Sign in to follow this  
General Duke

President and PM hold talks to resolve conlict between the clans of HOBYO

Recommended Posts

Gaalkacyo: Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo maanta kulan gaar ah la yeeshay Duqayda labo Beelood oo dagaalo gaystay dhimasho ka badan 100 ay ku dhexmarayeen mudooyinkaan gobalada Mudug iyo Galgaduud

- Tuesday, March 01, 2005 at 15:14

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawladda Federaalka kumeelgaarka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed , Raysulwasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigooda oo ay weheliyiin masuuliyiinta Puntland oo uu horkacayo madaxwaynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland mud. Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa kulamo waqti dheer qaatay la yeeshay maanta beelaha daga xaafadda wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkayco iyo beelaha daga degmada Cadaado ee gobolka Galguduud .

 

Wadahadaladan ayaa waxay ujeedadoodu ahayd sidii madaxda Soomaaliyeed iyo kuwa Puntlandba ay ugu qayb qaadan lahaayeen sidii ay u baajin lahaayeen colaado aan wali si rasmi ah loo soo afjarin oo dhexmarayay mudooyinkaan dambe labadaas beelood oo daga gobolka Galguduud iyo Mudug.

 

Masuul ku hadlayay magaca odyaasha koonfurta Gaalkayco oo lagu magacaabo Imaan Cal Jiiroow ayaa ku nuux nuuxsaday inay maanta beelaha ku dhaqan gobolka Galguduud iyo Mudug ay haystaan fursado qaali ah oo ay ku nabadaynayaan beelaha daga gobollada Galguduud iyo Mudug.

 

Wuxuu ka codsaday dawladda Federaalka ah inay go'aan cad kaqaataan sidii colaadahaasi ay dawladdu wax uga qaban lahayd isla markaana ay arintaasi usoo afjarmi lahayd.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka go'antahay inay colaadahaasi joojiso , inkastoo dawladdii aysan wali caga dhigan dalka Soomaaliya dalkana loo raadinayo ciidamo shisheeye oo maleeshiyaadka oo dhan hubka ka dhiga ayayan si dhaqso ah u suurtoobi karin in dawladdu ciidan ahaan tallaabo qaaddo ay ku joojinayso dagaaladaasi ayuu yiri madaxwayne C/laahi Yuusuf.

 

C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu intaasi ku daray in dawladdiisu ay guddiyo u magacaabayso xaaladaha ka jira gobollada Mudug iyo Galguduud , wuxuu ka codsaday madaxwaynuhu beelaha dagalaamaya inay joojiyaan colaadda oo ay gacmaha is qabsadaan maadaama xilligan lagu jiro xilli dib u heshiisiin oo dib loo dhisay dawlad Soomaaliyeed, Ra'iisal wasaare Cali Maxamed oo isna ka hadlay goobtaas ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in la joojiyo dagaalada beelyada, isagoo markaas ka hadlayay dagaalada labadaan beelood ayuu sheegay dawladiisu ayan waxba kala harayn siday dagaaladaas iyo kuwa la mid ahiba u istaagi lahaayeen.

 

Madaxwaynaha Puntland Mud. Maxamuud Muuse (Cadde) ayaa asagu ku nuux nuuxsaday in Puntland ay hawl adag oo heshiisiineed ka qaban doonto dagaaladaasi hawshaasi oo ku saabsan qorshayaal nabadeed, wuxuuna sheegay inay qorshayaalkaasi ay si rasmi ah u bilaaban doonaan marka uu muddo shan casho ah ku maqnaado magaalada Garoowe oo uu ballamo ku leeyahay.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this