Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland unifies education System + Umar Samatar best high school

Recommended Posts

Garowe: Puntland oo markii ugu haraysay 11 sanno ka dib mideysay Manaahijta Dugsiyada Sare ee Puntland.

15. august 2009 

 

Print This Article  | Daabaco warkaan

Garowe(AllPuntland)- Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay 11 sanno ka dib in ay mideeyaan Manaahijta Dusgiyada sare ee Puntland, waxaana shalay looga dhawaaqay arrintan Wasaarada Waxbasharada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

 

Wasaarada Waxbarashada ayaa ku guuleystay keenida qorshahan oo ay mudo dheer keeniwaayeen Wasaaradihii ka horeeyey, waxaana laga soo bilaabo 1998-dii ay Dugsiyada sare kala ahaayeen kuwa kala mawqifyo duwan, balse hada la gaaray waqtigii la mideyn lahaa.

 

Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ayaa shalay kaga dhawaaqay caasumada Puntland, wuxuuna sheegay in ay dhamaanba Manaahiijta Dugsiyada Sare la mideeyey, isla markaasna ay isku wax dhigan doonaan Ardayda dhigta Dugsi sare oo walba oo ka jira Puntland.

 

Kulan dheer oo mudo todobaad ah usocday Maamulayaasha in ka badan 38 Iskuul oo kuyaala Puntland, ayaa go'aamiyey in qorshahaasi la taabagaliyo, ayagoo isku raacay in ay talaabo wanaagsan tahay, waxa ayna talaabo horukac ah ku sheegeen talaabadan maanta la qaaday.

 

Agaasimaha Qeynta Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta ee Puntland Cali C/laahi Warsame, ahaana Lataliyihii howshan balaaran soo agaasimay, ayaa sheegay in ay wadayaan dadaalkan, wuxuuna ku wareejiyey Wasiirka Waxbarashada qoraal ay ka soo sameeyeen 12-ka Maado, ee lugu barto dugsiyada Sare ee Puntland.

 

Wasaarada Waxbarashada ayaa shaacisay in ay sannadaha nagu soo dhaw ay waraaqaha urogi doonto Buugaag, ayna geyn doonto meel walba oo ka mid ah Dugsiyada sare ee Puntland, waxa ayna shaacisay in aysan ka fariisan doonin Qorshahaasi.

 

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa ka mid noqotay wasaaradaha ka soo dhex muuqday waqtigan Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Faroole, waxa ayna qabatay waxyaabo badan oo ay ku amaanayaan dadka Reer Puntland, ayadoo markii ugu horeysay utagtay dalalka Caalamka qaarkood in la aqoonsado Shahaadada Dugsiyada sare ee Puntland, taasoo noqotey mid ay ku farxeen Shacabka gobalada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Natiijadii Imtixaanka sannadka oo lasoo bandhigay & Omar Samatar oo kaalinta koowaad galay.

15. august 2009 

 

APL

Tool

 

Garowe(AllPuntland)- Omar Samatar Secondry School ayaa ka soo dhex baxay Iskooladii Dugsiyada Sare ee Puntland, markii ay Ardayda Iskuulkaasi 99.5% ay ku baaseen Imtaxaanaadkii sannadkan ee ay soo diyaarisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliina sare ee Puntland, ayna ka qeybgaleen 10 Dugsi sare oo kuyaala deegaanada dowladda Puntland ee Soomaaliya.

 

Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax Juxa oo shaacinayay sidii loo kala helay Natiijada sannadkan ee Imtixaanka, ayaa sheegay in uu Iskuulka Omar Samatar noqday dugsiga sare ee ugu sareeya sannadkan, isla markaasna ay baaseen marka hal Arday laga reebo Ardaydii sannadkan ee Imtixaanka gashay.

 

Sannadkan Imtixaanka waxaa uga qeybgalay Cumar Samatar arday gaaraysa 176 Arday, waxa ayna noqotey Natiijadii noqotey in uu ka dhacay oo kaliya hal arday, isla markaasna ay baaseen 175 Arday, taasoo noqotey mid uu kaga soo baxay Iskooladii kale ee Imtaaxinkan ay Ardaydu uga qeybgashay, ayagoo kala helay Ardaydaasina.

 

26 Arday ayaa keentay Kaalinta (A), 46 Arday ayaa keentay (B), 64 Arday ayaa keentay ©, 34 Arday ayaa keentay (D), 1 Arday ayaa keenay (E), taasoo tirada guud ka dhigtay in uu dhacay Hal arday, isla markaasna intooda kale ay noqdeen kuwa baramoosay, ayagoo niyad wanaag ka qaaday Baasidaasi.

 

Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ayaa shaaciyey sidoo kale Sadexdii Arday ee ugu dhibcaha sareysay Imtaxaanka Sannadkan, wuxuuna shaaciyey magacyada Sadexdaasi Arday, Iskuulada ay ka yimaadeen iyo Deeqaha Waxbarasho ee loo dirayo.

 

A: C/laahi Maxamed Muuse, Wuxuu ka soo baxay Omar Samatar-Galkacyo, wuxuu helay 554 Dhibcood, wuxuu baranayay Saynis, wuxuu keenay 8 (A), waxaa loo dirayaa deeq Waxbarasho oo laga helay dalka Suudaan.

 

B: Axmed Siciid Cabdule, wuxuu ka soo baxay Ganbool-Garowe, wuxuu baranayay Saynis, wuxuu helay 550 Dhibcood, wuxuu keenay 8 (A),waxaa loo dirayaa deeq Waxbarasho oo laga helay dalka Suudaan

 

C: Maxamed Xuseen Cabdulle, Wuxuu ka soo baxay Omar Samatar-Galkacyo, wuxuu baranayay Saynis, wuxuu keenay 546 Dhibcood, waxaa loo dirayaa deeq Waxbarasho oo laga helay dalka Suudaan.

 

Dhinaca Gabdhahana waxaa ugu sareysa Gabar la yiraahdo Xayaad Maxamed Cabdi, kana timid Dugsiga sare ee magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, waana Gabadhii ugu sareysay ee sannadkan usoo fariistay Imtixaanka ku guuleysatay.

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland wuxuu cadeeyey in ay heleen deeqo badan oo Waxbarasho, isagoo sheegay in ay hada doonayaan in ay diraan Arday gaaraysa 17 Arday, oo ah kuwii ugu sareeyey ee Imtixaanka, isla markaasna ay udirayaan dalka Suudaan oo ay ka heleen deeq Waxbarasho.

 

Cali C/laahi Warsame, Agaasimaha Qeybta Tacliinta sare ee Wasaarada Waxbarashada, isla markaasna ka mid ah xubnaha aadka ugu taagan in ay wax noqoto Waxbasharada Puntland, gaartana meel wanaagsan oo maanta la hadlayay Ardayda loo dirayo Deeqda Waxbarasho ayaa kula dar-daarmay in ay wax bartaan, isagoo cadeeyey in ay doonayaan in ay wax fiican dadku noqdaan, wuxuuna sheegay in ay heli doonaan fursado badan oo Waxbarasho oo wax loogu qabanayo Ardayda Puntland.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this