Xudeedi Posted September 20, 2010 Maanta oo ay taarikhdu tahey 18/09/2010 waxaa magaalada London kadhacey shirmuhiin ah oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada Gobalka Hayland iyo Galbeedka Gobalka Bari. Waxaana shirka lagu falanqeynayey arimo badan oo kajira degaanka ayna ugu muhiin saneyd xaalada cakiran ee kajirta magaalada Galgala. Oo ay in mudo ahba kadhacayeen dagaalo soo noqnoqday oo dhib badan oo burbur iyo barakac ugeystey dadkii degaankaas. Hadaba jaaliyada waxaa ay soo saareen baaqan hoos kuxusan. 1: In ay dowlada puntland ay ciidamadoodu sida ugu dhaqsa badan ugala soo baxaan deegaanka Galgala arintana u daayaan odayaasha beesha. 2: Waxa kaloo jaaliyadu ugu baaqeysaa dhanka kale ee Moxammed Siciid Atom in uu uhogaansamo wixii ay odayaashu degaanka ay soo saaraan, dhowrana xasiloonida gobalka. 3: In ay heyadaha samafalka kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah ay arimo bini aanadanimo ufidiyaan dadkii mudada lagu dul dagaalamaayey. 4: In khasaarihii kadhacey degaanka Galgala oo naf iyo maal lahaaba ay masuuliyadeeda leedahey dowlada Punland maadaama ay dowladu horey ugu gacansaaytey odayaashii u istaagey waxkaqabashada howshan. 5: Waxa ay jaaliyada baaqoodi kusoo gunaanadeen in labada dhinac ay uhogaansanadaan baaqan nabadeed. Waxaa baaqan kusaxiixan dhamaan Odayaasha,Aqoonyahanada, Cuqaasha, Culimaa’udiinka jaaliyada ee hoos kuxusan:- 1 Dr: Maxamuud Shire Ismaciil (farmayeeri) 2 Eng: Maxamed siciid aadan (konge) 3 Eng: cumar cali cabdi 4 Caaqil: siciid maxamed finiin (finiin) 5 Caaqil: cali gurey dirir 6 Aqoonyahan: Khadar maxamed gaas 7 Aqoonyahan: c/qaadir saalax doonyaanle 8 Abwaan: cumar maxamuud maxamed (galdigsi) 9 Aqoonyahan: c/casiis maxamed xassan 10 Aqoonyahan: maxamed jaamac yuusuf (cudud) 11 Aqoonyahan: jaamac ismaaciil ahmed (jiis) 12 Haaruun maxamed siciid 13 Maxamuud ahmed aadan (geesood) 14 Cumar siciid maxamed 15 c/risaaq ahmed siciid 16 Dr: ducaale ciise yuusf (talyaani) 17 Aqoonyahan: xuseen shire ismaaciil 18 Aqoonyahan: maxamed nuur saalax 19 Aqoonyahan: sahal xusseen maxamuud (irbad) 20 Aqoonyahay: siciid cumar maxamuud (irbad) 21 Aqoonyahan: xuseen maxamed gaas 22 Nabadoon: cumar gaas 23 Aqoonyahan: c/rashiid maxamuud buraale 24 Aqoonyahan: cadnaan ahmed shire 25 Aqoon yahan: ahmed warsame aadan 26 Aqoonyahan c/qaadir cali halanbe 27 Aqoonyahan: maxamuud cali shire jiis 28 Aqoonyahan: siciid daahir aadan 29 Aqoonyahan: bashiir cismaan ciye 30 Aqoonyahan: khadar cali ciise (mareykan) Quote Share this post Link to post Share on other sites