Sign in to follow this  
SOO MAAL

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

SOO MAAL   

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo midba markiisa mus lala koray !!

 

Sabti, May 14, 2005(HOL)@21:00GMT: Ugu dambeyntii waxaa dhacay qaraxa khilaafkii ka dhex taagnaa mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka KMG ah, kuwaasoo u kala qeybsanaa labo qeybood, inkastoo uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf kadib safarkii Tripoli uu isu muujiyay in uu yahay Oday dhex dhexaad ka ah khilaafka u dhaxeeyay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka.

 

Intii aanu qabsoomin kulankii Baarlamaanka ee 11-kii bishan waxaa socday dadaallo xoog leh oo ay faraha la soo galeen beesha caalamka, si aanu u imaanin qaraxa la filayay, hase ahaatee waxaad mooday in guddoomiyaha baarlamaanka la liqsiin waayay in uu aqbalo in uu qabto kulankaas oo ay muhiimaddiisu ahayd in natiijadiisa laga gaarsiiyo fadhi ay golaha nabadgelyada iyo ammaanka Qaaradda Afrika lahaayeen maalin kadib kulankaas, wuxuuna guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo ogsoonaa muhiimadda uu kulankaasi u leeyahay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ayuu si aan leex leexad lahayn u soo bandhigay in todobo cisho kadib dib loogu dhigo qabashada kulankaas, waxaadse moodaa in uu guddoomiyuhu uu malaha iloobay in ciddii kooramka baarlamaanka waqtigaas gacanta ku heysata aaney ogolaanin dib u dhac ujeedo leh, tusaale ahaan dhowr jeer oo hore ayay dhacday arrintan oo kale, midkii u dambeeyay ee 17-kii Maarso waxaa ay madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ka codsanayeen Shariif Xasan in uu maalin qur ah dib ugu dhigo kulanka, iyagoo quuddareynayay in xubno ka joogay magaalada Baydhabo ay soo gaaraan fadhiga, si codadkooda ay ugu darsadaan miisaanka, sidoo kalena laga war dhowro go’aannada isla kulan dhacayay maalintaas oo ay wasiirrada arrimaha dibadda IGAD kaga hadlayeen in ciidamo loo soo diro Soomaaliya, haseyeeshee Shariifku dheg jalaq uma siin codsiyada C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi, wuxuuna kulankii oo budad la isla dhacayo, isla markaana ay dhiig baxayaan xubnaha qaarkood ku dhawaaqay go’aan lagu sheegay in ay ogolaadeen in Soomaaliya la keeno ciidamo aaney ku jirin dalalka safka hore, taasoo ahayd tan ay tuhunsanaayeen in dhinaca kale ay u ololeynayeen.

 

Sidoo kalena waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanka deg deg ku guddoomiyay kulan uu kala cararayay in xubnihii Golaha Wasiirrada oo ku maqnaa Gobolka Naivasha ee dalka Kenya in aaney ku soo gaarin si ay u dhacdo kalsooni kala noqoshada Xukuumaddii ugu horeysay ee uu soo dhisay Prof. Geedi, iyadoo uu weliba buuq iyo feer uu ka jiray goobta, wuxuuna ku dhawaaqay in kalsoonidii lagala noqday Xukuumaddaas, taasoo keentay in uu ka caroodo Ra’iisal Wasaare Geedi oo ay wehliyaan inta badan wasiirradiisa, laakin madaxweynuhu waa uu aqbalay natiijadaas markii ay beesha caalamku culeys ku saartay.

 

Haddaba su’aashu waxa ay tahay sidee ayuu Shariifku haatan ku oranayaa natiijada kulankii Arbacada waxaa uu ahaa mid xaaraan ah, sideese u doonayay in todobo maalmood la sugo, isagoo diiday in uu maalin dib u dhigo kulan uu yeelan lahaa baarlamaanka?.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu diidmada kulankii u dambeeyay u cuskaday in la qabtay kulan uu isagu ka maqan yahay,"xitaa haddii ay 270 xubnood isu tagaan oo aan anigu u yeerin ma ahan waxa ka soo baxa sharci" ayuu ku yiri saxaafadda, taasoo ka dhigi karta in uu isu heysto milkiilaha Baarlamaanka.

 

Qaraxa khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda ayaa noqon kara mid rajo xumo sii geliya niyaddii loo hayay dowladda Federaalka in ay ka dhex shaqeyso gudaha Soomaaliya, waxaana haatan soo if-baxaya hadal heyn ku saabsan in khilaafku uu sii gelayo heer xil iska xayuubin ah, waayo waxaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf u nusan in uu ka taqaluso Shariif Xasanka Baarlamaanka ee qodaxda ku noqday, halka uu Shariifku ugu soo socdo Muqdisho in uu isu shiriyo xubnaha Baarlamaanka si ugu dambeynta uu ugu dabaal dego xil ka qaadista madaxweyne damacsan in uu isku fuuqsado dhamaan awoodaha dowladda, laakin su’aasha waxa ay tahay midkee ayuu ku dambeyn doonaa kooramka baarlamaanka?, ugu horeyn waxaa la dhowrayaa tirada uu Shariifku ku soo kordhiyo 75-ka Xubnood ee haatan Muqdisho ku sugan, tiiyoo uu weliba soo daba joogo Cali Maxamed Geedi oo doonaya in uu Muqdisho kula qabsado Guddoomiyaha Baarlamaanka seefta xil ka qaadis ee uu la maagan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this