Sign in to follow this  
General Duke

Suldaan Maxamed C/qaadir oo Shaaciyey inaan Cidna ka Horjoogsan Shirka Muqdisho

Recommended Posts

Suldaan Maxamed C/qaadir oo Shaaciyey inaan Cidna ka Horjoogsan Shirka Muqdisho

Last Updated::2007-05-24 17:51:55

 

Hargeysa (Jam)- Suldaan Maxamed Suld Cabdiqaadir oo ka tirsan madaxdhaqameedka

Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in aan ciidina iska hortaagi karin ka qayb galka shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee la filay in lagu qabto.

 

Bisha June magaalada Muqdisho, hase yeeshee ay tixgalin doonnaan hadday xukuumaddu dan u aragto inaan laga qayb galin.

 

Suldaanka oo shalay u warramayey TV-ga madaxabannaan ee “SLTV” waxa uu ka jawaab celinayey go’aan golaha Guurtidu ku cusbooneysiiyey Salaasadii Doraad qaraarkii hore loogu xaarantimeeyey ka qeyb galka shirarka dib-u-heshiisiinta.

 

Waxa aanu ku bilaabay oo yidhi; “Arrin aanu maamulka Somaliland kala tashan in la lays kaga kaco, runtii ma qurux badna, laakiin arrinta Guurtida ka soo yeedhaya, salaadiinta iyo guurtida laba shirguddoon bay kala leeyihiin, iyaga [Guurtida] waa gole xukuumadda, kana [salaadiintuna] waa mid dhaqan.

 

Golaha dhaqanku waa bilaa xudduud, waa gole nabad uun u taagan lamana odhan karo meel ma tagi kartaan meel uma kici kartaan, anigu waxaan qabaa in aanay goluhu [Guurtida] na xukumin nana haysan karin arrintayadana aanay faro galin karin, laakiin haddii ay lana noqoto in aanu ka qayb galno [shirka dib u heshiisiinta Somaliya] waanu tixgalinayaa xukuumadda iyo maamulka jira, waananu kala tashanaynaa hadday na ogolaato iyo hadday nadiidoba.”

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo la waydiiyey in uu isagu shaqsi ahaan shirka Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in aanu isagu tallo goosanayn kalidii balse ay salaadiintu ay iska arkayaan kana wada tashanayaan arrintaa.

 

Suldaan Maxamed oo la waydiiyey inay Madaxweynaha iska arkeen arrinta ku saabsan shirka Dib-u-heshiisiinta iyo in kale, ayaa waxa uu ku jawaabay; “Waxaanu ka ballansanahay Madaxweynaha in aanu iska aragno [arrinta shirka] iyadoo maalmaha soo socda oo bariba laga yaabo kulanka aanu Madaxweynaha kula ballansanahay arrintaa in uu qabsoomo.”

 

Hase yeeshee Suldaan Maxamed waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada Salaadiinta ay barito ay Madaxweynaha kula yeelanayaan.

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ku eedeeyey xubno ka mid ah golaha Guurtida in ay u dhuun daloolaan oo iyagu ka warhayaan shirka laga abaabulayo Muqdisho iyo Dawladda Embagaati.

 

Waxaanu yidhi; “Dadkani maalinba walba madaxda Xamar joogta way la hadlaan, Cali Mahdi shalaytoo [doraato] u dambaysay ayey la hadleen xalayto [habeen hore] ayey Golaha Guurtidu la hadlayeen. Dee ma iyagaa waxqarsanaya oo ummadda doonaya inay daba waydaartaan, anigu waxaan leeyahay Golaha Guurtidu waxay ka siidaynayso idaacadaha, waar waa la is ogyahay oo rag badan oo Golaha Guurtida ku jira ayaan ognahay oo u dhuun daloola xukuumadda Embagaati oo habeen walba la hadla, haddaad doonaysaa annigaa qaa’imada ku soo qori magacyadooda oo idiin sheegi doona maxaa ummadda loo wareerin.”

 

Suldaan Maxamed Suld Cabdiqaadir, waxa uu Golaha Wakiillada ku eedeeyey inay dalka galiyeen xaalad siyaasadeed oo adag, isagoo tusaale u soo qaatay tallaabada ay Madaxweynaha kaga dhimeen kharashkii u qornaa Madaxweyihii hore ee geeriyooday [Cigaal], sida uu eedayntiisa ku tilmaamay.

 

Sidoo kale, waxa uu Suldaanku ku tilmaamay hoggaanka uu madaxda ka yahay Madaxweyne Rayaale, mid aan fahmid ujeedadii ay dadweynuhu u soo doorteen, isagoo ku dhaliilay in loo baahan yahay sidii loo furfuri lahaa shacbiga go’aankooda loo caddayn lahaa, warkana Burco iyo Hargeysa la dhaafiyo oo caalamka loo sheego in Somaliland la soo noqtay wixii 1960-kii la tagtay, “balse,” ayuu yidhi; “aqoosiga aan lagu koobin wasiir arrimo dibadeed ayaa meel heblaayo tagay iyo Madaxweynihii ayaa wafti qaabilay.”

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka tirsan madax-dhaqameedyada ka soo jeeda gobolka Hargeysa, waxa uu hore uga qaybgalay shirkii dib-u-heshiisiinta soomaalida ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti sannadkii 2001-dii, shirkaas oo ahaa kii lagu soo dhisay xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

 

Suldaan Maxamed markii uu shirkaa ka soo laabtay ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay, waxa sii-dayntiisu ka dambeysay cafis ay xukuumaddu u fidisay markii dambe.

 

Xigasho Jamhuuriya

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

source

 

Suldaan Maxamed Cabdulqaaddir Oo Ku Gacansaydhay Qaraarka Golaha Guurtida Ee Xaaraantimayna Ka Qaybgalka Shirka Muqdisho

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 24 May, 2007

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this