Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Union of Somaliland Journalists (USJ)

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-08-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland [union Of Somaliland Journalists [uSJ)]oo kulmindoonta dhamaan Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala kuwa Madaxa-banaan iyo kuwada Dawliga ahba ayaa maanta si rasmi ah loogaga dhawaaqay Caasimhada Hargeysa,isla markaana Xadhiga lagaga jaray Xafiis Cusub oo ay furteen, taas oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen, Gudoomiye Kuxigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo], Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Maxamed Ismaaciil Bulaale, Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac [Gaariye], Xubno Ka Socday Mareegta Somaliland, Masuuliyiinka ka socotay komiishanka doorashooyinka, Suxufiyiin tiro badan, iyo Marti-sharaf kale.

 

Gudoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh ayaa sharaxaad ka bixiyey u jeedada iyo hadafka keenay in la sameeyo Daladan guud ee kulmindoonta dhamaan Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala, isla markaana isaga oo ku sababeeyey inay asaasida Dalladan ay keentay sababta loo asaasay ahayd xoojinta iyo ka midho dhalinta baahida loo qabo.

 

Waxa kale oo uu ka waramay kaalintii lama huraanka ahayd ee ay saxaafada Madaxa-banaan ka soo qadatay yagleelidii sees adag oo ay nabada Somaliland ay yeelato.

 

Gudoomiyaha Dalada Midowga Suxufiyiinta Somaliland ee USJ Cabdilaahi Maxmed Daahir [Cukuse] Iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa xubnihii dedaalka u galay sidii ay Daladani I dhismi lahayd, ayaa waxay sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta Ururkan, isla markaana sheegay inay Daladani noqondoonto mid gabood difaaca u noqondoona Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala.

 

Waxay Cadeeyeen inay Daladan ay ku midoobeen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo isagu hore u jiray iyo Ururka SSJW, Ururka WIJA oo ay haweenku leeyihiin iyo Ururka Mareegta Internetka Somaliland.

 

“SOLJA iyo SSJW waxay isku si u wada arki waayeen xeerkii ay xukuumadu u samasay Saxaafada oo dee waad garaysnaysaan oo Maandeeq iyo Haatuf isku si ugu wada qancimaayaan xeerka Saxaafada loo sameeyey” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

 

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in baahi aad u weyn loo qabay in la abuuro Dallad ay ku midoobaan Ururada saxaafadda Somaliland,isla markaana wax weyna ka tari-doonto baahiyaha suxufiyiinta iyo saxaafaddaba,

 

Gudoomiye Xasan Suldaan waxa uu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan mahadnaq usoo jeedinayaa dadkii fikirkan wanaagsan ee Dalladdan suxufiyiinta ee halkan lagaga dhawaaqayo keenay iyo intii isku xil qaantay ee fikradan lahayd.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ Waynu ognahay faa’iidooyinka ay Dalladuhu leeyihiin maanta. Haddii aynu nahay reer Somaliland waxaynu kasoo ka ban-la’anahay inqilaabkii Daladii Xuquuqal Iinsaanka ee SHURO-NET lagu sameeyay, waxaan idiinku hambalyaynayaa dalladan oo aan arkayo in ay dhamaan saxaafaddii madaxa banaanayd ay u dhan tahay. Xeerka ay soo saareen Baarlamaanku ee loogu tala galay saxaafadda madaxa banaan waxa uu damaanad qaadayaa suxufiga madaxa -banaan oo uu ilaalinayaa xaqiisa gaarka ah, dalkeenuna waxa uu maanta halkaasi kusoo gaadhay xorriyada oo aynu muddo dheer usoo halgamaynay oo ay kow ka tahay xorriyatul qawlku”.

 

Md. Xasan Suldaan oo ka hadlayey Dhibaatada Saxaafada Somaliland ku gedaaman waxa uu yidhi “Anigu waxaan ka marag ahay habeenkii marka aan soo maro inamada joornaalada qoraa xilliga ay magaalada dhex socdaan qof binI’aadam ahi ma dhex socdo, xilliga dadka kale hurdada macaan ku jiraan way shaqeeyaan, tamar iyo maskax ayaa ka baxda, wax dheef ah oo ay ka helaana ma jirto, halgan ayaad ku jirtaane Illaahay ha idinka jisaa’i siiyo.”

 

“Xukuumadaha Afrikaanku ma jecla saxaafadda madaxa-banaan hagar daamooyin badana way idin gaadhsiiyeen sida xadhiggii Weriyaashi Haatuf oo kale, ta aad kaga badbaadaysaana waa Dalladdan aad samaysateen oo aad gacmaha isku qabsataan wixii tafaraaruq ahna aad iska ilaalisaan”.ayuu yidhi Xasan Suldaan.

 

Xog-hayaha Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad iyo aad u soo dhawaynayaan xisbi ahaan Dalladdan oo ay shaambadaynayaan, codkoodana siinayaan,sidoo kalena wuxuu ka waramay doorka ay saxaafadda Somaliland ay ka soo qaadatay dib-u-dhiska dalka, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay ugu-na hanbalyaynayaa cid kasta oo kulankan suurta-galisay, waxaan qabaa in ururo hore ay jireen Daladuna way timid halkana kamay sheegin wax is qabad ah oo muran ah oo dhex yaala Saxaafada,halkaa markaan waxaanu ka fahmaynaa inay ururadu badanayaan,Daladuhu badanayaan taasina ay keenayso taran. Waayo saxaafadii ayaa ballaadhatay oo badatay, horumarkii ayaa ballaadhay waxaanan taa ku macnayn karaa guul.”

 

“ Waynu ognahay halkay saxaafadu ka soo bilaabantay maantana halka ay marayso waynu wada aragnaa, saxaafadu waxay ka mid tahay oo aan hubaa in ay tahay tiirarka waa-weyn ee dalkeenu iyo dawladdnimaduba ay ku dhisan tahay door-wayna way ka soo qaateen, saxaafadu marka ay doonto ayay dumisa ta Xamar oo dalkeedii dumisay oo isku *** ka shaqaynaysa iyo reer iyo reer Hebel oo ay qoraan.” Ayuu yidhi Bulaale.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Bulaale sidan“ Saxaafadu dumis iyo dhisid labadaba way tahay, waxaan aad ugu mahad-naqayaa saxaafadeena oo ilaa markii ay bilaabantay dhismaha ka shaqaynaysay. Haddii aad Daladan samayseena waanu idin raacsanahay codkayagaanu siinay, shaanbadaanu saarnay”.

 

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] oo isna ka hadlay munaasibaddii lagaga dhawaaqayay Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland [union Of Somaliland Jornalistis (USJ)) ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ku dhawaaqida Dalladan, Xisbi ahaana ay soo dhawaynayaan.

 

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu ka waramay duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiintu taasi oo uu ku tilmaamay mid naf-hurnimo ah oo ay ugu shaqeeyaan dalkooda iyo ummadooda, waxaanu xusay in ay kala kulmaan xukuumadda tacadiyo ay ka mid yihiin xadhig, cabudhin iyo caga juglaynba,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xafladan ka soo qayb gallo, Dalada Saxaafada madaxa banaan ee qaabkan cusub maanta halkan uga abuurmay.”

