Sign in to follow this  
Saalax

Breaking News - 123 ONLF killed in Deegaanka Shabeelleey inside Ethiopia

Recommended Posts

Dadka maanta Xabashi u sacabtumaayo, ha ogaadaan inay Xabashi kala jecleen xasuuqa ay xasuuqdo Soomaalida, ha ahaato tii Boorame in '84, tii Xamar in '07 iyo xasuuqaan hadduu run yahay.

_________________

 

borama1.jpgborama3.jpgborama2.jpg

 

borama4.jpgborama5.jpgborama6.jpg

 

borama7.jpgborama7.jpg

 

Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984

 

Xabashidu (Janaayo 30, 1984) weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu u dhaxaysay 6-14 sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka...

 

Marka hore waxaan ku bilaabayaa magaca eebe ee naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahaaneed.

 

Hadaba, hadaan u gudbo ujeedada igu dhalisay dhanbaalkayga, amaba aan gudagalo ayaa waxay tahay in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii fogaanayso colaadii sooyaalka ahayd ee u dhaxaysay shacabka soomaaliyeed iyo xukuumadaha xabashida, Waana taas aan maanta u cuskaday qalinka, jecelna inaan daaha ka qaado taariikh aan marnaba duugoobikarin oo arimahan uun la qotonta in kastoo aanan jeclayn inaan diirqaado naburro gaamuray dibna u xasuusiyo shacabka iyo eheladii dhibanayaasha, balse ay tahay dhacdo xusid mudan oo qudhaydu habeeno ka laddi waayay.

 

Waayo ummad kasta oo uunkan ku nooli waxay leedahay dhacdooyin taariikheed oo soo jireen ah oo ay ku dhaataan ama ay ka dhiidhiyaan, waana laba midkood uun,

 

1. taariikh xambaarsan badhaadhe iyo himilooyin wanaagsan oo la hantay.

2. taariikh xambaarsan tiiraanyo, dhiilo ama dhacdo xusuus reeb xun leh .

 

Haddaba dhacdooyinkan is huwan ayaa badanaaba waxa weeleeya maskax kastoo caafimaad qabta taasi oo ku dul suntan, raad-raaca taariikheed ee jiilba jiil uga sii taariikhoodo, arinta aan ugoleeyahay ee aan ubanbaxay wax kaqoristeeda islamarkaana aan ushanqadhiyo dhalinta facayga ah ee gayiga degan ayaa ah, akhristow raad-raaca taariikhda ee guunka ah oo maanta si urugo iyo naxdin leh u xusaysa bar-baartii, ubixii, sida xun ugu riiqday weeraradii waxshiga ahaa ee aan lookaala aabo yeelin ubax iyo xaamilaba.

 

Hadab bulshoweynta reer Awdal yaa ah bulsho ehel u’ah ilbaxnimo iyo aqoon **** dheeraatay, isla markaan ku dhaadata taariikh guun ah oo soo jireen ah, waxaaana taasi marag ma doon u ah ilbaxnimadii Adal iyo sooyaalkii soomaaliyeed ee kahaqaaday guud ahaan Awdalta maanta taaso ahayd boqortooyo awood cudud iyo ilbaxnimo gaadhay oo xukunkeedu gaadhsiisnaa ilaa shawa(Ethiopia) taas oo la odhankaro waa halka ilbaxnimadii soomalidu ay ka soo dhab qaadatay .

 

Hadaba hadii aan ugudo galo dhacdan naxdinta leh ayaa waxay ubilaabmaysaa sidan hoose.

 

Amintu waa goor barqa ah abaaro 10:30 AM, bishii janaayo 30keedii, 1984 kii waana maalin farxad iyo rayn-rayn badan ay dadkuna faras magaalaha Boorama (xarunta iyo caasimada gobalka Awdal) ay tuganyihiin oo raxmaad iyo nimcada illaah ku mashaqeeyay taasi oo ay dheerayd jawi bilan oo ay weheliyaan neecaw iyo reexaan udug badan oo ka soo dhabanaayay dhinaca buuralayda iyo xeebaha gobolka.

 

Laakiin nasiib daro waayahan faraxa badan u mayna hiilin shacabkii u sacabotumaayay ee u heelanaa, Kadib markii 6 diyaaradood oo nuuca dagaalka ay ka soo gudbeen dhinaca xadka xabashida kuwaas oo bartilmaameed rasmi ah ka dhigtay ubax aan waxba galafsan oo duruus ujoog ku ahaa dugsiyadoodii. Deegaamo xaafadeed iyo xarumo ganacsiba, gardaradaa aan geedna lagula soo gaban ayaa waxaa ku galbaday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin kuwaas oo sixun u dhaawacmay ,waxaa kaloo dadka ku nafwaayay kamid ahaa afar hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka ag dhawaa dugsiyadaasi sida xun loo weeraray (ataagay).

 

Markasoo ay bulshada caalamkuna ay ku mashquulsanaayeen waa xiligaasiye ka badbaadinta dhalaanka nafaqadarada, macaluusha, xanuunada iyo cidhibtirka jahlinimada, ayay xukuumada xabashiduna ay awoodeeda ku tijaabisay ubad soomaaliyeed oo birimagayda ah ,shikina kuma jiro in xukuumadaha xabashidu ay yihiin xoog u taagan bur-burinta shacabka iyo bar-baarta uhanaqadaysa gayigan.

