Cowke Posted October 9, 2009 Madaxweyne Shariif "Waan Baneynayaa Kursiga Hadii uu Xalka Dalka ku jiro" Madaxweyne Shariif oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu banneeyo kursiga haddii uu ku jiro xalka Soomaaliya Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka dego kursiga haddii uu ku jiro xalka dalka Soomaaliya. Madaxweynahe Shariif waxa uu hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da isagoo ku sugnaa magaalada Colombos ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay kooxaha dagaalka kula jira dowladdiisa inay miiska wadahalka yimaadaan uuna diyaar u yahay in laga wadahadlo xalka Soomaaliya. Wuxuu ku eedeeyay kooxaha mucaaradka inaysan diyaar u ahayn xal Soomaaliyeed taa bedelkeedna ay ku shaqeynayaan amaro shisheeye. Waxa uu ku tilmaamay inay yihiin xoogag argagixiso ah oo Shacabka Soomaaliyeed dhibaato ku haya. Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku marayay gobolo kala duwan ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale cambaareyn u jeediyay warqado hanjabaado ah oo loo jeediyay maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Waraaqahaasi oo shalay subax lagu arkay agagaarka Isbitaalka ayaa looga digay maamulka Isbitaalka inaysan qaadan gargaarka hay’adaha dibada. Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in aan loo joojin doonin hanjabaadaasi. SBC International News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites