Sign in to follow this  
miles-militis

A/Qassim of Arte TNG showing his ugly side

Recommended Posts

1941-kii ilaa 1991 Daaroodka Ayaa Cadaadis Dalka Ku Haystay!

- 06 August 2003 , 18:37

 

Warbixin Xasaasi Ah Oo Uu Cabdiqaasim U Gudbiyay Guddiga Hub Ka Dhigista Soomaaliya

 

 

Muqdisho, (Yamayska) - Horaantii todobaadkii tagay xilligii ay Muqdisho ku sugnaayeen wafdigii sahaminta hubka dhigista Soomaaliya ayaa C/qaasim Salaad Xasan wuxuu ku amray isagoo jooga Kenya taliyihiisa ciidamada Maxamed Yuusuf Cumar (ma daale) inuu guddiga u gudbiyo qoraal dheer oo ka hadlaya hab dhaqankii dowladnimo ee Soomaaliya bur burkii ka hor, oo lagu sheegay in kala sarayn iyo dabaqado qabiil ku salaysan ay ka jireen Soomaaliya.

 

Warbixinta uu gudbiyay Ma-daale ayaa shaaca ka qaaday in qabiilka Daaroodka oo muddo dheer hayay talada waddanku ay cadaadis iyo hagardaamo ku hayeen qabaa’illada kale oo Hawiyuhu ugu horeeyo. Qoraalkan oo horay loo diyaariyay lagana soo bilaabay 1941 ilaa 1991 ayaa taliye Madaale gacanta ka saaray guddigii sahanka, waxaana qoraalkaasi xambaarsanaa dacwado iyo danbiyo uu sheegay inay dalka iyo dadka ka galeen qabiilka Daaroodku.

 

Waxyaabaha uu qoraalkani sida gaarka ah u taabtay waxaa ka mid ahaa in dalka ay ka jiri jireen Boqortooyooyin iyo maamullo ay madax ka ahaayeen qabiilkaa Daaroodka, isla markaasna ay waxyeellooyin u gaysteen gaar ahaan qabiilka hawiyaha iyo deegaanadiisa.

 

Waxaa wax yeelooyinkaas ka mid ahaa sida C/qaasim sheegay dhul laga dhaxal wareejiyay qabiilkiisa ayadoo lagu gabanayo maamul dalka ka jiray, addoonsi, hantidooda iyo muruqooda oo lagu shaqaysto, la dagaalan dhinaca aqoonta iyo horumarka ah, ganacsiga dibadda iyo gudaha oo aan sharciyo ganacsi la siin jirin dadka u dhashay Hawiyaha, wax soo saarkooda beeraha oo lala wareegi jiray iwm.

 

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in dadka Daaroodku ay dhismayaal waawayn ka dhisan jireen dhulka Hawiyaha si buu yiri ay ugu mulkiyaan dhulkooda, sidaasi daraadeedna aysan xaq u lahayn in loo celiyo hantidii looga qabsaday Xamar iyo meelihii kale ee lakala qabsaday dagaaladii sokeeye ee dalka. Qoraalka waxaa lagu sheegay in dastuurka hadda loo sameeyay dalka uu qodob kamid ihi xusayo in laysu celiyo hantida la kala haysto kaas oo C/qaasim sheegay inaysan jirin hanti lakala haysto.

 

Waxaa kale oo waxyaabihii uu qoraalkani xambaarsanaa ka mid ahaa in qof kamida dadka Daaroodku uusan xaq u lahayn inuu markale madax ka noqdo talada dalka Soomaaliya, isagoo si gaara u taabtay C/laahi Yuusuf iyo raadinta Madaxwaynemidiisa dalka Soomaaliya.

