Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf holds press conference..Villa Somalia PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Yuusuf oo shir Jara'id ku qabtey Muqdisho

Last Updated::2007-04-28 16:02:18

 

Mogadischo:-Madaxweynaha DF Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta waxaa uu shir jaraa’id uu ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ee Villa Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha ayaa shirkiisaan jaraa’id waxaa uu kaga warbixinayey Arimo Door ah oo ay ka mid ahaayeen Xaalada Magaalada Muqdisho, Safarro uu dalka Dibada uu uga maqnaa, iyo Guud ahaan Xaalada Wadanka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha DF Yuusuf ayaa shirkaan jaraa’id waxaa uu kaga hadlay dagaaladii 9 maalmood ka socda Magaalada Muqdisho isagoo eeda dagaalka dusha ka saaray kooxihii Nabad Diidka ahaa ee diidanaa joogitaanka ciidanka Itoobiya oo uu ku tilmaamay kooxo isbiirsadey oo ka haray Maxkamadihii islaamiga.

 

 

Madaxweynaha waxaa uu sheegey in Dawlada ay u adkeysan weydey in weeraro joogta ah ay kaga yimaadaan dhinaca kooxaha uu ku tilmaamey in ay ahaayeen Haraadigii Maxkamadihii Muqdisho ka talinayey.

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka warbixiyey, Safar uu ku tagey isaga oo ay wareysi Gaar ah uu la yeeshey wariyaha Horseednet, waxaa uu ku sheegey in Safarkii uu ku tagey wadanka Itoobiya Dhawaantaan ay iskula soo qaadeen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Ato Meles in ay ka mid ahayd sidii ay u soo afjari lahaayeen kooxaha Nabad Diidka ah Kacdoonka ay ka sameeeyeen Caasimada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha waxaa uu ugu danbeyntii Tacsi u direy Dadkii ku dhintey Muqdisho ehaladoodii waxaana uu sheegey in uu aad oga xunyahay waxa ka dhacay Caasimada Soomaaliya Sagaalkii Beri ee ugu danbeysey.

 

 

Mohamed Ali (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada

 

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa shirkan jaraa’id kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ugu horrayso dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxo is biirsaday oo ka haray Maxkamadihii ay dagaallo ka bilaabeen magaalada Muqdisho xarunta Villa Somalia-na la soo weeraray ilaa iyo dhawr iyo toban jeer.

 

Waxaa uu sheegay in weeraradaasi ka imanayey kooxaha is biirsaday ay dawladdu u adkaysan weydey kadibna lagu khasbanaaday in laga hor tago.

 

Waxaa uu tacsi u diray elehalada dadkii ku dhintay dagaalladii ugu dambeeyey waxana uu beesha caalamka ugu baaqay in gargaar lala soo gaaro dadka ku tabaalaysan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

 

Axmed Aar

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Somalia oo shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia.

 

Madaxwaynaha somalia ayaa shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada wadanka Somalia ee Villa Somalia kadib markii si buuxda ciidamada dawladu ay ula wareegeen caasumada somalia isagoo ka hadlay madaxwaynuhu arimo farabadan oo ay kamid yihiin dagaaladii muqdisho ka dhacay, dadkii ka barakacay iyo waxyaalo fabaran isagoo tacsina u diray eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii dagaaladaasi ku nafwaayay.

 

Madaxwaynaha somalia Cabdullaahi Yuusuf axmed wuxuu ugu horay ka hadlay dagaaladii ka dhacay muqdisho isagoo sheegay inay dagaaladaasi u dhexeeyeen haraadigii maxkamadaha iyo kooxo dano gaara wata kuwaasoo maaliyad farabadan ku bixinayay sidii qalalaase uu wadanku ugu sii jiri lahaa isagoo madaxwaynuhu hoosta ka xariiqay in kooxdaas la soo afjaray ciidamada qalabka sidaana ay ku mahadsan yihiin sida geesi nimada leh ee ay cagta u mariyeen kooxihii ay dadka reer muqdisho ka harsan waayeen.

 

Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu ka hadlay khasaaraha dagaalkaasi uu gaystay isagoo sheegay inuusan marna raali ka ahayn in dadka shacabkaa waxyeelo soo gaarto uuna u tacsiyaynayo dhamaaan dadkii aan waxba galabsan oo ay haleeshay madaafiicdii lays waydaarsanayay isagoo nasiib dano ku tilmaamay in ninam aan umada u naxayni ay gabaad ka dhigtaan dadka shacabkaa si ay wadanka qalalaase uga sii wadaan.

