Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso: Hand Grenade Thrown At Police. 1 Dead. 8 Wounded.

Recommended Posts

Cowke   

Qarax Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Geystay oo ka dhacay Bosaso

 

June 23, 2010

 

Waxaa gelinkii dambe ee maanta qarax nooca bam gacmeedka ah lala beegsaday Ciidan ka tirsan kuwa amniga ee Dowladda Puntland,qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee laamiga gaar ahaan agagaarka Hoteelka Khaliij ee u dhow Shirkada Isgaarsiinta ee Golis.

 

Wararka ayaa sheegaaya in Ciidanka lala beegsaday qaraxa ay ka yimaadeen degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana ay saarnaayeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Waaraadka.

 

Qaraxa ka dib Ciidanka waxaa ay fureen rasaas,waxaana sidoo kale agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay laga qab qabtay oo la xiray dadka ku sugnaa goobtaas.

 

Khasaaro culus ayaa gaarey ciidanka qaraxa lala beegsaday,waxaana ilaa iyo 8-askari la geeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso oo halkaas lagu dabiibaayo.

 

Sidoo kale waxaa geeriyooday askari kale oo isagu dhaawac culus soo gaarey kaas oo la geeyey Isbitaalka gaarka ah ee Puntland, askarigaasi ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

 

Maxamed Siciid “Hogaama laroor” oo ka tirsan Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka Bosaaso ayaa Horseed Media u sheegay in dhaawaca 8-askari ay iminka la tacalayaan isla markaana ay dhaqaatirta ku mashquulsanyihiin.

 

Sarkaal caafimaadka oo ka waramaya khasaaraha qaraxa geystay

 

Ilaa iyo hada lama sheegi karo cida ka dambeysay qaraxaan lala beegsaday Ciidanka amniga ee Puntland, waxaana iminka socda baaritaano ay wadaan Booliska.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dadkan fuleyga oo hand grenades tureyo ka bacdi dhumaneyo miyaanu iska gaban karin? This is ridiculous really and becoming some of what a joke.

 

These sleeper cells need be to shown hard justice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this