 

Gudigii sahaminta hubka dhigista Soomaaliya ayaa u sheegay taliyihii qoraalka u keenay inay ka xun yihiin oo aanay u socon inay u dacwo qaadaan qabaa’ilka ee ay u socdeen oo kaliya inay sahamiyaan habkii hubka looga dhigi lahaa qabaa’ilka hubaysan ee Soomaaliyeed, sidaasi daraadeedna aysan waxba ka qaban karin dacwadiisa.

 

C/qaasim ayaa qoraalkiisa u gudbiyay gudiga xilli dalka Kenya loo fadhiyo shir dib u heshiisiineed oo ladoonayo in lagu heshiisiiyo laysuguna soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee dhowr iyo tobanka sano ku walaahoobay colaadda sokeeye ee aan dhamaadka iyo guusha midna aqoon.

 

Waxaa xusid mudan in Cabdiqaasim uu mar walba ku doodo magaca Soomaaliyeed, halka uu dhinaca kalena hurinayo colaad cusub oo ka dhex aloosanta Soomaaliya.

 

Taa markii laga tagana, C/qaasim waxa uu kamid ahaa xubnihii ugu dhaw-dhawaa, uguna daacadsanaa taliskii Siyaad Barre, kaasoo ilaa iyo maalintii uu bur-buray u ahaa wasiir. Xukuumaddii ugu dambeeysay ee Siyaad Barre, C/Qaasaim waxa uu ka ahaa wasiirka Arimaha Gudaha oo ahayd wasaarad siyaasadeed oo awood badan.

 

Xukuumaddii Siyaad Barre oo ay ku dhammaayeen dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin waaweeyn ka geeysatay inta badan goballada dalka, iyada oo inta la xasuusan yahay ay xad-gudubyadii ugu weynaa loo geeystay goballada hadda loo yaqaan Puntland oo ah halka ay dagaan qaybta ugu badan qabiilka Daaroodka ee uu C/qaasim sheegay in ay dalka gumaysan jireen. Sidoo kale dhammaadkii siddeetameeyadii ayaa xad-gudubyo kale loo geeystay dhulka hadda isku bixiyay Somaliland.

 

Markii ay dhacayeen xad-gudub yadaas iyo kuwo kale oo badan sida kuwii goballada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya, Cabdilqaasim waxa uu ahaa xubin xabiib ah oo aad ugu dhaw Siyaad Barre, maantaa oo uu dalku marayo xaalad aad u qallafsan oo inteeda badan laga dhaxlay nidaamkii uu ka tirsanaan jirayna, waxa uu kamid yahay shakhsiyaadka fara kutiriska ah ee ka soo horjeeda nabadeeyntaa Soomaaliyeed ee aadka loogu baahaan yahay, taasoo baahida ugu wayn ay yu qabaa beesha uu ku nuux-nuuxsaday in la cadaadin jiray ee uu shakhsi aahan ka soo jeedo, marka la bar-bar dhigo beelaha kale ee Soomaaliya.

 

Arinku si kastaba ha ahaadee fakarkaan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay, mid ay Cabdiqaasim la qabaan siyaasiyiin kale oo isaga la hayb ah. Waayadan danbe waxaa si aan gabasho iyo maldahaadi ku jirin looga dhagaystay idaacadaha Muuse Suudi oo dadka Soomaaliyeed u kala tolay kabo iyo cabbir taasoo uu ku sheegay in qabaa’ilka qaarkii ayan xaq u lahayn in ay isku sharaxaan jagooyinka qaarkood, arintaas oo uu sabab uga dhigay in looga adkaaday dagaalkii sokeeye, hub iyo dhaqaalena looga badan yahay.

 

Inkasta oo uu Muuse Suudi jiro shirka, haddana waxa ay xaggaa siyaasadda aad isugu dhaw waayadan danbe C/Qaasim, oo uu ruuxiisa in badan ka horyimid maamulkiisa isaga oo uu kutilmaamay nin aan is-taahilin maamulka Soomaaliya, uuna ku soo caasiyay guddoomiyihiisa Xuseen Caydiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this