Suldaanka Posted June 14, 2005 Reer Burco oo Hawd U caana doontay :ka dib barwaaqadii guga Burco(ONN)Guud ahaanba istaamada baaburta hawdka laga raaco ee malaagada burco ayaa ceeryoon ah , waxana laga yaaba hadaad u baahato in aad safarto in aad gaadhiba waydo qiyaas ahaan maalin walaba waxa istaankaa ka baxa ilaa 20 gaadhi oo u safraaya hawdaka gobolka togdheer waxa la yaab igu noqotay shalay markaan arakay sadex gaadhi oo ah nooca xamuulka qaada ee ay reer burco u yaqaanaan ( waraadka ) oo taagan saldhiga dhexe ee magaalada burco , sababta keentay saldhiguna waxa weeye , dacwada uu ka ashtakoonaayay darawalka wataa baaburtaasi dadka sara gaadhiga , waxana aan maqlaayay dharawlka oo askarta ku leh " gaadhigu uu buux dhhaafay ee dadka iga kala dajiya ma qaadi karaayo intaas oo dad ah " , dadka uu ka cabanaayo ninkan daralawaka ah oo u badnaa dhalinyaro guud ahaanab dadkii reer burco ee magaalada ba buuxaya xabadi kama joogto sababtuna wxaa weeye , dadkii oo dhamaantood u caano doontay miyiga , gaar ahaan hawdaka tobolka togdheer magaaladada ayaa aad looga baxay guri kasta oo ka mid ah magalada burco waxa ku hadhay laba qof ama sadex qof dadka intiisa kale oo u badan dumara iyo caruur waxa ay u booqasho iyo caano doonteen , miyiyada oo dhamaantood hada naftu ku raaxaysanayso , barwaaqo iyo raxmada ALLE awogood makhaayada kasta iyo goob kasta oo dadku isugu yimaadaan magaalada burco waxa aad maqlayasaa su.aalahan : " waar mee nin kii hebel ? . dee waakii caano doontay " waxa intaa dheer inta hada hadal haysa , barwaaqada ayaa waxa ay ku soo beeganatay dad badan oo ka yimid qurbaha iyo gobolada xeebaha ool soo xagaa baxay iyo waliba fasaxyadii schoolada " waxa aan qabanayaa( xalxalis iyo doonbiralay) , waana aan ku faraxsanahay in aan soo arko iyaga oo barwaaqo ah , waxana aan aad u xiisaynayaa geelayaga dhalay " sidaas waxa yidhi , muxiyadiin cali raage , 7. jir ah oo aan maanta kula kulmay istaanka laga raaco baabuurta u baxda magaalada gaashaamo, Nimco ciise . waa gabadh 17 jir ah , waxana ay iiga waranta sabatay ay u safrayso iyo xaga ay qabanayso , iyada oo markaa ku sugan istaanka laga raaco baabuurta u baxada degmada Oodweyne , " walaal foosi ( tifatiraha ONN)waxa aan aad u xiisaynayaa in aan soo arko banka TUUYO oo aan maqlo uun oo aanse waligay aragay , waxana halkaa degen ayayday , waxana aan doonayaa in aan soo daawado barwaaqada guga iyo xoolaha dhalay , waxana aan ku maqnaanayaa inta uu schoolka yaga maxadku fasaxa yahay " Nin aanu saxiib nahay oo reer burco ah oo la yidhaa axmed xasan aadan , ayaa waxa uu xalay igalada soo hadlay degmada Oodweyne , waxana uu ii sheegay in uu usii kici timi doono dhanka tuulada cali faarax ee degmada odweyne , isga oo daraad tegey Oodweyne , galabata mar aan booqday istaanada baabuurta ayaa wxa aan qiyaas ahaan arkay ilaa 32. gaadhi oo u baxaaya , hawadka magaalada burco sida , gaashaamo , duruqsi, ina nuurmuuse, cadaada,jeelaylaaye , ramaale iyo dhamaan dhulka baaxada weyne ee loo yaqano hawdka hasa ahaate , magaalada burco waxaasa oo dad ah may san tabin , waxana magaalada, burco maalintii abaara 11:00 aad meel aad ka marto waayaysa, dad badankoodu ka yimid miyiga oo magaalada keenay xoolo iyo caano , saylada xoolaha ee magaalada burco ayaa iyadu hada ladan waxana, ay adadkan badan ee reer miyiga ahi ay sare u qaadeen ganacsiga magaalada burco , hasa ahtee arintaasi waxa anu kaga hadlki doonaa barnaamij ay shabakada ONN hada gacanta ku hayso hawdka oo hada si la yaab ah u barwaaqoobay , ayaa waxa ka dilaacday kaneeco aad u badan taas oo wara war ku haysa dadka u booqasho iyo caana doonanaanaya xiligan , waxana aay arintaasi sababtay in ay dadku sii miistaan kiniinka ka hortaga kaneecada foosi saleebaan odwayne.com Burco s/land Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted June 14, 2005 waar maxaad leedahey warya? :mad: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted June 14, 2005 ^^ Northerner, goorma ayaa dalkii siiba Togdheer kugu danbaysay? Quote Share this post Link to post Share on other sites