General Duke Posted June 10, 2007 Muqdisho: Sheekh Cali Dheere oo loo magacaabay Aggaasimaha waaxda Diinta ee Wasaaradda Garsoorka. 10. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Sheekh Cali Sh. Maxamuud (Sh.Cali Dheere) oo ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Agaasimaha waaxda Diinta Wasaaradda Garsoorka ee dowladda Federaalka KMG Soomaaliya. Sheekh Cali Dheere oo lagu xasuusto hoggaankii maxkamaddii Islaamiga ee ka dhisneyd Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu noqonayaa aggaasimaha waaxda Diinta ee wasaaradda Garsoorka iyo caddaalada. SH. Cali Dheere ayaa soo dhoweeyay xilka cusub ee loo magacaabay isagoo balan qaaday inuu xilkiisa si caddaalad ah u gudan doonoisla markaana waxaa uu sheegay in uu si caddaalad ay ku dheehan tahay ugu shaqeyn doono garsoorka iyo caddaaladda. Xiligii dowladdii Carte lagu soo dhisay ee C/qaasim Salaad hoggaamin jiray ayaa waxaa uu Sheekh Cali Dheere wuxuu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Gobolka Banaadir. Waxaa lagu xasuustaa Sheekh Cali Dheere nabadgelyadii uu ka dhaliyay Waqooyiga magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/Dhexe oo ka jirtay maxkamaddii Islaamiga ee uu hoggaamin jiray, wuxuuna Sheekh Cali Dheere uu fuliyay xukuno isugu jira dil, gacan iyo lug goysmo ah iyo xukuno kale taasoo horseeday in dadka Waqooyiga Muqdisho ay helaan nabadgelyo buuxdo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 10, 2007 Sh. Cali Dheere Oo Xil U Magacowday D.F.S Muqdisho(Calanka.com) 10-Jun-2007 Dowladda federalka Somaliya ayaa waxa ey shaaca ka qaaday in ey u magacowday agaasimaha wasaaradda Diinta iyo Garsoorka Sheekh Cali Sh. Maxamuud (Sh.Cali Dheere) oo ah sheekh si aad ah looga yaqaan dalka gaar ahaan K/Somaliya. Sheekhan oo ah ninkii ugu horeeyay oo aas-aasa maxkamad Islaami ah oo dhaqan galisa shareecada islaamka sanadii 1996 taasoo ka hirgashay W/Muqdisho kuna soo dabaashay shacabka ku dhaqan deegaanadaas nabad iyo daganaansho. Warar kale ayaa sheegaya in uu soo dhaweeyay jagada loo doortay Sh. Cali Dheere, mana jiraan ilaa iyo iminka hadal uu saxaafadda kasii daayay uuna ku ogolaanayo jagadan cusub ee loo dooray. Sh. Cali Dheere ayaa ah nin kasoo bixi kara booskan ey dowladdu ku magacowday, waxaana sida la sheegay uu kasoo qabtay jago ceynkan oo kale ah dowladii Carte ee mudane C/qaasim Salaad Xasan. Sheekha ayaa gabi ahaanba laga tuuray daaqadda marki ey talada la wareegeen Midowgii Maxkamadihii Islaamka ee ka curtay K/Somaliya sanadkii hore, waxaana ey si dadban ugu tilmaameen sheekh Cali Dheere in uu yahay nin aan waxba kusoo kordhineynin diinta iyo shareecada ey Midowgii Maxkamadaha wateen uuna aaminsanyahay Sh. Cali Dheere wax fikirkooda ka duwan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
YoniZ Posted June 11, 2007 Sheekha baangadii gacan goyska ma iska dhigay weli? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 11, 2007 loooooooool ,,,,,, waar niyow wuu duqoobayba Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted June 11, 2007 100% the guy is been bribed with fake position and promises. Re.Baangada, have you heard Awkuke's alarming encounter with this dude? Quote Share this post Link to post Share on other sites