Emperor Posted December 18, 2007 Ergyga Khaaska ee QM ee Arrimaha dalka Somalia oo qiray inuu ku hawlan yahay diyaarinta Kulan-weyne ay isku arkayaan Wakiillo ka kala socda DFKMGS iyo Kooxaha Mucaaradka ku ah Muqdisho Talaada , December 18 2007 SMC Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Axmedu Walad C/llaahi, ayaa ugu baaqay DFKMGS inay si aad ah u midoobaan, isla markaana la hadlaan Kooxaha ka soo horjeeda. Axmedu Walad C/llaahi, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Idaacadda BBC-London, kadib, markii uu xalay Warbixin guud siiyey xubnaha Golaha Amaanka ee QM, oo kulan gaar ah ka yeeshay Xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia. Wareysiga uu Ergaygu siiyey Idaacadda BBC-da, ayuu ku sheegay inay lama huraan tahay inay DFKMGS si aad ah dib ugu midowdo, isla markaana ay la hadlaan Kooxaha ka soo horjeeda. “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federalka inay dadaal Siyaasadeed muujiyaan, isla markaana ay aad u midoobaan, lana hadlaan Mucaaradkeeda, sidoo kale, QM, waa inay Joogitaan Ammaanka iyo Nabadda ku yeelataa Somalia,” ayuu yiri Ergayga. Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Axmedu Walad C/llaahi, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay inay DFKMGS xoojiso dadaalka ay kula xaajoonayaan Kooxaha Mucaaradka, si loo dhiso Dowlad Midnimo Qaran. Sidoo kale, Ergayga, waxa uu Qaddiyadda Wada-xaajoodka DFKMGS iyo Kooxaha Mucaaradka ku soo bandhigay Warbixin uu xalay siiyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna tilmaamay inu shaqsi ahaan ugu hawlan yahay sidii loo diyaarin lahaa Kulan Heer Sare ah oo dhexe marayo DFKMGS iyo Kooxaha Mucaaraadka, laguna qaban doono dal ku dhow Somalia oo uusan carabaabin,. Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Hoggamiyayaal Siyaasadeed, xubno ka tirsan Ganacsatadda iyo Soomaalida Qurbo-joogga ah. “Waxaan rumeysnahay haddii dadka Soomaalida iskooda u wada hadlaan,, inay diyaar u yihiin inay ku biiraan Dowladda iyo inay dadaal u galaan sidii uu dalkooda dib cagihiisa isugu taagi lahaa dhowrka bilood ee soo socda” ayuu yiri Axmedu Walad Cabdullaahi. Dhinaca kale, Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Dalka Somalia, waxa uu ku booriyey Dowladda Sacuudiga inay door hormoodnimo ka qaadato sidii Nabad loogu soo dabaaali laahaa dalka Somalia Ergayga,waaxa uu sheegay in Boqorka dalka Sacuudiga, ahna Khaadumka Labada Xaramayn ee Shariifka, Boqor Cabdalla Bin C/casiis iy Dowladaha deriska ee ay joogaan Qaxootiga ugu badan ee Soomaalida in lagu casuumo sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen arrimaha dalka Somalia” ayuu Ergayga u sheegay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna intaasi ku daray inay suurtogal tahay in taageeradda labo Dowladooda oo xubno ka ah Isbahaysiga NATO ay ku soo biiraan. Ergayga, ayaa kulankaasi kadib u sheegay Suxufiyiint inuusan weli Dowladda Sacuudiga kala hadlin inay Ciiddamo u soo diraan dalka Somalia, laakiin, waxa uu tilmaamay inay moraal u hayaan arrintaasi. Mar wax laga weydiiyey Dowladaha laga yaabo inay ciiddamo u soo diraan dalka Somalia, waxa uu sheegay inay ka kala imaan doonaan dalal Afrikaan ah ama Dalal ku yaalla Koonfurta Qaaradda Asia ama ilaa labo dal oo ka tirsan Isbahaysiga NATO, wuxuuna Ergayga xusay inay suurtogal tahay inay dalalka Indonesia, Urdun iyo Pakistan Ciiddamo u soo diraan dalka Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites