Saalax Posted July 26, 2010 Musaveni Oo Yidhi Somaliya Kama Jirto Wadaniyad & Midnimo-toona Waxa Ka Jira Waa Dowlad Magac Ah Oo Taag Daran. Kampala(Ramaas) July 25, 2010 - Shirka Madaxda qaaradda Afrika ee ka socda Magaalo Madaxda dalka Ugandha ee Kampala ayaa furitaankisii waxaa hadallo ka jeediyay M/weynaha Ugandha Yuweeri Musaveni oo ka hadlay Argagixisada Alshabaab ee Somalia ku sugan, kuwaas oo halis ku haya Mandaqada geeska Africa. Masuuliyiinta halkan fadhiya waxaan u sheegayaa sidan "In Soomaaliya aan loo deyn karin ururada argigixasada ee caalamka iska soo uruursadey, loona baahan yahay in aan qaadno talaabo deg-deg ah oo aan kaga nadiifinayno sharwadayaasha iska soo abaabulay bariga dhexe". Madexweyne Musaveni waxa uu yidhi "Somalia waxaa jooga dawlad kala qeybsan oo aad u taag daran, Soomaalidana kama heyno dad wadaniyiin ah oo aan taageera, kuwas oo sameeya ururo dib uga xoreeya Alqaacida dalka soomaaliya". Masuuliyiinta kale ee shirka lagu marti qaaday waxaa kamid ahaa Raisul wasaarihii hore dalka Britain Gordan Brown oo shalay khudbad horudhac ka jeediyay taas oo ku sheegay in uu soo marti qaaday saaxiibkii Males Zenaawi Raisul Wasaaraha Ethiopia oo uu sheegay inay wada qabteen hawlo badan oo Africa iyo caalamka waxtar u leh, walina uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo. " Qarnigii 20aad ee tagay dadka Afrikaanku waxay ku faani jireen, waxaan jabinay oo aan ka xorownay gumaystihii reer Yurub ee xooga badnaa, waxaan nahay geesiyaal leh halyeeyo. Laakiin maanta waxaa looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan arimaha horumarka caalamka oo uu qaranigaan 21aad noqdo kii Afrika hogaanka aduunka ay qaban laheyd" sidaas waxaa yiri Gordon Brown Sidoo kale waxaa joogo shirka wafti ballaran oo uu hogaaminiyo Eric Holder oo ah Qareenka Guud ee Dalka Maraykanka iyo xubno sarsare oo Sirdoonka ah iyo Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dawladda Mareykanka iyo waliba EU. Maanta ayaa lafilayaa in shirka laga soo saaro go,aano degdeg ah oo khuseeya sidii xal loogu heli lahaa dalka Somalia ee dagaaladu aafeeyeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites