Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sh. Aweys Vs Ahmed Madobe

Recommended Posts

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta sheegay in Sheekh Axmed Madoobe oo ka tirsanaa Ururka xisbul Islaam uu heshiis la galay dowladda KMG Soomaaliya iyo Kenya.

 

Kadib shir jaraa’id oo uu maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay hogaamiyaha Ururk xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir aweys ayaa waxa auu kaga hadlay arimaha gobolada Jubooyinka oo mudooyinkii dambe ka jireen xiisado u dhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamo uu horkacayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

 

Waxaa uu sheegay hogaamiyaha Xisbul Islaam in ay ka warheleen in Sheekh Axmed Madoobe uu heshiis la galay dowladda KMG iyo dowladd Kenya isagoo intaasi ku daray in ay ku heshiisheeye in gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay difaacdaan, waxaana uu sheegay in Ururka Xisbul Islaam arintaasi ay ka hortagi doonaan.

 

Sheekh Xasan Daahir aweys ayaa sidoo kale waxaa uu wlaaac ka muujiyay Ololo uu sheegay in ay ka socdaan dhowr jiho kuwaasi oo uu sheegay in ay wadaan Ethiopia Kenya Uganda iyo Burundi isagoo ugu baaqay dhamaan dowladahaasi in ay faraha kala baxaan arimaha Soomaaliya.

 

Hogaamiyaha Xisbul Islaam sheikh Xasan Daahir ayaa waxaa uu ku hanjabay in hadii dowladahaasi ay faraha kala bixiwaayaan arimaha Soomaaliya uu dabka hadda ka jiro Soomaaliya uu gaari doono meelo ka baxsan Soomaaliya, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku dhaliilay inaysan aqoon danahooda waxaana uu ugu baaqay in ay qaataan wax walba uu u dan ah.

 

Dhawaanahaan ayaa waxaa gobolada Jubooyinka ka jiray xiisado u dhaxeeyay Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo Ciidamo uu horkacayay Sheekh Axmed Max’ee Islaam (Axmed Madoobe) kuwaasi oo isku heystay gobolada Jubooyinka iyadoo dhowr jeer oo hooranna Ururka Xisbul Islaam ay sheegeen in Sheekh Axmed Madoobe uu ka tirsan Ururkaasi Xisbul Islaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this