 

Isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “ Taariikhda ay soo martay saxaafada Somaliland iyo kaalinta ay ka soo qaadatay dhismaha dalka ee xoriyatul qawlka iyo hanuuninta ummada iyo dhibaatooyinka iyaga laftoodu ay soo mareen ee leh Xabsi, xadhig, cabudhin iyo cadaadis way soo martay,”

 

“Waxa laga yaabaa in marka saxaafada laga hadlayo meeshay ka soo jeedaan ay iyagu wax ka arkaan. Waxaan tilmaamayaa in saxaafada Somailand iyada oo dadka ka shaqeeyaa oo aan run ahaantii is-waydiiyo dhibta ay ku nool yihiin iyo noloshoodu sida ay u adag tahay iyo naf huridd badan ay ku jirto hawsha ay hayaan,”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo

 

Gudoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi “Waxaan qabaa imika inay saxaafadeenu ku shaqayso si xilkasnimo ah odhan maayana sidaa u shaqeeya. Waxaan aaminsanahay cidda ugu badan ee la dagaalanta ee ka hor timaada waa maamulka xukuumada ee jirta waana iska caadi in xukun kastoo jira dunida iyo saxaafadu ay kala gooni yihiin, waana laba laamood oo loogu tallo galay inay is ilaashaan.”

 

Mar uu Axmed Siilaanyo la hadlayey Saxaafada Somaliland waxa uu yidhi” Waxaan ku guubaabinayaa saxaafada oo aan leeyahay mar walba wakhti walba iyo goob walba wixii waajibkiina ah ee xilkiina ah ee ka muuqda geedi socodka nolosha ama ka dimuqraadiyada iyo dhaqaalaha, waana waajibkiina ee una adkaysta oo ku dhiirada”

 

Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay Golaha Wakiilladu meel-marinayn xeerka Xakamaynaya Saxaafada ee ay Xukuummadu u soo gudbisay Golaha Wakiillada

 

Waxaanu Gudoomiye Kuxigeenku Canbaareeyey Saxaafada ay Xukuumadu maamusho, taas oo uu sheegay inaan laga soo deyn fadhiyada Golaha Wakiillada.

 

Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay Boobe Yuusuf Ducaale, Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] Jaamac Maxamed [sweden] oo dhamaantood hanbalyeeyey asaasida Daladan iyo ku dhawaaqideeda isla markaana ka waramay duruufihii iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay Saxaafada Somaliland ay soo martay laga soo bilaabo tan iyo markii la asaasay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ururka SOLJA oo Sheegay in Aanay Aqoonsanayn Dallad Sheegatay in ay Ku Midoobeen Suxufiyiintu

 

Hargeysa (Somalilandnation)- Masuuliyiinta ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA , ayaa beeniyay warar ka soo yeedhay urur la baxay dallada midowga Saxaafada (USJ0, oo sheegayay in ururka SOLJA yahay ururka saxaafada dawlada.

 

Xoghayaha Ururka SOLJA Muuse X. Muxumed oo ka hadlay shirka jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda Hargeysa , ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warrka ka soo baxay ururka isku magacaabay dallada saxaafada , waxana uu tilmaamay in ururka SOLJA uu yahay ururka saxaafada Somaliland, isla markaana ay ku bahoobeen suxufiyiinta warbaahinta qaranka iyo kuwa madaxa banaan.

 

Xoghayaha SOLJA waxa uu sheegay in aanay aqoonsanayn dallada dhawaan lagaga dhawaaqay Hargeysa oo aan sharciyad lagu aasaasin.

Gudoomiyaha Ururka SOLJA Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”, oo shirkaasi ka halday ayaa sheegay in suxufiyiinta ka hawl gala saxaafada dalku ay xuquuq isku mid ah leeyihiin , isla markaana aan loo baahnayn in la kala faqooqo.

 

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ururkoodu aanu ku jirin , isla markaana aqoonsanayn wax dallad saxaafadeed ah oo ay ku midoobeen saxaafada maxaliga ah.

 

Sidoo kale waxa shirkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka SOLJA Xariir Faarax Ducaale , waxana uu sheegay in marka dallad la samaynayo lagaga qayb galo ururo , isla markaana aanay ururkoodu aqoonsayan kuna jirin dalladaasi oo uu ku tilmaamay mid aan sahrci ahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this