Sign in to follow this  
General Duke

Mayor names the head of the snake, they will be sent to Eritrea

Recommended Posts

Max'ed Dheere oo ku eedeeyey odayaasha beelaha iyo Baarlamanka xorta ahi inay ka danbeeyaan ammaan darida ka jirta Muqdish

 

Muqdisho (WNT)-Guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Dheere ayaa Maanta ku eedeeyey Odayaasha dhaqanka iyo midnimada bewelaha ****** garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad iyo kooxda la Magac baxday baarlamanka xorta ah ee jooga Magaalada Asmara in ay ka dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Magaalada muqdisho.

 

Hadalkaan ayuu ka sheegay Maxamed Dheere xarunta Taliska booliska G/banaadri oo manta lagu soo bandhigay,waxana uu ku eedyeeyey uu sheegay in dhibaatada ka tagaagan Magaalada muqdisho ay ka dambeeyaan odyaasha ****** garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad iyo kooxa lamagac baxaday Baarlamaanka xorta ah isla markaana uu sheegay in hadii falalka ay ku juraan ay ka joogi waayaan ay cawaaqib xumo la kulmidoonaa sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Maxamed dheere ayaa sidoo kale sheegay in Odayasha ****** ay doonayaan sida ay u majo xaabinlahaayeen maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana ugu baaqay odayaasha in dalka ay isaga baxaan oo ay Aadaan dalka Eritrea oo ay ku sugan yihii golihii Maxaakimta islaamiga iyo kooxda la Magac baxday Baarlamaanka xorta ah.

Eedaantaan ka soo yeertay Maamulka Goblka banaadir ayaa waxa ay noqoneysaa

 

Markii 2aad uu u soo jeediyo Odayaasha ****** garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad xilli uu maamulka gobolka banaadir uu dhawaan uu sahaaciyay in uu wax ka qabandoono amni darada ka taagan Magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kale odayaasha ****** oo eedayntaas uu jeediyey Max'ed Dheere ka jawaabayey ayaa sheegay inaysan ka dambeynin qaraxyada ka dhaca Magaalada muqdisho waxeyna sheegeen in aysan ka baxeyn dalka isla markaan Maxamed Dheere looga Baahanyahay in uu raali galin uu ka baxiyo hadalka uu ka sheegay idaacadaha Magaalada Muqdisho.

 

Odayaashaan oo aanu qaarkood khadka telefoon aanu kula xariiray ayaa waxaa ay in taasi ku dareen in Maxamed Dheere kolkii uu wax ka Qaban waayay amni darada ka jirta Magaalada Muqdisho uu edeyn u soo jeedinayo odayaasha ****** iyagu aan wax lug ah ku lahayn dhacdooyinka ka jira magaalada Muqdisho waa sida ay hadalka u yiraahdeene.

 

Maxamuud Maxamed.

 

Waayaha.net,Xafiiska Muqdisho,Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Goblka Banaadir oo eedeeyey qaar ka mid ah idaacaha Muqdisho

 

Muqdisho (WNT)-Gudoomiyaha G/banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho ayaa Maanta ku eedeeyey Qaar ka mid ah idaacadaha Magaalada Muqdisho in ay wadaan Barakicinta shacaba wuxuuna,iyadoo idaacadahaani doonayaan in ay ka shaqaynayaan sidii iskaga horkeeni lahaayeen shacabka iyo Maamulka dowlada DFKM.

 

Maxamed Dheere oo Maanta ka hadal ka jeeday hub ay soo bandhigeen taliska booliska G/banaadir ayuu sheegay in idaacadahaan ay wadaan barakicinta shacabka isla markaan ay idaacadahaan ay doonayaan sidii ay iskaga horkeyni lahaayeen shacabka iyo dowlada DFKM, asagoona Tusaale usoo qaatay idaacada Hornafric waxuuna idaacadahaan ugu baaqay in ka hadlaan xaqiiqda dhabta ah ee Markaasi taagan.

 

Max'ed Dheere ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dadka u barakacay n

 

Muqdisho iyo Afgooye ay yihiin dadka wax ka og Qaraxyada ka dhaca Magaalada muqdisho waxuuna sheegay in dadkaan looga baahanyahay in ay dib ugu soo laabtaan gooba ay ka barakaceen.

 

Maxamuud Maxamed.

 

Waayaha.net,Xafiiska, Muqdisho,Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this