Sayyid Posted January 19, 2006 Madaxweyne Yusuf oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Kuwait; Posted to the Web Jan 18, 08:12 Kuwait City:- Madaxweynaha DFKMS Cabdilahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa oo shalay ka soo degeen Airoporka kuwait ayaa habeenkii xalay kulamo la yeeshey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Kuwait, oo ka mid ah jaaliyadaha ugu da'ada weyn ku nool qurbaha. Sida la wada ogsoon yahay madaxwayne Cabdilahi Yusuf ayaa safarkisa dalka Kuwait uu ku aadan yahay ka qayb galka tacsida Amiirka dalka Kuwait ee geeriyoday Shiikh Jabir Axmed Al -sabax. Madaxwayne Cabdilahi Yusuf ayaa waxaa qaabiley safaaradda iyo jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Kuwait. Waxa madaxweynuha uga waramay jaaliyaadd xaaladda wadanka iyo heshiis dhowaan cadan ka dhacay, kaas oo dhex marey Madaxweynaha iyo Afhayeenka Barlamaanka Soomaaluiyeed, Sharif Xasan Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Tacliinta Sare, Mudane Cawad Casharo iyo Diblomasi Cumar Xaji Cali iyo xubno kale oo aan halakan lagu soo koobi kareen. Waxaana Madaxweynaha si diiran u soo dhoweeyey dhinaca Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kuwait, Safiir, C/qadir Sheekh Amiin iyo Axmed Jibriil Qablan, Magan Maxammed Xasan iyo Xuseen Jaamac Muuse oo dhaamaan ka mid ah hogaamiyaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kuwait. C/KARIIM MUKHTAAR AXMED IDRIS Quote Share this post Link to post Share on other sites