BiLaaL Posted February 15, 2007 Ehelada Maxaabiis loo gudbiyay ethiopia oo walaac muujinaya Mogadishu 15, Feb.07 ( Sh.M.Network) Ehalada maxaabiistii loo gudbiyay dalka Ethiopia oo dhowaan laga keenay dalka Kenya ayaa dowladda KMG ah ee Somalia waxa ay ka codsadeen in la sii daayo. Ehalada qaar oo la soo xiriirey Idaacadda Shabelle, iyagoo ku sugan degmada Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda ilmaha ay dhaleen oo Ethiopia lagu xirey. Axmed Max'ed Macalin Shiinoow oo ah aabaha mid ka mid ah wiilashaasi loo gudbiyay dalka Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in wiilkiisa uusan ka mid aheyn ciidamadii Maxkamadaha, isla markaana uu caawinayay dad gaari uu kula halaabay xuduuda Kenya, iyadoo halkaasi si qaldan ay uga kaxeysteen isaga iyo dadkii baabuurka uu ka heysnaa ciidamada Kenya oo u soo gacan galiyay kuwa dowladda Ethiopia. Waxa uu codsaday in uu doonayo in uu ogaado xaaladda wiilkiisa, isagoo sheegay in uu ka walaacsan yahay halka lagu hayo. Waxa uu baaq u jeediyay hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa caalamkaba in ay ka shaqeeyaan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista ay dowadda Ethiopia geysatay dalkeeda. Quote Share this post Link to post Share on other sites