General Duke Posted September 1, 2007 Shirkii Mucaaradka Ee Asmara Oo Dib U Dhac Ku Yimid Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-Augosto-2007 Shirkii ey iclaamiyeen golihii Maxaakiimta Islaamka iyo kooxda la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee lagu waday in uu qabsoomo maalinka barito ah ayaa la sheegay in dib loo dhigay ilaa lixda bisha ee ku beegan maalinka Arbacada ah. Dib u dhaca shirkan oo lagu sheegay in uu ka danbeeyo kadib markii ey soo xaadiri waayeen inta badan ergooyinkii lagu casuumay shirka oo kuligood ah dad dibadda ku nool islamarkaan ka kala imaanayay wadamao kala duwan oo qaarkood fog-fog. Ilaa iyo iminka ma cada tirada rasmiga ah ee lagu casuumay shirkan, laakiin wararka qaar ayaa sheegay in ey isugu tagayaan shirkaas dad tiradoodu lagu sheegay 150-200 oo qofood. Shirkan oo ey isugu imaanayaan kooxo mucaarad ah oo qaarkood dalka kasoo cararay kadib dagaaladii qaraaraa ee halkaasi ka dhacay dhamaadkii sanadii hore iyo dad iyagu qurbo joog ah kuwaasoo kuligood ka mideysan waxa ey ugu yeereen Gumeysiga Itobia ee dalka kusoo duulay. Isagoo shirkan wali ka furmin dalka Eritrea ayaa waxaa iyana soo shaac baxay mucaarado badan oo shirkan kaga imaanaya xagga kooxo kale oo ey isku mowqif yihiin kuwaasoo ku tilmaamay raggan ku shiraya Eritrea ey yihiin kooxo iyagu iswacday oo isku dano ah. Kooxaha mucaaraday shirkan ilaa iyo hada laakiin isku fikir ah ayaa waxaa ka mid ah odayaasha ****** ee garabka mucaaradka oo iyagu ku sugan Muqdisho iyo koox diimeedka Al-sabaab oo iyagu soo saaray baaq ey ku mucaaradayaan shirkan |Halkan Ka Akhriso Baaqa Al-shabaab (Riix Halkan)|, waxeyna ku tilmaameen kooxdan iyagana mucaaradka ah ee ku shiraya Asmara ey yihiin kuwa la shaqeysta gaalada isla markaana ku qabsanaya shirka caro gaalo. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites