Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Somaliland President Called for an Urgent Parliamentary Meeting

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland oo kulan deg deg ah isugu yeedhay golaha wakiilada ee Somaliland xiligan oo ay fasax ku jiraan

 

 

Hargeysa(Qaran) Madfaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa isagu yeedhay Mudanayaasha Golaha Wakiilada Inay todobaad ka dib isagu yimaadaan Fadhim aan caadi ahayn.

 

Madaxweyne Rayaale waxa uu ku sababeeyay Fadhiga aan caadiga ahayn in loo baahan yahay in Go'aan laga gaadho arrinta Miisaaniyad Sanadeedka 2007 oo ay ku jirto Kharashkii lagu geli lahaa Doorashooyinka wakhtiga yari ka hadhay ee Golayaasha Deegaanka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa Komishinka Doorashooyinka.

Sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu caawan soo saaray afhayeenka Madaxtooyada oo u qornaa sidan;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isagoo cuskanaya qodobka 46aad, faqradiisa labaad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ee awooda u siinaya in sharcigu u ogol yahay in fadhi deg deg ah, uu isugu yeedhi karo Golaha Wakiilada marka arrimo deg deg ahi ay dalka la soo gudboonaadaan.

 

Madaxweynuhu isagoo tixgelinayaa la tashi badan oo uu la yeeshay waxgaradka iyo aqoonyahanada iyo cidd wal oo danaynaysay danaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si qadarin iyo mudnaan mudan uga codsaday in Golaha Wakiiladu ay fadhi deg deg ah isugu yimaadaan kana hadli doonaan arrimo muhiima oo aan sugi karin inta ay ka soo noqonayaan fasaxooda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin.

 

1.Dhammaystirka Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka, taas oo lagama maarmaan u ah geedi socodka Doorashooyinka Qaranka oo wakhti koobani ka hadhsan yahay.

 

2.Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2007 oo u taalla Golaha Wakiilada in ay si deg deg ah go;aan uga gaadhaan, iyadoo Miisaaniyaddaasi ay ku jirto tii Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu Golaha xildhibaanada ka codsaday in fadhigaasi deg deg ah ay isugu yimaadaan muddo todobaada gudaheed ah, laga bilaabo maanta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this