Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy shelling kills many civilians

Recommended Posts

Wararkii ugu dambeeyay Qasaarihii ka dhashay duqeymihii cuslaa ee Muqdisho ka dhacay

 

Ku dhowaad 10 ruux ayaa ku geeriyootay 30-kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib duqeyn saf ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, kaasoo ay is weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Kooxaha ka soo horjeeda.

 

Duqeymahan ayaa si isku mid u saameysan xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana tirada dadka le'day ay noqdeen kuwo ay Madaafiicda ugu tageen guryahooda.

 

Ilaa Labo ruux ayaa ku dhimatay dhismaha Idaacada VOD oo ku taal degmada Yaaqshiid, waxaana ku dhaawacmay shan kale oo uu ku jiray Agaasimaha Idaacadaan C/raxmaan Yaasiin.

 

Sidoo kale duqeymaha kale ayaa waxay gaartay xaafadaha Suuq Bacaad iyo Jeneraal daa'uud oo madaafiic dhowr ah ay ku dhaceen, halkaasoo dhaawacyo fara badan gaadiidka Gurmadka deg dega ka soo daabulay.

 

Madaafiic ku dhacday degmada Dayniile ayaa la sheegay in ilaa saddex ruux ay ku dhinteen halka tiro kale ku dhaawacmeen, iyadoo madaafiicda inteeda badan ay ku dhaceen xaafadaha laga barakacay.

 

Duqeymaha maanta la isku weydaarsaday magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeyay kadib markii Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda ay madaafiic ku weerareen Xarunta Baarlamaanka oo shir uga socday Xildhibaanada, iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM jawaabo ka bixiyeen.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax lala eegtay Ciidan Ka tirsan DKMG ah & Duqeymo Ka dhacay Muqdsiho

 

Is goyska ceel gaabta Degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho Caasimada Dalka ayaa saaka waxaa ka dhacay Qarax xoogan oo sababay Khasaare.

 

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ciidamada Dowlada KMG ah oo halkaasi mareysay, waxaana Qaraxaasi noociisu ahaa nooca laga Hago Remudka islamarkaana dhulka loogu aasay Ciidamadaasi.

 

Qaraxa waxaa uu dhacay xili gaari Ciidan oo halkaasi marayay uu dhaafay islamarkaana uu haleelay qaraxu gaari kale oo ay dad rayid ahi saran yihiin, iyadoona ay 5 ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee Gaariga saarnaa ay geeriyoodeen halka dhawucuna yahay mid aan ilaa iyo haatan la xaqiijin.

 

Sida dad goob joogayaal ah ay ku warameen waxaa sidoo kale qaraxani uu qasaare aan badneyn gaarsiiyay ciidamadii iyagu loola damacsanaa, waxaana halkaasi ila markiiba soo gaaray ciidamo DKMG ah oo aad u farabadan kuwas oo bilaabay Baaritaano ay ku sameynayaan cidii ka dambeysay qaraxaasi.

 

Xaalada ayaa imnka ah mid degen waxaana soo laabanaya dhaq dhaqaaqa dadka ku ganacsanayay isgoyskaasi waxaase muuqanaya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ku sugan yihiin ciidan sugaya Amaanka islamarkaasina ku howlan baaritaano .

 

Dhinaca kale duqeymo ayaa saakay ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Muqdisho waxaana duqeymahaasi wax ku noqday dad rayid ah oo iyagu ay guryahooda ugu tagtay Madaafiicyada la isku adeegsanayay.

 

Madfac ku dhacay Guri ku yaala degmada hodan ayaa waxaa lasheegay in ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 3qof halka uu dhaawacay caruur ka agdhoweyd Guriga uu Madfacaasi ku dhacay.

 

Duqeyntan ayaa waxay timid marki madaafiic lagu garaacay xarunta goobolka oo ay kalfadhi ku lahaayeen Mudane yaasha Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliya taasna ay sababtay Jawaabo ay ka bixiyaan ciidamada dowlada.

 

Dadka shacabka ah ku faro tiriska ku ah xaafadaha qaar ee Muqdisho ayaa noqday kuwa dhaxla faaiidaada weeraro lagu qaado dowlada iyana ay ku soo jawaabto madaafiic ay isleedahay kaga jawaab goobaha lagaaga sooriday.

 

C/raxmaan Lucky

SBC International Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this