Sign in to follow this  
Cowke

Sheikh Sharif: I Will Step Down If It Is In The Interest Of Nation

Recommended Posts

Cowke   

Madaxweyne Shariif "Waan Baneynayaa Kursiga Hadii uu Xalka Dalka ku jiro"

 

Madaxweyne Shariif oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu banneeyo kursiga haddii uu ku jiro xalka Soomaaliya

 

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka dego kursiga haddii uu ku jiro xalka dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynahe Shariif waxa uu hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da isagoo ku sugnaa magaalada Colombos ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay kooxaha dagaalka kula jira dowladdiisa inay miiska wadahalka yimaadaan uuna diyaar u yahay in laga wadahadlo xalka Soomaaliya.

 

Wuxuu ku eedeeyay kooxaha mucaaradka inaysan diyaar u ahayn xal Soomaaliyeed taa bedelkeedna ay ku shaqeynayaan amaro shisheeye.

 

Waxa uu ku tilmaamay inay yihiin xoogag argagixiso ah oo Shacabka Soomaaliyeed dhibaato ku haya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku marayay gobolo kala duwan ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale cambaareyn u jeediyay warqado hanjabaado ah oo loo jeediyay maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

 

Waraaqahaasi oo shalay subax lagu arkay agagaarka Isbitaalka ayaa looga digay maamulka Isbitaalka inaysan qaadan gargaarka hay’adaha dibada.

 

Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in aan loo joojin doonin hanjabaadaasi.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this