo,hase ahaatee madaxweynaha la doortay ayaa arrintaa gaashaanka ku dhuftay. Xubnahan ayaa doonayay inay wasiiro ka noqdaan xukuumadda la soo dhisayo,taasoo ay cadaadis ku saareen madaxweynaha la doortay inuu ku daro liiska wasiiradiisa hase yeeshee uu arrintaasi ka diiday Axmed Siilaanyo oo ku dooday maadaama qaar ka mid ah xubnahan xilal doonka ah oo ku jiray guddidii ku soo talo bixisay in la soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh, waxana wararku intaa ku dareen in madaxweynaha la doortay uu xubnahan ka dalbaday inay faro gelinta ka daayaan hawshiisa. Maalintii doraad ayay shir gaar ah wada galeen madaxweynaha la doortay iyo xubnahan wasiiro doonka ah,iyadoo wararka shirkaasi ku dhow dhowaa Haatuf u sheegeen in kaddib markii madaxweynaa la doortay ka diiday inuu xubnahan ku soo daro golaha wasiirada uu soo dhisayo, ay soo hor dhigeen caqabad hor leh oo sheegaysa in aanu madaxweynaha la doortay si madax banaan u soo magacaabi karin wasiiradiisa ilaa uu iyaga kala tashado, taasoo madaxweynaha la doortay ganafka ku dhuftay dalabkoodii, isla markaana kulankaasi ku soo dhamaaday is af garanwaa. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu xubnahan ku yidhi, “waxan ahay madaxweyne la soo doortay ee iila dhaqma siddii madaxweyne loola dhaqmi jiray”,hase ahaatee hadalkaasi ayaa la sheegay inuu u cuntami xubnahan xilal doonka ah oo weli u arkaya inuu Axmed Siilaanyo yahay guddoomiyhii xisbiga Kulmiye. Masuuliyiintan Kulmiye ayaa sidoo kale la sheegay inay shalay madaxweynaha la doortay u gudbiyeen cabasho la xidhiidha hadal habeen hore uu madaxweyne ku xigeenka cusub, C/raxmaan Saylici, uu ku sheegay inay khaati ka taagan yihiin rag wasiirnimo raadinaya oo leh xisbigaanu u soo dhimanay, waxana hadalkiisa ka mid ahaa “xildoonkii ayaaba aad u badan oo waxaba na wareeriyay anaga oon kursigii ku fadhiisan kii wasiirnimo doonayay ilaa biya tooni doonayay”. Isla maalintii shalay waxay furteen xubnahaasi qolkii xafiiskii madaxweynaha la doortay ee xarunta kulmiye, waxana la sheegay inuu kursigii Axmed Siilaanyo ku fadhistay guddoomiye ku xigeenka koowaad, Muuse Biixi Cabdi oo haatan noqday gudoomiyaha xisbiga Kulmiye sida uu dhigayo heshiis arrintaas uu kulmiye ku gaadhay shirkii xisbiga ee Burco ka dhacay sanadkii 2008 bishii August. Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige ayaa wareysi uu siiyay doraad wargeyska Ogaal Mar la waydiiyay sababta keentay in laga doodo arrintan ay macnaheedu tahay in masuuliyiinta u sarraysa Xisbiga KULMIYE ay dhammaantood qabaan damac siyaasadeed oo la xidhiidha inay ka mid noqdaan Xukuumadda cusub ee la dhisayo, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dabcan, bani’aadamku kollayba way leeyihiin aragtidiisa, damaciisa iyo hiigsigiisa, waana wax qof walba u gaar ah. waxase iyana jirta arrintii guud ee Xisbinimadii, taladii guud iyo hoggaankii guud ayaa jira. Markaa in laga wada hadlo sidee ayaa wax loo maarayn karaa, meeshay ku jirtaa. Laakiin, qof kastaa damac waa leeyahay.”Sidoo kale, mar la weydiiyay in ay jiraan kulamo ay arrintan ka yeesheen doraad iyo waxyaabaha gaar ahaan lagaga hadlay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, siyaasadda KULMIYE lagu yaqaanaa waxa weeye in uu wax dhegaysto oo qof waliba wuxuu doono odhan karo, waxyaabaha aanu Xisbiyada kale kaga duwanahayna waxa weeye in lays dhegaysto oo xor la yahay. Sidaa daraadeed, ilaa hadda waxaanu aaminsanahay in uu dhegaysigii meesha ku jiro, waanaga u bandhignay Umadda nooca dawladdu noqonayso iyo 100-ka maalmood ee u horreeya waxa la qabanayo. Tan lafteeda Madaxweynuhu wuxuu yidhi, waxa wanaagsan in aynu meel walba wax ka eegno oo aynu Aqoonta iyo Bulshadaba eegno, maadaama aynu ballan-qaadyo samaynay oo ay Barnaamijkeenii ku jirtay inaynu isbedel samayno, maaha in wax walba lagu degdego ee waa in dhinac walba laga eego oo marka u dambaysa wax nadiif ahi yimaadaan” ayuu yidhi xoghayaha guud ee Kulmiye, Mr.Keyse Xasan Cige. Si kastaba ha ahaatee Wararka khilaafkan oo aad u soo if baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha la doortay uu ku adkeystay go’aanka uu ku soo xulanayo xukumadiisa isla markaana uu doonayo inuu ku kala saaro arrimaha xisbiga iyo kuwa dawlada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chief_Aaqil Posted July 16, 2010 Whichfull thinking? Waa duli ninka u saadiniya iyo ku farxiya inu walaalihii khilaaf ee yeeshaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites