Sign in to follow this  
General Duke

Khartum: The talks begin, latest...

Recommended Posts

Kharduum: Magaalada Kharduum oo ay ka furmeen wada hadaladii dawlada iyo maxkamadaha.

Saturday, September 02, 2006

 

Kharduum(AllPuntland)- Magaalada Kharduum ee casimadda wadanka Sudan ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay wada hadaladii mudada la sugayay ee xukuumadda iyo Maxkamdaha islaamiga ah ee magaalada Muqdisho.

 

Shirkaasi ayaa waxaa furitaankiisi ka hadalay mas`uuliyiiin kala duwan oo ka socota Jaamacadda Carabta, Qaramad Midoobay iyo Golaha midnimada qaaraddda Afrika.

 

Franciso Fall oo ah u qaybsanaha QM ee arimaha dalka Somaliya oo ka mid ahaa mas`uuliyiintii ka hadashay wada hadaladaasi furitaankooda ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Somalida looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo dhamayn lahaa khilaafaadyada ka dhaxeeya xukuumadda Somaliya iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Waxaa soo baxayay maalmihii ugu danbeeyay rajo xumo laga muujinayo in ay qabsoomaan wajigaasi labaad ee wada hadalada dalka Somaliya.

 

Waxa ay labada dhinacba la filayaa in ay ka wada hadalaan xaaladda dalka Somaliya iyada oo maxkamaduhu gaar ahaan ay doonayaan in ay soo bandhigaan mawqifka ay ka taagan yihiin ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Somaliay.

 

M. J. Koronto

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii dhinacyada Soomaalida ee Khartoum oo si rasmi ah u furmay

 

Khartoum - 02.September.2006 Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Khartoum ee xarunta waddanka Sudan uga furmay wada xaajoodka nabadda ee u dhexeeya

dawladda federaalka Soomaaliya iyo maxkamadaha midoobey.

 

Kulankan oo ah kii ugu horreeyey ee ay labada dhinaca si kafool kalool ah u yeeshaan tan iyo bishii Juun ee aynu ka soo gudubney ayaa waxaa ajendaha wada hadalka ugu muhiimsan sida loo qaybsanayo awoodda waddanka.

 

Munaasabaddii maanta lagu furay shirka Kharoum ayaa waxaa ka qayb galay Diplomaasiyiin ka kala socda Ururradda Jaamacadda Carabta, QM, Ururka Islaamka ee IC iyo Urur Goboleedka IGAD.

 

Labada dhinacaba waxay horay u sheegeen in ay rajo ka qabaan in heshiis la kala saxiixdo.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Xasan iyo Prof Cadow oo qudbado ka jeediyay furitaanka kulanka Khurtuum.

 

 

Khartuum:-Wareega labaad ee wadaadalkaKhurtuum ayaa maanta si rasmi ah uga furmay qasriga Asdiqaa ee magaalada khurtuum,halkaasi oo ay kulamo ku dhexmarayaan wufuudda dowladda FS iyo Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed,iyadoo furitaanka shirka ay goob joog ahaayeen masuuliyiin kala duwan.

 

Wasiiru dowlaha dalka Sudan Cali Karte ayaa xarigga ka jaray shirka,iyadoo halkaasi uu ka jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlay Nabadda Soomaaliya,isagoo ku booriyay labada dhinac in ay soo afjaraan kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya.

 

Masuuliyiin ka soctay Jaamacadda Carabta,IGAD,QM iyo kuwo kale ayaa iyana halkaasi hadalo ka jeediyey oo dhamaantood ku booriyeen labada dhinac in ay heshiis ka gaaraan waxyaabaha dhex yaalla,iyagoo dibu dhis u ballan qaaday dalka hadii ay ku heshiiyaan siyaasadda.

 

Prof.Ibraahim Xasan Cadow oo horkacayay wafdiga Golaha Maxkamadaha Islaamiga ayaa halkaasi hadal ka jeediyay waxaana uu ka hadlay ololihii Golaha Maxkamadaha ay u galeen sidii Muqdisho ay uga dhigi lahaayeen goob nabdoon,isagoo sheegay in ay jecel yihiin shirka Khurtuum in uu noqdo mid wax ku ool ah oo ay kasoo baxaan natiijooyin mira dhal ah.

 

Pro.Cadow waxaa uu hoosta ka xariiqay in Muqdisho markii ay la wareegen ay awoodeen in ay ku dhawaaqaan dowlad ,balse waxaa uu sheegay in danta Shacbiga kaliya ay ka shaqeynayeen sidaasi darteedna ay aqoon sadeen xukuumadda FS.

 

Guddoomiyaha Baarlamanka oo isagauna hogaaminayay wafdiga dowladda Sharif Xasan sh.Aadan ayaa halkaasi hadal ka jeediyay waxaana uu shaaciyay in dowladda FS ay diyaar u tahay in ay wax la qeybsato Golaha Maxkamadaha,isagoo sheegay in ay yihiin dowladda sharciga ah,isla amrkaana aysan inkirsaneyn horumarka Maxkmdaha ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

 

Shariif Xasan waxaa sidoo kale uu sheegay in loo baahan yahay in laga hormariyo danta shaqsiyadeed tan guud ee shacbiga Soomaaliyeed,isagoo xasuusiyay labada dhina in ay gacamahooda ku jirto danta guud ee umadda Soomaaliyeed.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,Khartuum,Suudan

Share this post


Link to post
Share on other sites

maxkamadaha oo la filayo in la soo hor dhigo Jagooyin ay ka qabtaan Dawlada Federalka Somaliya

Posted to the MOL September 2, 2006, 10:38 am

 

 

Khartuum:- Sida ay qortay shabakada Sudantribune, dowladda federaalka kmg ee Soomaaliya ayaa waxaa laga yaabaa inay u bandhigto maxkamadaha Islaamiga inay jagooyin ka qabtaan golayaasha dowladda si ay ugu soo biiraan dowladda federaalka.

 

Maxamuud Sayid Aadan wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo u warramay wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay midka ay dowladu kula shir tegayso gogosha kulanka Khartuum.

 

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu intaa raaciyay in maxkamaduhu ay yihiin hal qabiil isla markaana ay dowladu u ogoshahay inay yeeshaan cadka ay ku leeyihiin dowladda kmg ah iyadoo la marayo 4.5 habka ay Soomaalidu wax ku qeybsato.

 

Lama oga sida ay maxkamaduhu u ogolaan doonaan qorshahaasi, hase yeeshee Sheekh Daahir Geelle oo ka tirsan wafdiga maxkamadaha ee ku sugan magaalada Khartuum ayaa sheegay in laga wadahadli doono kuraasta iyo jagooyinka ay yeelan doonaan maxkamadaha Islaamiga.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this