 

Dhanka kale wuxuu madaxwaynuhu sheegay in dawlada somalia hada wixii ka dambeeya u soo jeensanayso dibu dhiska dalka iyo sidii dadka barakacay guryohooda ugu soo laaban lahaayeen isagoo intaasi ku daray in umada somaliyeed ee guryohooda ka cararay hada wixii ka dambeeya ay soo laaban karaan guryohoodana ay u fasaxan yihiin isagoo dhanka kalana ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada dawlada.

 

Ugu dambayntii Madaxwaynaha somalia wuxuu beesha caalamka ka codsaday inay gargaar dag dag ah la soo gaarto dadka talaabaysan iyadoo laga caawinayo sidii ay guryohooda ugu soo laaban lahaayeen iyo in beesha caalamku ka shaqayso oo dhaqaale ku taageeto sidii umada qaxootiga noqotay guryohooda loogu soo celi lahaa sida ugu dhaqso badan.

 

Isku soo wada duuboo dadwaynaha reer muqdisho waxay u muuqanayaan kuwo dhabihii nabada cagta saaray walow wali ayjirto aaminaad la'aan dadwaynuhu ka qabaan inaysan marnaba muqdisho noqon karin goob amaan ah ee qolo un soo bixi doonto.

 

Cabdinuur mohamed seeraar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yusuf oo shir jaraa'id ku qabtey Muqdisho

 

28 Apr 28, 2007 - 7:04:31 AM

 

Cabdilaahi Yuusuf Axmed Madaxweyanha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada Muqdisho kadib dagaalo sideed cisho ka dhacay, waxuuna shaaca ka qaaday inay dhamaadeen dagaalada isla markaana ay xaalada iminka degan tahay.

 

Cabdilaahi Yuusuf waxuu yiri "Dagaalka waxa uu u dhaxeeyay rag argagaxiso ah oo ammaaan laga waayay balse dowlada wey ka guleysatay xiligaan Muqdisho iyadaa gacanta ku heysta".

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxtooyada ay soo weerareen kooxo argagaxiso ah dhowr iyo tobban jeer, isagoo sheegay in qasaaro xoogan kooxahaas ay u geysteen shacabka Muqdisho.

 

Yuusuf waxuu ugu baaqay shacabka Soomaliyeed inay heshiiyaan isla markaana ay soo xaadiraan shirka dib u heshiisiin oo Muqdisho lagu qabanayo bartamaha bisha June.

 

Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ka barakacay Muqdisho ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, isagoo xusay in Dowlada Federaalka iyo ciidamada saaxiibka ah ee Ethiopia ay soo dhaweynayaan qof kasta oo ka shaqeynaya nabadda.

 

Madaxweynaha ayaa dhanka beesha caalamka ugu baaqay inay gar gaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee dagaalada ay barakiciyeen oo dhibaateysan, isagoo hoosta ka xariiqay in DF ay qeyb ka qaadaneyso caawimaada dadkaasi.

 

Hadalkan maanta kasoo yeeray Cabdilahi Yuusuf Axmed Madaxweyanha Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa kusoo beegmay kadib dagaalo culus oo Muqdisho ku dhex maray DF iyo kooxo kasoo horjeeday iyado haatan Muqdisho ay gacanta ku heyso DF.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne C/laahi Yuusuf"Dagaaldii Muqdisho kuwo nalaku khasbay bay ahaayeen waaxana ka xunnayhay....

 

Muqdisho:-M/weyne C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta shir Saxaafadeed ku qabtay Villa Somalia ayaa raali galin u diray dhamaan dadkii shacabka ahaa ee mmagaalada Muqdisho ka qaxay.

Col.C/laahi Yuusuf oo shalay dalka dib ugu soo noqday ayaa sido kale wuxuu tacsi u diray dhamaan dadku ku geeriyooday dagaaladii khararaa ee dhawaan Muqdisho ka dhacayey.

 

Waxaanu la dagaalamaynay waxay ahaayeen kooxihii arga-gixisada ahaa ee Maxkamadihii ka haray,ee dowlada iyo shacabka dagaal iyo claadi toona kama dhexayso ayuu yiri C/laahi Yuusuf oo intaas ku daray in xukuumadu dagaalkaan ka gashay ka dib markii xataa qasriga uu dagan yahay la soo weerar dhowr iyo toban jeer waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Dhinaca kale C/laahi Yuusuf ayaa ugu baaqay shacabkii ka qaxay magaalada Muqdisho inay guryahooda dib ugu soo noqdaan,wuxuuna ballan qaaday in xukuumadu ay dhinac istaagi doonto dadkaas dhibaataysan.

 

M/weyne Yuusuf ayaa sidoo kale Hay’adaha samafalka ugu baaqay inay gargara la soo gaaraan dadka dhibaataysan,isagoo dunda kalana ka codsaday in gurmad deg deg ah oo shacabka Somaliyeed lala soo gaaro.

 

M/weyne Yuusuf ayaan shirka saxaafadeed ku sheegin hadaladii dhawaan ka soo yeerayey qaar ka mid ah beesha caalamka ee sheegayey in dagaalkii ugu danbeeyey ay xukuumada iyo Ciidamada Itoobiya gaysteen gumaad iyo falal ka dhan ah xuquuda insaanka.

 

Waayaha.net

 

Editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

What's Sharbo-dheere doing in the picture? Didn't they report he left the scene altogether? I guess qabiil & caqli xumo are way too addictive.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo aan Dagaal wax ku dooneyn

 

Madaxweynaha Dowladda Federeraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo sida ay haatan tahay Xaaladda Muqdisho.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay ay ahaayeen kuwo u dhaxeeyay kooxo ka haray Maxkamadihii Islaamka iyo kooxo kale oo dhinaca dhaqaalaha ka kaalmeynayay, kuwaasi oo uu sheegay in ay in muddo ah weerarro ku soo qaadayeen Xarunta Villa Somalia iyo fariisimo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiya ee caawinaya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in haatan ay magaalada Muqdisho xasiloon tahay, sidaas darteedna wuxuu dadkii ka barakacay ugu baaqay in ay dib ugu soo noqdaan.

 

Madaxweyne Yuusuf oo tacsi u diray dadkii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay dagaalladii Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aysan ujeedkooda ahayn in ay ku dul dagaalamaan dadka rayidka ah balse lagu qasbay.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu shirkiisa jaraa'id si cad ugu sheegay in ay Dowladda Federaalka la hadleyso cid kasta oo aan dagaal wax ku dooneynin, isla markaana gar wadata, wuxuuna dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed uga digay in mar kale la geliyo dagaal lagu hoobto oo ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah wata.

 

Hay'adaha Samafalka ayuu ugu baaqay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadkii ku barakacay dagaalladii Muqdisho, gargaarkaas oo isugu jira mid caafimaad, nafaqo iyo hooy, wuxuuna madaxweynaha carrabka ku dhuftay in ay Hay'adaha Gargaarka isticmaali karaan garoomada Soomaaliya oo dhan, isagoo caddeeyay in ay ammaanka hay'adaha gargaarka sugi doonto Dowladda Federaalka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka jaraa'id ee uu maanta qabtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo gacan ku heynta magaalada Muqdisho ay la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu Muqdisho timid dabayaaqadii sanadkii hore, xiligaasi oo ay gacan ku heynta Muqdisho kala wareegeen Maxkamadihii Islaamka.

 

alsom17@hotmail.com

 

Shabeeladahoose.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jimbo, Morgan looks even younger than previously. Whats with him reasing over the speech, I undertsand Xubsireed, but I never knew the old General was an expert speech writer?

Share this post


Link to post
Share on other sites

madaxweynaha3.jpg

 

General Morgan is a very important component of the TFG right now as he was the man in charge of the security operation in Mogadishu. He played a decesive role in the final battle that brought victory on thursday. It was actually him who was leading the army on that day, not in person or directly on the front line but he was giving the orders and he also set the strategy for the blitz war in which the nidaamdiid were utterly crashed.

 

He's now the right hand man of the President. They had major disagreements earlier on but now everything has been resolved and settled for good. Ina Xuugsireed is the left hand man of the President and his personal spokesman and I'm glad that he's actually briefing the media and preparing everything for the president including his speeches etc, which are carefully crafted by Ina Xuubsireed and others.

 

So General Morgan as the Presidents right hand man and man in charge of the overall security mop up operation of Mogadishu had to be present at this press briefing and sit side by side with the President in order to brief the press and answer questions if found necessary. So no surprises there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

Jimbo, Morgan looks even younger than previously. Whats with him reasing over the speech, I undertsand Xubsireed, but I never knew the old General was an expert speech writer?

loool...I understand xuub-sireed...I heard he is hilible...or butcher....xaggee khudbo qoroow ku bartay...website idamaale la dhaho oon xitaa margins qabin baa wax uu qoro ugu horreysey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this