General Duke Posted May 15, 2007 “ Kulanka ayaa lagu soo gabageeyey in dowlada la taageero wixii dhibaato ah ee beesha dhextaalana la dhameeyo mas.uuiyiintaa halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa Iimaam Maxamed Axmed Yalaxow (Maxamed dheere). gudoomiye ku-xigeenka golaha guurtida iyo dhaqanka iyo dib u heshisiinta wuxuuna ku gaabsaday hadii ay jiraan wax cabasho ah ama dhaliil laga qabo xaga dowlada in ay odoyaasha dhaqanku uga danbeeyaan xildhibaanda beesha iyo wasiiradda oo uu sheegay in ay yihiin kuwo ay ku kalsoon yihiin bulshada karanle C/qadir Nuur Caraale oo ah wasiirka beeraha ee dowlada fadaraalka KMG somaliyeed oo guntii iyo gabagabadii halkaa kala hadlay xubnaha beesha ee shira ka soo qeyb galay wuxuuna si faahfaahsan uga warbixiyey kulankaa wuxuuna sheegay in shirkani uu ku soo aaday xili lagu gudo jiro dagaal ahli ah oo dhibato badane geystey uu ka dhacay magaalada muqdisho wuxuuna intaa sii raciyey in shirkani yahay fursadii ugu horeysay ee ay isla helaan xubnaha ugu muhiimsan ee beesha sida xubnaha dhaqanka ,siyaasiyiita ,in ay wada kulmaan isla markaana ay ka wada hadlaan arimaha danta u ah beesha karanle iyo sidii ay beeshu ula jaanqaadi laheyd dowlada fadaraalka KMG somaliyeed , C/qadir nuur caraale wasiirka beeraha ee dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites