Emperor Posted May 10, 2009 Muqdisho:Madaxweynah a Somalia oo dagaal ka dhan ah mucaaradka ku baaqay 10. maj 2009 Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho(AllPuntland )-Madaxweynaha dawlada Somalia shariif sheikh axmed ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah mucaaradka marki uu saaka la kulmay Wasiirka amaanka ,saraakisha ciidamada xooga dalka iyo kuwa Police-ka . Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka waxaa uu ku sheegay in dawladu aysan dulqaadan Karin wixi hada ka dambeeya , waxaana uu iclaamiyey dagaal ka dhan mucaaradka oo idil . Baaqa madaxweynaha uu dagaalka ku iclaamiyey kadib ayaa waxa dagaalka ku soo biiray Ciidamada dawladii hore ee lagu soo tababaray Ethjopia iyo kuwo dhawaan ka lagu soo c arbiyey bdalka Uganda oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 1000 Askari , waxaana hor kacaya saarakishooda. Ciidamadaan ayaa waxaa la arkay iyagoo jooga safka hore dagaalka degmada Yaaqshud iyo aggarka saldhiga wardhigley . Baaqa maadxweynaha ayaan la ogeyn waxa uu ka badalayo dagaalak oo galay maalointiisi afaraad Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 10, 2009 Muqdisho:Xasan Dahir oo sheegay in uu dagaalka ku soo biiray 10. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Xasan Dahir Aweys hogaamiyaha mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in uu ku soo biiray dagaalka oo uu la soo saftay xooagaga Al-Shabab. Xasan Dahir ayaa sheegay in dagaalka ay ku qasbeen in uu soo galaa dawlada somalia oo uu sheegay in ay weerareen sida salshigyada wardhigley iyo tawfiiq oo ay daganayeen ciidamadiisa. Xasan Dahir ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka lagu soo qaaday uu ahaa mid la soo qorsheyey maadama lagu soo beegay xili ay nabadeyn ku jireen. Xasan Dahir ayaa sheegay in ciidankiisa ay dhankooda is difaaceen isla markaana iyaga weerar lagu soo qaadayy, waxaana uu sheegay in dagaalka markiisa hore lagu qaaday Xoogaga Alshabaab oo fikir ahaan aan is raacsanahay. Hadalka Xasan Dahir ee ah in uu dagaalka ku soo biray ayaa noqoneysa mid sii cusleysa awooda xooagaga mucaradka. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites