Sign in to follow this  
BiLaaL

Ehelada Maxaabiis loo gudbiyay ethiopia oo walaac muujinaya

Recommended Posts

BiLaaL   

Ehelada Maxaabiis loo gudbiyay ethiopia oo walaac muujinaya

 

Mogadishu 15, Feb.07 ( Sh.M.Network) Ehalada maxaabiistii loo gudbiyay dalka Ethiopia oo dhowaan laga keenay dalka Kenya ayaa dowladda KMG ah ee Somalia waxa ay ka codsadeen in la sii daayo.

 

Ehalada qaar oo la soo xiriirey Idaacadda Shabelle, iyagoo ku sugan degmada Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda ilmaha ay dhaleen oo Ethiopia lagu xirey.

 

Axmed Max'ed Macalin Shiinoow oo ah aabaha mid ka mid ah wiilashaasi loo gudbiyay dalka Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in wiilkiisa uusan ka mid aheyn ciidamadii Maxkamadaha, isla markaana uu caawinayay dad gaari uu kula halaabay xuduuda Kenya, iyadoo halkaasi si qaldan ay uga kaxeysteen isaga iyo dadkii baabuurka uu ka heysnaa ciidamada Kenya oo u soo gacan galiyay kuwa dowladda Ethiopia.

 

Waxa uu codsaday in uu doonayo in uu ogaado xaaladda wiilkiisa, isagoo sheegay in uu ka walaacsan yahay halka lagu hayo.

 

Waxa uu baaq u jeediyay hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa caalamkaba in ay ka shaqeeyaan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista ay dowadda Ethiopia geysatay dalkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this