 

Anaga oo kuhadlayna magaca bulshaweynta reer Awdal iyo eheladii dhibanayaasha ayaan ugu baaqaynaa dadyowga nabada jecel in aydhinac uga soo jeestaan ficilada xun ee ay cadaysteen xukuumadahasi xabashidu, arintu sikasta ahaatee dhacdadani waxay fariin ugudbinyasaa bulshoweynta soomaliyeed in ay cadowgooda u foojignadaan waxaana la, arkaa in dhinbiilihii hore ay wali dhab holcinayaan , inkastoo xasuuqaasi naxdin we-wel iyo tiiraanyo ku sogootiyay bulsho weynta reer awdal hadana waxaa xusid mudan in ayna cidna ****oli Karin ubax soo foodhacaaya!! .

 

Balse su’aasha la isweyndiin karo ayaa ah intee ayuu leekaa taageeradii ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdani ku hafsatay ?

 

Jawaabta ayaa ah mid cad dadka inta badana ay aaminsanyihiin in wax gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi helin ,balse wax uun lagudboonaa dowlada in ay shicibaka ka difaacdo duqaynta arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin ,waan taas ta sobobtay in uu wax kooban noqdo taageeradii ay bulshoweynta reer Awdal uqabeen xukuumadii xilligaasi.

 

Iskusoo wad xooriyoo hada waxaa lataaganyahay xiligii dhibanayaasha lagu xusilahaa taalo laga dhex qotamiyo faras magaalaha caasimada gobolka ee Boorama, si aan maanka iyo quluubta ugu hayno ubaxaasi inaga baxay dhamaanteen ,waayo bulsho kastaa waxa ay leedahay calaamad ay kuxusuusato dhacdooyinkan nuucan oo kale ah.

 

Gabo-gabada iyo gunaadka qalinkayga urugo qormaaya kuna hadlaya magacayga iyo magaca dhalinta reer awdal iyo magaca qoysaskii dhibtu gaadhay ayaan waxaan tacsi tiiraanyo leh ugubinaynaa dhamaan bulshoweynta reer awdal meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibadba iyo guud ahaan bulshoweynta soomaaliyeed ,taariikhduna way xusi ubaxaasi saxiibadayo ,wehelkayo,kuwaas oo nala qoondaynlahaa dhabada nolasha waxaase hubal ah in ay rabi ku galaday janatu firdowsa naxariisna, ay hugooga noqotay dhamaanteen allaah raxmaanka ahi samir iyo iimaan ha inaga siiyo aamiin.

Magacyada iyo da'da ay jireen masaakiinta la xasuuqay inta ka arag

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by Jacaylbaro:

^ ^ Clan minded .........

 

is SOMALIA a clan ?? ,,, I'm talking the Somalians adeer like you,
maadeey
, and so on ...

See ahaantaa sxb?, Soomaalidoo [reer koonfur] dhan miyaa idin leysay?, maxaase iska galay Soomaali is leysay (1988) & Soomaali (ONLF) ay laayeen (Xabashi), labadan yar-yar ee waxan yaq-yaqsiga leh halkan la jooga warkooda cambaaree hadda!, Zaylac iney ka soo degeen iyagoo waddankooda u socda, cadaw kalena la dagaalaya miyaa ku dhibeysa! Caku & Qabyaalad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ JB is out of order. :D Even Sayid Qardhowi's Pirate Morgan picture was nothing but banter between us, and nothing sinister. Contain yourselves folks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Dadka maanta Xabashi u sacabtumaayo, ha ogaadaan inay Xabashi kala jecleen xasuuqa ay xasuuqdo Soomaalida, ha ahaato tii Boorame in '84, tii Xamar in '07 iyo xasuuqaan hadduu run yahay.

 

mise hadaan taas soo qaado cuqdad baa i haysa ? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

schimmio!

 

Thread'kan waa disgusting! beyond belief. Raggii iney wax ka qabtaan la rabayna waxay eryanayaan magac qabiil, xataa hadduu map ku yaallo!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AfricaOwn:

We do not believe you man
;)
.

my words were not for you - but for Jaceylbaro -

you are also entitled to your believe – as I am entitled to believe that you are simpleton blinded by cuqdad.

 

JB – wasn’t it you who was said to: “Cuqdadda iyo waxaan kugu jeclahay camal xumaan taase”? and now that I have given you my answer what is your response? are you still cheering for massacre of your fellow somalis and muslims - becasue certain members of that clan once part took in the massacres that were committed in the 1980s?

 

Ayoub – thanks – I guess certain people can not distinguish what is banter and what is bad?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

This was a silly thread until the do-gooders (Sayid) and the fake Somali lovers (inta kale) arrived. Now it's just hilarious. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

This is too funny walee...kkk.

 

123 troops killed from ONLF is just wishful thinking.Somalilanders are using this fake news report from Ethiopian stooge Cabdi Ilay to cover there embrassment.Which is telling of there stance.Ethiopia has been looking for excuses to directly infiltrate Waqooyi affairs now they have a very fine one, soon there will be an army base in Seylac and lughaye kk

Share this post


Link to post
Share on other sites

B – wasn’t it you who was said to: “Cuqdadda iyo waxaan kugu jeclahay camal xumaan taase”?

Hablahaan la hadlayay dee ,,,, anigu ba gabadh baad ahayd ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Subxnallah, I HOPE it is NOT true!!! 123 people (Somali, Muslim or NOT) Just people is far too much, the fact they are Somali and Muslim makes it worse. It is a targic and shameful event!!!! Progress is settling conflict with the least number casualty. When did we get to the stage of boasting about the number of dead people as if it is a good thing? Acudubililah.

 

One day Somalis will understand that KILLING another human being is NOT something to be happy or boast about.

 

Silly thread and the responses of 90% of the people here shows twisted logic. :eek: Some are saying BUT it was NOT you who killed and you needed help, you should have done it like us, while the other is saying, yes yes it was us and they deserved it. Seriously have some shame, xabashada qoota.

 

Allah how naxriisto wiixi diintiney and may allah protect and save wiix hadey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this