Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Siilaanyo Announces 18 new positions

Recommended Posts

War Deg-deg ah: Magacayadda 18 Agaasime Guud Ee Uu Magacaabay Madaxweyne Axmed Siillaanyo Iyo Haadhagii U Dambeeyey Ee Agaasimayaashii UDUB Oo La Hurgufay

 

 

Cabdilaahi Xuseen Cige (Blacki), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Daakhiliga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL....

 

Hargeysa(GNS)- Magacayadda 18 Agaasime Guud Ee Uu Magacaabay Madaxweyne Axmed Siillaanyo Iyo Haadhagii U Dambeeyey Ee Agaasimayaashii UDUB Oo La Hurgufay

 

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa digreeto uu soo saaray Maanta ku magacaabay 18 Agaasime Guud oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha Dawlada ee uu hore u magacaabay Wasiiraddoodii, ka dib markii uu xilkii uu ka qaaday Agaasimahayaashii guud ee Xukuumaddii Rayaale oo baaqi ku sii ahaa Wasaaradaha Qaarkood.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa waxa uu magacaabay 18 Agaasime guud,kuwaas oo bedeli doona Agaasimayaashii hore ee Xukuumaddii UDUB, isaga oo madaxweynuhu uga mahadceliyey Agaasimayaashii hore ee Xukuumaddii Hore hawshii Wadaniyaddu ku dheehnayd ee ay u soo qabteen dalkooda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka madaxtooyadda C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa waxa Madaxweynuhu ka codsaday Agaasimayaasha Cusub in ay si deg deg ah Xilka ula wareegaan.

Warsaxaafadeedkan oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta (shalay) soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabay Agaasimayaasha Guud ee Xukuumada JSL.

Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku Yidhi Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan.

 

Markaan La Tashaday: Madaxda ay khusayso

 

Markaan ku qancay: in ay buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagooyinkan.

Waxaan go’aansaday

In Mudane, Cabdilaahi Xueen Cige (Blacki), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Daakhiliga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

In Mudane, Axmed Cabdilaahi Rooraaye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Dibu-dejinta ee Wasaaradda Arrimaha Guduaha ee JSL.

In Mudane, Cali Maxamed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL.

In Mudane, Khadar Axmed Diriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL.

In Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xanaanada Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.

In Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.

In Mudane, Salaan Cabdi Cige, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Warshadaha ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL.

In Mudane, Cabdilaahi Cabdi Axmed (Kubado), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL.

In Mudane, Faysal Cali Sheekh, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee JSL.

In Mudane, Cabdi Axmed Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee JSL.

In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee JSL.

In Mudane, Cabdikariim Xaashi Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee JSL.

In Mudane, Ibraahin Ismaaciil Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.

 

In Mudane, Axmed Nuux Caalin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee JSL.

 

In Mudane, Mustafa Maxamed Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee JSL.

 

In Mudane, Maxamuud Raage Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda ee JSL.

 

In Mudane, Axmed Dalal Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ee JSL.

 

In Mudane Axmed Xasan Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Maamulka Mucaawimooyinka ee (WFP).”

Dhinaca kalena, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa uu xil ka qaadis ku sameeyey Agaasimayaashii Guud ee Xukuumaddii hore ee Xisbiga UDUB, sida waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta (shalay) soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu Xilkii kaga Qaaday Agaasimayshii Guud ee Xukuumadii hore.

 

 

Ku: Agaasimayaashii Guud ee Hore ee Wasaaradaha, Madaxtooyadda, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Xanaanadda Xoolaha, Horumarinta reer Miyiga, Ganacsiga, Wershadaha, Warfaafinta, Caafimaadka, Duulista iyo Hawadda, Diinta iyo Awqaafta, Macdanta iyo Biyaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha,Qorshaynta iyo Horumarinta iyo Gaashaandhiga.

 

Ujeedo: Xilka ka qaadis

 

Mudanayaal,

 

Waxa aan idinka mahad celinayaa mudadii aad xilka qaranka u soo shaqaynayseen, wakhtigan cusub waxa aan gartay in aan idinka qaado xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha kor ku xusan laga bilaabo taariikhda Warqaddan.

 

Sidaa darteed, waxaad ku wareejisaan xilkii Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha kor ku xusan Masuuliyiinta aan ugu soo magacaabay Degreetooyinka.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

So called "Dowlad yar oo tayo leh" it's proving to be rather "Dowlad badan oo tayo lahayn" so far, anyway more positions will not solve anything nor the security situation in somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this